|

Muuqaal: Khudbadii Salaad Cali Jeelle uu Buuqa ka dhalisay Shirka Mudulood

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa Buuq ka dashay Khudbadii uu maanta Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Shirka Mudulood.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in haddii shirka khudbadaha laga jeediyay aysan ku jiri laheyn arrinta doorashada uusan soo kici laheyn, isagoo yidhi “Shirka hadduu shir mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorasha laga hadlay, sidaas u soo kacay, doorasho dadban la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan”

Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo fadhiga ka soo kacay ayaa markii buuq ka dhashay khudbadii Salaad Cali Jeelle iyo fowdada uu geliyay habsami u socodkii khdubadaha ayaa ayaa sheegay in shirku yahay shir mudullood oo aan mucaarad iyo muxaafad aheyn nin aan mudul laheyn uusan goobta joogin, balse waxaa uu yiri in qof walba uu cod leeyahay.

 “Nin la dhihi karo hadal la siinayo ma jirto, nin walba cod leeyahay, nin walba akhtiyaar leeyahay, waa la dhageysanayaa waa loo sacbinaya wuxuu dhaho asiga yiri, sidaas shir ku noqonayaa, sidaas shirka guul ku gaari karaa, fowdada hala dhaafo”.

DAAWO KHUDBADII SALAAD CALI JEELLE IYO ARIMAHA UU KA HADLAY

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30895

Posted by on Aug 3 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

46 Comments for “Muuqaal: Khudbadii Salaad Cali Jeelle uu Buuqa ka dhalisay Shirka Mudulood”

  1. Aniga Haddaan deganahey Hotel ku yaalo Hargeysa, kharashka ay dhiibaan Isaaq, Miishaar iyo Gunadana aan u soo dirsado Boondheere.

    Waa i dhibee Xisaabta Feysal Waraabe iyo inuu sheeg sheego
    1. Canshuurta Hargeysa
    2. Baahida magaalada Hargeysa
    3. Baahida Ciidamada Hargeysa

    Hadde in Adeer Muuse Suudi uu iska sii joogo Hargeysa, waxey u roonrahey HOTEL JIIFKEYGA iyo XAWAALADDA BOONDHEERE TIMAADO

    haddii uu Prof BUUBAA dhaho, Muuse waqtiga haloo kordhiyo – JECLIYAA warka BUUBAA

    Haddii uu Buubaa dhaho, xisaabtanka jojo Feysalow – JECLIYAA WARKA BUUBAA

    * Dhurwaaguna Jeclaa qofka dhaho daaya, dhurwaaga Ariga ha laaye.

  2. Duq ayaa dareemay in Naftu heyso, markaas ayuu ooyey, Xaaskii ayaa dhahdey WAXBA HA OOYIN SIDAAS la isku DEYN MAHAYEE-

    NIN Wadaad ah ayaa dareemay Aduunyo jaceylkiisa markaas ayuu dhahey, saaxiibkaa hebel, iyo hebel, Aabahaa iyo awoowgaa
    ” ayaa kaasii horeeyo oo aad u tageysaa CAADI ISKA DHIG”

    Waa fariintii Xassan Shiikh maanta

    Hadda anagaa kaa sii horeynay ee waxba kursiga ha isku dhajin,

    Aniguba waan jeclaa inaan joogo oo QABYO one DHAMEYSTIRO lkn Dadkiyo dalkaa diidey

    Adiguna QABYADEYDII ayaad ku sii dartey QABYO LABAAD markaas ayeysan ismaqlin Dhagahaada iyo Bidaartaadii hore (sorry warkaadii hore

    (Nina ku waarimahayo KURSI iyo Nolosha).

  3. Xalada waxaa dejiyey cali mahdi masha allah nin

    Kastaa waa midil oof ama mucaarad ohoow ama

    Madaxwayne farmaajo taageer

  4. Hadalkaasi Mr Salaad yidhi ayaan qabaa,aniga oo aan cidna aflgaado u gaysanayn,ayaan runta u arkaa sidaa uu sheegay Mr salaad.

    Dadku waa alshabaab iyo shaqaalihii alshabaab.Sida loo aamusay markii uu ka hadlay alshabaab waa lays yaqaanaan.Wabiayada uu sheegayaa waa lashabaab iyo xerteeda.

    Dadka ayaa lagu jeedinayaa doorasho iyo dawlada kkk

    Salaad wuxuu sheegay intii uurkayga ku jirtay.

    Dalmida

  5. Cali Mahdi ma ahee 3da nin ee kale hadal wanaagsan bay ku hadleen… Cali Mahdi wuu hanjabay, hadal Madaxweyne ma aha…

    Shirku inuuna Shir dhaqan ahayn waa la ogaa… Waa shir caanbayn iyo dhoolla tus isugu jiray… Waan soo dhawaynayaa inay Madaxdii hore lahjadoodii hore beddeleen….

  6. Waxaa meesha wada joogo Mudulood. Waa kuwa hadda xilhaya, kuwa xilka ka degey iyo kuwa hada xilka raadinaya Waa in ay leeyihiin wax ay ku mideysanyihiin oo ay wada ilaashadaan”

    Waa intaas inta reerka ka maqan, una baahan In xal guud laga gaaro.

    Salaad cali jeelle waa igaar mudulood. Xaq ayuu u leeyahay in uu aragtidiisa ka hadlo. Laakiin waxaad moodaa weli in calooshu hadlayso.

    WAAYEEL ABGAALYA WAYL LO.AAD NINKI WAX SIIYO AAWADAA.

    • ASC.
      2BA MIIRRE, Suugaanti laad kala daashe; “WAAYEEL ABGAAL IYO WEYL LÓAAD NINKII WARAABIYA WATA”. WBT

  7. Qudbaddii Cali Mahdi dhagaystay: Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa qorigeygii cadaa, weli xabadda waa iigi jirtaa..in dhiig iska daadino xukun dartiis waan aqaan ayuu ka wadaa, cadaab waayo wax xukun.
    Wuxuu kaloo yiri: Inta habeen iyo maalin ku celceliyo LOP= Ma yeelayno Somalia in mardambe xukun xoog iyo musuqmaasuq lagu haysto.
    Soo haddaan doonto, haddii lagaa raayana madaxweynaheenii hore ayaa tahay fadhiga kaaga kacaynaa, taas waa hadal biyo kamadhibcaan ah.
    Doorasho waqtigeedii ku dhacda ama dagaal cusub iyo qas horleh.
    Warkii Dabshid ayaa run noqraba: Reer Qurac kursi ku dhejis see laga yeelin? No tanaasul ilaa la is dhameeyo…🇸🇴✌️

  8. Shirka Mudul-ood “Karis xun ku wax la` ama ku weel la `”, “Unukaa leh” Xamar waxay magaalo ku tahay waa la joogga Somali ku dhan tahay min waqooyi ilaa koonfur, haddii keligood la isaga/looga tago wey isku cunayaan, walaahay waa xaqiiq. Waayo, waa in la xusuustaa (1991 ilaa 2005 kii) halkii Kilometer waxa haystay qabqable dagaal, qolyaha ku danaaniya unukaa leh, waa hunguri doon, ee ma aha Xamar doon.

    “Nin soori kaa qaaday, waa nin seefi kaa qaaday” wuxuu xeerinayo oo aan hungurigiisa ka ahayn, ha sheegin. Mida kale ee haysta ama garashada ka qaaday, waa xaaraanta aanay masaakiintii laga dhacay cafis laga weydiisan, waana sababta isku xerta ka wada dhigtay Cali Mahdi iyo Geedi iyo Shariif iyo Guurguurte iyo cawaankooda ay meesha ku soo xaraysteen. Waar Allaah ummadda halooga xishoodo. Farmaajo Somaliya ma laha, dalka boob oo nala mid noqo. Marka waqtigiisu dhamaado, Farmaajo kuma dagaalamayo, xaqa dadkana iyo hantida ummadda wuu iska ilaaliyaa inta aan ka xansaday.

    F.G Walaalayaal qolyihiina Somaliyeed ee meesha rayigooda ku qora, ogaada waxa aad ku qortaan waa mindi 2ba af leh ama khayr baa ummadda ugu jira ama shar. Khayrka xasanaad baad ka helaysaan, sharkana waa uun denbi kuu qormaya. Qofkii Farmaajo ku taageera dulmi uu sameeyo waa tuug, inuu Somali ku gefo maba jirtee. Laakiin, inta uu si hufan ummadda ugu shaqaynayo, wuxuu inaga mudan yahay taageero buuxda in la siiyo. Somalidu waxay yidhaahdaan “Hooyada waxa u danta baa ilmaha(naaska jaqaya) u dan ah. Waxaynu ka fahmaynaa in hooyadu ay tahay dalka ilmaha yar ee jaqayana uu yahay shacabka, ninkasta oo isu soo qaawiya hooyadeen waa inay ka aragnaa inuu danta shacabka wado, haddiise uu rabo inuu tuug aakhiro seega yahay waa inay ku mudaharaadno oo iska wada qabano. Allahu hal maa balaqtu, fash-had. WBT

    • Xagar Qabyaalad

      Adeer hadii aad wadani tahay
      Aawey canshuurti kugu waajibtay
      Iyo difaaci qaranka, ilaali dastuurka yar

      • Green man inta aan awoodo waa in aan xaqa ku adimo, oo ii ah cashuur celin. Haddii aan ganacsi ku haysto dalka waa waajib inaan bixiyo, sidoo kale haddiiaan hanti ma guurto aan ku leeyahayna iyana waa waajib inaan bixiyo cashuurta dawladaha hoose/minishiibiyo. Allaah baa og inaanan ku taageerin qof jecleysi, waxaan ka arkay N&N dantii dalka inay wadaan oo sida adduunku u shaqeeyo ay wax u wadaan. Laakiin kuwiina waa qoloma wax ku miisaama ogaada ciil kama korayaal uun baad ahaanaysaan sida shacabka masaakiinta ee Deni ku hor kaadjo iyo kuwa Muuse container-ka ku haysto. WBT

  9. Aniga waxaan isdhihi jirey Mudulood oo ”maha unukaa leh” oran jiray haddii xukunka qabtaan waxay oran doonaan: Kursi baneey xey tahay, aryaa marti edeb leh noqdha Daroodow…kkkkkkk
    Sheik Shariif iyo Xasan Sheik Villa Somalia dhiibeen ayaa iri, Majeerteen ayagaa ka samir badan oo xukun dhiib garta lagaa cod badiye…..kkkkkk
    Ismalahayn nin Darood; aa maadhow cidda yoon ha gelin ee kursiga baneey oo doorasho qabo laga tuugin….kkkkkkk
    Farmaajo baryo-xoogle wadaa iyo 13 xildhibaan idin siiyey Banaadir ee xaa rabtaan, lacagtii deeqaha adduunka Puntland iyo Jubbaland uga dhaartay farta idinka saaray, Galmudug lacag ku hurgufay weli maxaa rabtaan, kursigaan waan jeclaaday iiga hara…kkkkkkkkk
    Daanyeer ilkajar ah, dhagax halooga saaro Villa Somalia sidii adeerkiis.. waa iga daacad.
    Free, federal and democratic Somalia= Meesha la higsanayo, hooyaday xitaa waxkale kama aqrisanayo….Every 4 years ninkii ummada qanciya miiska codsi hasoo dhigto….run🇸🇴✌️🇸🇴

  10. Somali waa in barataa democracy run ah, maaha in noqono dad sharci lahayn oo kii xoog badan meesha ka kicin ilaa dalkii iyo dadkii kunoolaa aalkhito loo diro.
    Sida dalalka ilbaxay waa 4tii sanoba mar been run run waxaa rabto dadka u sheeg laakiin doorasho xalaal ah in qabato lagaa rabaa….
    Qofka Somali ah oo taasntaageerin waa khhinu wadan.
    Dalka hooyadaa kama dhaxlin dadka dhan ula simantahay..madal la isku dooranayo oo si xalaal ah ugu guulaysatay ayaad Somali ku meteli kartaa.
    Ama aan is dilno oo gobolkayga ooto.
    Allow dadkaaga aqli sii.🇸🇴✌️

  11. Salaad nafta aya qabatey sida
    Uu u jejeestey sida canug cunto
    Ku istaagtey o liqi Kari waayey
    kkkkkk

  12. Xagarciideed

    Waxaad bilowdey GUNO-DIIMEEDKII

    Kulahaa ALLE KA BAQA

    haddana kuye Qalad uu Farmaajo sameeyey majirto.

    1. QALBI-DHAGAX ayuu Axmaaro u dhiibe

    2. 5 dekedood ayuu Axmaaro u saxiixey

    3. Dacwadii Badda ayuu Kenya dib ugu dhigey asagoo leh – Axmed Cadde kaga dajiyeen Kaaraha

    4. Xoolihii Berbera ee Xajka loo dhoofiyey ayuu Sacuudiga ku dacweeyey

    5. Nin Caddaan ah ayuu Bank dhexe u magacaabey (kadib lagu dhahey Gedo gee)

    6. Rasalwasaarihii shaqeyn hayey ayuu kula dagaaley, KURSI KORORSI AYUU DIIDEY.

    7. Dagaal ayuu ku qaadey Gedo, Kharash maahane guul kama keenin.

    Intaas waa Qiyaano Qaran

    Wax qabadna waa Studio Mogadishu iyo riinjiyeynta Tiyaatarka

    * GUNO- DIIMEED LAGUMA JOOGO Maamulka Banaadir state

    – Muxuu Alle ku been sheegtay –

    • Dabshid ugu horeyn fadlan u bedel magaca fitna abuurka sheegaya fitno demiye yacnii dab-xun-demiye.
      1) Qalbi dhagax arrintiisu waxay hoosta ka gashay Sanbaloolshe, oo galaaftay magacii dawlada oo 6bilood jirtey.
      2)5 dekadood, waa damac inay isticmaasho ay ku riyootay, balse heshiiskaasi, 2da dhinac kama ahayn easmi wuxuu ahaa kursi kaga kac. Golaha shacabka heshiis la geeyey ma jirin, sidoo kale dhanka xabashida iyana wax golahooda la geeyey ma jirin, wuxuu ahaa is afgarad ganacsigu inuu noqdo mid la isu furo.
      3)dacwada badda ee la geeyey ICJ, waxay ahayd xaaraan, gef ka weynaa tii loo tirinayey shariif. Waa qasbay guurguurte iyo xalweyste oo Nairobi daaha dabadiisa u fadhiyey, inay soo nooleeyaan, wixii golihii sharci dejintu laaleen. Shariifka dawladiisii markay geftay, waxa gefkaa jebiyey golihii shacabka oo waxba kama jiraan ka dhigay sharciyan. Nasiib xumo guurguurte oo baddeenii muranka geliyey baa saciim ka ah marka loo eego shariifka iyo kooxdiisii (Beyle iyo C/salaam oo u kala danbeeyey Wasaarada arrimaha debedda).
      4)Xoolahaa waxa sacuudiga kala soo hadlay R/wasaarahan hadda Mahdi markuu ku xigaha u ahaa Khayre, iyagaana furdaamiyey xoolihii
      5)Ninka cadaanka waxa ku taliyey qolyihii lacagta ku lahaa oo xiligii ay jooggeen guurguurte iyo shariifka u arkay Somalidu inay yihiin dad wax is dhaafdhaafiya, talo soo jeedintii may qaadan oo wiil reer Burco ah baa ilaa iyo waagaa aad sheegtay haya bangigii dhexe ee dalka
      6) Khayre isagaa dalka M/weyne iyo R/wasaare ka wada ahaa kalsooni buuxda buu ku haystay shaqadiisii, laakiin tuugadii baa xaday Khayre oo ka hor keentay M/weynihii iyo odayadiisii uu magacooda sitay.
      7) Allaah aynu ka baqno dadka masaakiinta ee dhuxuleyste ku buuxsado iyaga iyo xoolahooda diyaaradaha Kenya baa afuufa, ma waxaad qabtaa dakaa Somalida ee la iska laynayo in la dhameeyo iyo ku xumaynta Farmaajo, taasi waa dulmi aad u weyn. Reer Gedo waa Somali dadka uu u dhaartay bay ku jiraan, marna waa isku dhiig, waar gar waa loo islaam… fadlan magacan dabshid sida u dhaqsaha badan isaga bedel ha ku aakhiro seegine. Midna ogow odayga adeerkaa ah ee dhuxuleyste wuxuu helo waxba kuma lihid, ee post-taada aakhiro ilaasho. WBT

  13. Xaagarciideed

    Kursiga laguma wareejin Mr Farmaajo 2005

    Ee waxaa lagu wareejiyey 2017

    Soo CAD iyo Kursi jaceyl lagu quusqaadan mise TUKE ayaad tahiin

    – Reer CAD KAMA KACE INEY KU DHINTAAN MAAHANE ( sorry ka cararaan maahane)

    • Waxaan ka hadlay xaaladii ay caasimadu soo martay, guriga madaxtooyada waxa haystay oo ku wareejiyey dawladii Xuseen Caydiid, dawladuna waxay deganayd Jawhar, 2006 dii Alle ayaa qabqablayaashii talidii ka lumiyey waxay u heshiiyeen dawlada taagta yarad ee Jawhar fadhiday siday uga takhalusi lahaayeen, waxay is tuseen inay USA iyo M/weyne Bush garab ka helayaan hadday miisaamaan wadaada dadka ku dhex jira oo sida Hargeysa iyo Kililka u sariftaan, khamaarkaas iyagii buu isla rogay oo maxkamadihii baa ku dhashay khamaarkii. Maxkamadihii wey xoogaysteen, dawladii itaalka yarayd waxay u guurtey Baydhabo, Maxkamadihiina wey xoogeysteen. Mashruucii qabqablayaasha waxa ka faaiiday dawladii yarayd ee Baydhabo fadhiday markii maxkamadihii yidhaahdeen waanu soo burburinaynaa, waana tii amxaarada loo soo amray inay caawiso, oo iyadoo la sido la keenay Caasimadii, maxkamadihiina laga saaray oo sheekhoodiina laga xaday sida Khayre loo xaday. Farmaajo, in badan buu ku celceliyey wuxuu rabaa in uu ka tago wax shacabka u ah dhaxal min Saylac ilaa Beledxaawo, yacni system u shaqaynaya oo cadaalad qofkay rabaan uu madax ugu noqdo.

      • Kkkk

        Saylac ilaa Beledxaawo

        Inta laga gaarina meeshuu Facebook iyo oroteeshin ku joogaa.

        Reer Bari waxey dhahaan Arboowe Aala tahey

  14. Salaad Cali Jeele wuu kala hadlay…wax fiican buu sheegay in Mudulood dhulkoodii Alshabaab xoog uga haystaan oo wiilashooda oo Wahabi noqday qaraxa magaalada ka wadaan.
    Wuxuu hadana ku leeyahay Farmaajo haloo kordhiyo Sheik Shariif iyo Xasanba waa loo kordhiayaye si doorasho qof iyo cod ah u dhacdo.
    Gar waaye taas laakiin maxaa u diyaar ah Dowladda Farmaajo? waan ognahay in xitaa dorasho qof iyo cod ah ku dhici karin Somalia xitaa 4 sano soo socoto….taas waa run.

  15. Goormuu Farmaajo kursi isku dhajiyay xilli xileedkiisiiba lama gaarine…

    2017 ayay bilaabeen doorashadu waa in ay waqtigeeda ku dhacdaa iyo Thumma Wallaahi iyo Khadh Axmar, No No No.. kkk

    Waxaad mooddaa in kaahin u faaliyay oo u sheegay in uu Farmaajo kursiga isku dhajin doono…

    Been cad oo loo wada jeedo ayaa inta la faafiyay misna rag waawayn 3 sano eedee oo ka tuuro kursiga meedhiyaha a taaganyihiin…

    Doorashadu in ay waqtigan soo gaarto waxaa u sabab ahaa Ex PM Khayrre oo ay la faqeen isla kooxdan doorashada ay saacaddu kaga fadhiisatay…

    Shacabka Soomaaliyeed ha laga xishoodo oo garaadkooda cayda ha laga daayo…

  16. Hawiye doorkodii kamaysoobixin oo ahayd sida isaaq uhogamiyay somaliland oo daarood iyo sa aroon ciise kunool yihiin oo ilaa lowyacado ilaa tukoraq buuro wadal laasqoray cerigaabo laascaanood inay utaliyaan ayay ahayn waase kahoostay haday maanta xiligaa lajoogo katashanayaan way soo habsamewn

  17. Land of Punt

    KKK

    Salaad wuxuu leeyahey Company aan u shaqeeyo Contract extension haloogu sameeyo, si uu aniga iigu cusbooneysiiyo GUNO-DIFAACA.

    – Ciyaalkaa CBB
    – Wadaadada CBB
    – Afmiishaar CBB
    – Abwaan CBB
    – Kaabo-qabiil CBB
    – Hobolo CBB

    Canshuurtii iyo waxqabadkii waa intaas

    Waxaa soo raaco

    1. Laftagareen 4 million
    2. Qoor Qoor 4 million
    3. AIRPORT BARAAWE 4 million
    4. Dagaalkii Gedo 4 million

    No Ciidan iyo difaac Alshabaab
    No dhismo iyo jidad
    No doorasho iyo Dastuur

  18. Snm wajibaad kedii way kasobaxday se usc kamay sobixin Somalia koonfurta hawiye ayay ahayd in ay utaliyaan madamay ugudhaqaalo badan yihiin uguna tiro badan yihiin iyagibaa timaha layskugu xidhay oo dhashii kacaanka ayaa ka caqlibadisay

  19. Aarka

    KKK

    Ninbaa hadda kahor saaxiibkiis ku dhahey, DALQADIHII waa iga dhamaadeen ee ii MAXLAL NAAGTA ( yacni sidii PUTIN Russia) kadib waaba asaga diidey INUU FURO

    Waaba kan nagu dayahayo film 1969,

    Doorasho qof iyo cod ah ayaan dalka keena, inta ka horeysana anigaa kursiga ku fadhin..

    MIXNAD AYAAN GACMAHEENA KU KEENSANEY

  20. Dabshid qaladkoodhan idinkaa le oo dadkan hogamin waayay 30 sano isdabawareeg aadkujirtaan maxaa idiin diiday sida isaaq sa meeyay ee samaroon iyo harti iyo ciise waxa daga somaliland oodhan ay sanka ugatoleen inaad ugatoshaan waxan koonfur daga idinkibaa sidii dadka waalwalan isdabawaregaya

  21. Waliba idinkoo aqoonsi haysta oo aduunka dhaqaalo kahelaya ayaad waxba qaban ladihiin oo 2020 aad shir mudulooda kuhaysaa

  22. Aarka

    KKK

    Kuwii MUUSE BIIXI Qabyaaladda uga soo cararey ayaa anaga noo keenay GUNO- DIIMEED

    Somaliland waa America dharbaaxo

    Ma Cali Galeyr ayaad ka baryilaheydeen DOORASHADII uu Muuse Biixi kuugu wareejiyey Kursiga HARGEYSA U WABO.

    Siduu Shiikh Shariif sheegay waan sugeynaa ilaa 8th February 2021.

  23. Hargeysa u qabo

    Maya maya maya

  24. ASC.
    Somali xalaala Marabtaan inaad aragtaan?!!! WAA KAA Hortiinna taagan Salaad Cali Jeelle.≈©≈Xaan-giyo 2BA-Miirrow, Wadna kurkur baa idin dile Fiirsha Salaad oo ka hadla MAR uu cabsi làaan ku dabaalanay Badda Bosaaso SAA isaga Xeebta Bosaaso iyo tan Xamar waa isugu mide OO weliba Wuxuu welwela Marku xeebta Liido joogee. ≈©≈MA LAGA yaabaa inuu ubadkiinu Gaaro heerkaa?, Idinka Damaq Qabiil baa idin oofsade?.≈©≈Soo Dhalo Hooyo!!!° Ha dhibin Hooyadaye Soo dhalo Hooyo. WBT

  25. Garqaad says:

    August 3, 2020 at 3:16 am

    Ali zubeer.

    Ninyahoow. Anigu muddo dheer ayaan ku mashquulsanaa in aan ogaado dhinaca aad iga jirto.

    kkkkk. Bro warkaygu waa sida biya galac yidhi ee ma hadal tiro ayay kaa tahay

    “Ma midnimo doon baad tahay.”

    Yes, Ditto

    “Ma alqaacida doon baad tahay”

    May

    “Ma qof damac uga jiro siyaasadda ayaad tahay”.

    Yes, maxaa ii diidahaya

    “Ma waxaad tahay qof u doodo reerkiisa”.

    May, golaha ayaa markhaati ka ah

    “Adigu waxaad noo sheegtaa in aad tahay qof ka gudbay sanamka qabiilka.”

    Waa sidaa weeye wallaahi shaahidii, thumma golahanna haddii run loo jeedo waa shaahidiin

    “Laakiin qoraaadaadu wexey u dhacayaan sikaduwan sidaad jeceshahay in aan u aragno.””

    Daliilkaada keen wa hayhaata

    “Suldaan. Waxaan waayay. Hal siyaasi oo hawiye ah oodan u aqoon mooryaan”.

    Qooqoor ka warran. Bal sheeg hal darood oo aan u aqaanno waxaan mooryaan ahayn?

    Axmad Dhuxulayste ilaa Deni iwm intaba agtayda waa daanyeerro mooryaan ah…….

    The forum is my witness.

    “Waxaan ognahay METELAADII banaadir state.
    Dareenkii aad halkaan uga muujisay”.

    Dareenkaygu waa sidiisii waayo waxaan idhi waa caasimad qarameed la mid ah washington DC, si qabiil ah looma la qabayn karo. Haddii ka tagi wayso maamul municipality ha yeelato. Qabiil nacayb adigaa u fasirahaya….bal daliilkaada keen.

    Aniga qaran baan ka hadlaa ee kor u bax jaalle.

    “Isaaqa hargeysa joogo waxaad u taqaan waan wada ognahay”.

    Iidoor waa badhkayga halkaan ka joogana waa ilaalinta qaranka. Sidaada oo kale kuma dhicin itixaankaasi. Waxaan idhaahdaa save inta waxgaradka ah. Adigu waxaad rabtaa inaad qarankan asalkiisu yahay laba isu tagtay ahaa xaqna u leeyihiin iidoorku inay madax bannaani qaadan karaan. Aniga asalka qarankan waxaan arkaa inuu yahay midnimo gaalka saancadka ah qaybiyay, qaybintiisana weligeed ayaynan ka yeelayn.

    Haddii Ogadeeniya aka Somali Galbeed ama NFD xorowaan oo tidhaa dal gooni baannu noqonaynaa adigu waad ogoshahay, anigana weligeey yeeli maayo dalkan la qaybiyo.

    “Kuwa xamar joogo ee federaalka xilalka ka haayo. Waxaad u taqaan kuwa ku fadhiyo kuraas aysan xaq u laheyn”.

    Ma garan hadalkan. Haddaad Iidoorka u jeeddo daliilkaada la kaalay. Anigu waxaan qabaa inay matalayaan woqooyiga Soomaaliya qaybtooda. Haddaad wax kale u jeedo bal ii sharrax aan kaaga jawaabee.

    “Suldaan. Marka intaas laysu geeyo.
    Waxaagu ma midnimo jacaylbaa massa qabiil nacayb?”

    Midnimo jacayl inta kale waa hadal tiro

    “Anigu ka garqaad ahaan ma aaminsani in ay midnimo qasab tahay”.

    Waan ogahay mowqifkaada . Anigu waxaan qabaa inay khasab tahay midnimada Soomaaliya ee quluubta cibaadka qabiil ha ku akhrin waa khatare

    “Waxaan aaminsanahay midnimo in ay tahay heshiis bulsho”.

    Like jack Rosso social contract. Agtayda ma aaminsani riwaayaddaasi. Midnimada Soomaaliya waa khasab.

    “Wax la yiraa waxaasi waa muqadis
    sideydaba layma tusso.”

    Waan kugu waafaqsanahay laakiin midnimada agtayda waa khasab.

    “Xitaa Aniga garqaad ahaan hadii lay dhoho calankaan bluuga ah dad somaliyeed ayaa lagu dhibaateeyay ee halla bedelo.
    Waxaan ka ahay raali”.

    Kaa diiday riwaayadda Iidoor inaad daaqadda ka soo geliso. Laa caqli walaa taariikh malahan hadalkaada cid waafaqi karta.

    “Marka Ali zubeeroow eeboow.

    Waxba calool xumo ha ii heyn.
    Anigu dadka ku qadariyo ayaan ka mid ahay. Laakiin hadaad wada mooryaan noo taqaan waa in aan kuu sheegnaa”.

    Aniga ma odhan mooryaan baad wada tihiin ee siyaasiyiinta Soomaalida ayaan ka hadlay oo beelaha oo dhan ku jiraan sidaan kor kuugu sharraxay laakiin waxaan kugu qaddarin jiray runta, waddaniyadda iyo diinta. Laakiin markuu Uganda lover jeebka kugu shubtay oo aad u bixisay Imaam baan kaa niyad jabay laakiin weli raja ayaan kaa qabaa.

    Nin diin leh baad ahayde haddaad 12 jir qori ku qaadday oo muddo dheer degta kuu surnaa wadaad Itixaadna soo martay towbah dheh oo ka faaidayso dad aanan soo marin dagaal walaa qabyaalad oo doonahaya dhisid qaran loo siman yahay maamulkeed ee degaankeeda.

    Soomaaligu degi karo from corner to corner, ska sharraxi karo si looga takhalluso sanamkan qabyaaladeed ee Soomaaldiu badankeeda caabudaan.

    Sidaa buu qaranka Soomaaliya ku tisqaadi karaa.

    Marka Eebow qarankaa nala raadi

    Su’aalahaan ku waydiiyayna waad diiday inaad ka jawaabto

    Ninna qaran qabyaalad lahayn buu doonayaa nin qabiil buu icraabayaa. Allow Alle

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  26. Xagarciideed

    Kkkk

    Magaca Dabshid waad ku naartagi

    Hadana waxaad leedahay

    SANBALOOLSHE ayaa Madaxweyne ka ahaa Dalka
    Oo DIYAARAD KA BAXDEY GAROONKA XAMAR ( waan ku celin DIYAARAD NIN MUJAAHID AH QALBI-DHAGAX KA QAADEY GAROONKA XAMAR)

    Waxba kamuusan ogeyn MADAXWEYNE FARMAAJO

    Haddana waxaad leedahey,
    Inuu Xassan Shiikh dacwo ka gudbiyo KENYA WAA QIYAANO QARAN

    – lkn inuu Farmaajo dib u dhigo waa xeelad Kismaayo

    Isla adigii
    Ayaa leh INUU MARKUU FARMAAJO lagaa URURKA ONLF WAA ARGAGIXISO – Maskaxdiisu ma joogin –

    Hadde qorshaha ku darso waddankaan aan joogo iyo USA waxaa uga furan Xafiisyo URURKA ONLF.

    Isla adigii ayaa leh

    Xoolihii ganacsatada (hadde waa ganacsato) Somaliland ee Farmaajo uu ku dacweeyey sacuudiga (Waxaa Fasaxey Mr Mahdi )

    = Ma waxaan ku weydiiyey ninka fasaxey mise ninkii galey QIYAANO QARAN.

    – Magaca Dabshid waxaa ka dambi badan
    Midka DIIN SOO QAATO asagoo QALBIGIISA IYO AFKIISU IS QILAAFSANYAHIIN.

    – Hadde Alle miyaa wax laga qarinkaro,

    Diinta haku qaraaban

    Yes, Axmed Cadde Garmadoobe waa adeerkey Soomaali ah, lkn siyaasadda waan ku kala badalanahey.

  27. Dabshid

    AllAaya cisag walaahay waad iga qoslisay maxaa tidhi ninkii dalqadiihii Ka dhamaadeen

    Dabshid and garqaad it’s always a pleasure to read your comments

  28. Kaahin

    Thanks

    KKK

    Dalqadihii ayaa naga dhamaadey markaas ayaan Farmaajo caruurtii dhex keenay

    Wakaase ka soo saar qolka.

    Hala ii kordhiyo

  29. Waxaan arkayey Cali Mahdi oo dhaaranaya qorigaygii caddaa weli xabbada kama bixin leh.
    Arintaaa in laga gudbey ayaan moodayey in qaab qabyaaladaysan nin madaxweyne wadanka ka ah loogu hanjabo.
    War muduloodow siyaasada iyo qabyaalada kala saara. Shirka waxaan moodayey mid ku saabsan arimo beesha dhexdeeda ah iyo sidii ay musharax ay ku midaysan yihiin isaga dhex xuli lahaayeen, laakiin wuxuu noqday mid Farmaajo loogu hanjabayo oo Xamar unukaa leh iyo sheekadii aad soo celiseen.
    Mudoloodow haddaa qaab qabyaalad ah ugu hanjabtaan ogaada Farmaajo nin Daarood ah ayuu noqonayaa.Farmaajihii aanu afar sanu mucaaradka ku ahayn Daarood ahaan inaanu ku daba faylno ha nagu kalifina.
    “Haddii laba libaax hilib dhex maro waa ku murataaye
    Mac macaanka iyo kuruska waa isku maagaane
    Balse waxay hishiiyaan markii dhidir umuuqdaaye
    Majeerteen iyo farmaajo waxay yihiin waabad moogtahaye
    Waa miida jabarti iyo miraha haashimahe”

    • ASC.
      ADNA qoraalka AfSomaliga waad ku fiicnayde MA Dabshid BAA KAA ADEEGTAY? …Waa miida Jabarti, ma aha “waa MIID-DA” (2ba D), mise farta kaa boobtay?. WBT

  30. Alla Uganda lover aka Dabshid Sheekhaal iyo marin habaabin taariikheed maxaa kala haysta

  31. xaange

    KKK

    Jaberti Eritrea iyo Haashimi min Qaliij aan mid kuugu yimaado,

    Oroma Faarisi sheegan iga

  32. Ali Zubeer

    KKK

    Raad arooryaad gadaal looma qaado,

    Meel labo nin ku kaftantey ayaad soo aragtey soo maahan

  33. Dabshid
    Beel inay shirto oo aayaheeda ka tashato ama ninka ay sharaxanayso ka tashada lama diidana laakiin Farmaajo in qaab beelaysan loogu gooddiyo laga yeeli maayo beesha Mudulood.
    Farmaajo beel beel sheekada haddii laga dhigo nin Daarooda ayuu noqonayaa.

  34. asaxabay ha is daalinina hana ku mashquli nina walaan shir mudulod kheyr iyo shar toona kasoo baxeyn iga qora aniga abgaal iyaga kusii kala fogaanya oo kusii kala tegaya shirkan oo iyago aan is arki karin buu soo dhamanaya iga qora wax iyaga wax iyaga wax utarana kama soo baxayan wax dowlad wax udhibi krana kama soo baxayan hilib con badan kadib faataxa iga qora wax abgaal isku raacsan yahay kama soo baxayan xuman iyo saman toona abgaal waa geed weyn oo qanxasa oo meel ku yaal dhinac bulac baa igu jira dhinac mas baa uga jira dhinac dooli baa uga jira dhinac qarandi baa uga jiray dhinac doofar baa uga jira dhinac kadabshir baa uga jira

  35. abgaal waxba kuma heshinayan mana ku heshin karan waayo abgaal waa geed weyn oo qansax ah oo kale gees waxa ugu jira dooli geesta kale mas geesta kale jinac geesta kale aboor geesta kale kadab shiir geena doofar geesta kale qarandi
    geesta kale LO geesta kale ido Bacaac camal marka iney iyagu kusi kala fogaadan moye wax ey isku raacsan yihiin kama soo baxayan inta nin ee hadashay waa nin kursi doonaya iyo nin doonaya in farmaajo hutelka uu degan yahay kasii dhiibo iyo gacnacsi iyo dhaqale ka fekeraya iyo inta kale oo bun iyo canbulo soo doontay

  36. Qorigii Cadaabaa ii yaala iyo kii Madoobaa ayaa ii yaalaa.

    Qabiilku isku dan maaha.Way dhicikartaa in la abaabulo dad waxma garato sh,oo waxyeelo u gaysta dawlda,way dhicikartaa dad badan in la kiciyo,laakiin marka la eego wakhtiga la joogo qabiilku isku dano maha marka laga hadlayo siyaasada dhaqan-dhaqaale eesomaliyeed.

    % 200 shirka ni waa shir ay wataan kooxo raba inay danhooda ku fushadaan.

    Motulood isku dan ma noqonayo

    Qaybo waa waayn oo jooga shirka dantoodu waxay ku jirta,xasan sheekh oo madaxwayne,qaar kale waxay u socdaan inuu sheekh shariif kursiga la saaro,in kale waxay aaminsan tahay in qalalaase dhaco si ay uga macaashaan,kuwo kale waxay u socdaan in Mutulood la wareego talada Gobolka Banaadir si iyagu wax u noqdaan.

    Intaasi oo kooxood,waxaa ka soo horjeeda koox aad badan oo ka tirsan dawlada haatan jirta,in kale oo rajo ka qabta dawladnimada iyo Nabad ka dhacda Muqdisho.

    Waxaa iyaguna qaybtooda qaadanaya oo meesha ka jira,Alshabaab oo waxba isku rabta.

    Intaasi oo danood way iska hor imandoonaan.

    Dalmida

  37. Dabshid aka Uganda Lover

    kkkkkkk

    Raad arooryaad dib looma qaado gartay laakiin Uganda ciidankooda inay xamar gumeysi ku joogaan innagaa rabna ka gar bax illayn waxan waa kaa mabda e. Maalinba mid fifth column baa soo baxaya oo ummadda ku dhex dhuuman jiray.

    Fallaadhi gilgilasho kaagama hadho.

    Kaftan bay ahayd kulahaa……GAW

    You r busted jaalle

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  38. Bro Cadaado

    Kala aragti duwanaantu waa healthy. Anigu meel baan wax ka eegay adigana meel kalaad u saartay waana human nature in different loo fikiro markii ay dhacdo timaado.

Leave a Reply to Aarka hargaysa

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented