|

Diyaarad Ciidanka Kenya leeyihiin oo ku dhacday DHOOBLEY iyo Dad ku dhintay (Warbixin)

Kismaayo ( Kalshaale ) Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in ay ku dhacday diyaarad nuuca militariga ah oo ay leedahay Dowladda kenya.

Sahay ayay u waday Ciidamada kenya ee ku jira howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Deegaanno hoostaga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose si ay usii daabulaan Gawaarida Askarta.

Diyaaradda ayaa kolkii ay damacday in ay caga dhigato Garoonka shil gashay, inkasta oo aan ilaa haatan la shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhicitaanka Diyaaradda, iyo in ay tahay cilad dhanka Duulliyaha ama Garoonka.

Hal qof ayaa ku dhintay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, dhammaan waa howlwadeenada diyaaradda la socday, waxaana la damiyay dab qabsaday diyaaradda sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka deegaanka.

Xiliga uu shilka dhacayay waxa ay ahayd habeen, waxaana xadidnaa dhaq-dhaqaaqa Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley, sidoo kale khasaaraha waxaa yareeyay in ay koobnaayeen dadkii la socday diyaaradda.

Dad ku sugan Degmada Dhoobley waxay sheegeen in had iyo jeer Diyaaraddaan Sahay u keeni jirtay Ciidamada Difaaca kenya ee xiran Koofida Cagaaran ee Nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Dowladda kenya kama aysan hadlin ilaa haatan, waxaana lagu wadaa in ay war kasoo saaraan shilkaan, waxyaabaha sababay iyo haddii badal uu ku yimaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee haatan la helayo.

Kalshaa.com – Warar sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30919

Posted by on Aug 4 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Diyaarad Ciidanka Kenya leeyihiin oo ku dhacday DHOOBLEY iyo Dad ku dhintay (Warbixin)”

  1. Bilihii ugu danbeyey waxaa si xawli ah u so dhacay

    Diyaarado laga lee yahay dalka kenya maxa sabab

    U ah dhicitankan diyaaraha kenya kolay arintan

    Waxay u eg tahay arin shirqool ku ah dalka iyo

    Dadka somaliyed Sirdonka somaliyed waa inuu

    Sameya ka hor tag si aan Loo sumcad dilin dalka

    Waa in baritan la sameyaa waana in la joojiyaa

    Diyaaraha gaboobay ee kenyanku dalka so geliyan

    iyagoo Amar ka haysan dowlada somaliya

Leave a Reply to Jabhad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented