Wararkii ugu danbeeyay Askar u dhashay Sucuudiga oo Xuduuda yemen lagu diley

Muqdisho ( Kalshaale ) Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaadhay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xiriir la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen.

Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii,  markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca.

Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulifo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen.

Xulifadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu cayriyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Amiirkii dalka Kuwait oo ku Geeriyooday dalka Maraykanka
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku ...
Wejiga Labaad ee Heshiiskii Doorashada oo ka Furmaya magaalada Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in uu bilowda wejiga labaad ee dhamaystirka ...
Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ...
Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Arin la yaab ku Noqotay Xildhibaanada ka sheegay Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ...