|

Shirka Beelaha Mudulood oo ka Furmay Muqdisho , Madax iyo Siyaasiyiin Caan ah oo ka Qayb galay (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maanta ka Furmay Mowlaca Macalin Nuur ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho shirweynaha Beelaha Mudulood, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah iyo Xaalada Guud ee dalka.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirweynaha Wadatashiga Beelaha Mudullood.

Shirkan oo qaban qaabadiisa la soo waday bilihii la soo dhaafay ayaa soo maray dhowr weji ah, iyadoo qeybtan uu yahay wajigii labaad oo shirka looga tashanayo aayaha Beelweynta Mudullood.

Ammaanka Xarunta iyo goobaha ku dhow dhow ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana shirka uu yahay mid socon doona saddex cisho oo looga hadli doono dhaqanka beelaha, tabashooyinka, iyo sidii beesha dhexdeeda wixii khilaaf ah u xalin laheyd iyo arrimo kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow shirka ula socota, waxaana ay eegeysa natiijada ka soo baxda, iyadoo uu xilli xasaasi ah uu shirkan ku soo aaday, dalkuna uu ku jiro xaalad kala guur siyaasadeed oo muddo xileedka dowladda uu gabogabo yahay.

Gaba-gabada shirkan ayaa waxaala filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan go’aannada ay isla qaataan dhinacyada kala duwan ee ka qeyb-galaya shirkaasi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30866

Posted by on Aug 3 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

51 Comments for “Shirka Beelaha Mudulood oo ka Furmay Muqdisho , Madax iyo Siyaasiyiin Caan ah oo ka Qayb galay (Daawo)”

  1. Cali Mahdi waa ninkii badbaadiyey Reer Qurac, Ceydiid oo rabo inuu Ariga raacsado sidii Duqii hore.

  2. Heey,Aaabihii Mooryaanta iyo aaabihii alshabaab ayaa meesha ka muuqda.
    Kii dhalay Moryaanimada aka Cali mahdi iyo ex-alshabaab shariif axmed.

    Kii Badda sunta ku shubay,kii Badda iibgeeyay iyo xasan sheekh lacag raadis.

    Wataa somaliya.

    Ninka rajo ka sugayoow,iska samir.
    Anuu kolay rajo maqabo intaasi i horjoogaan.

    Cariishoodbaa yaabay.

    Dalmida

  3. Dabshid

    Yahoo waa kaa halawday markaan !!!
    Saldanada wiil iyo aabihii baa isku dila horay u dhacday laakiin wax dad walaalaha dhex maray oo laga heshiiyey in aad meel aan wax jirin wax ka baarnaarto waa kuu doqonimo.

    Ka rog oo laba saar………,,,

    Waanu soo dhawaynaynaa shirka Mudulood Hiraab in wax fiican oo Hiraab iyo Hawiye u dan ah meesha kasoo baxaan.

    U malayn maayo in shirkaa wax laga naxo kasoo baxayaan mana ahaan doono shir Mudulood kaliya ku ekaan doono saan filayana wuxuu u sii xuub siiban doonaa Hiraab kadibna Hawiye kadibna Soomaali marka guulaysta baanu leenahay ilma Hiraab.

  4. Hobyo Godan

    Kkkk

    Shirkaan waxaa ku xigo Midkii Guriceel, kadibna Shirkii Soomaaliya ayaa lagu qaban magaalooyinka Galkacyo ama Kismaayo.

  5. SOOMAALI NINKAY ADHIGA KALA QUUSATAY GEELA UDIRTAA, NIMANKAN SIYAASADA KA SAAQIDAY SHALAY, MAANTAAN GURI BARWAAQO IDINKU FURAYNAA SHEEKOOY SHEEKO, WAXAASE KA DARAN SADEX NIN OO SOMALIA MADAXWEYNE USOO SHEEGTAY AWALBA CAQLI IYO CILMI LAGUMA SIIN EE GOOFKA MUQDISHO KALIYAY KU HELEEN, MAXAY KALE?? KALA DAADIYA AWALBA MAYDAAN DHISINE, MA BEEN BAA LASHEEGI IYO CASHUURAAN BIXINAA, BEENI XADI BADANAA DEKEDA IYO AIRPORT KA LABADABA AJANABI BAA GACANTA KU HAYA, HAL MAALIN MA SHAQAYN KARAAN HADII GACANTA LOO GASHO, DAWLAD WARKEEDNA DAABA..

  6. Xamar waxaa lagu joogaa JUST 20k African forces + lacagta ajaanibka..
    NOTHING else..

  7. Mukulaashu ayadoo Indhaha isku heysato ayey Caanaha Cabtaa, kadibna wey ka dhaarataa INEYSAN LABADA INDHOOD SAARIN.

    Carabtaan ku arkey ayagoo Masaajidyada ku habaaro America, SUBAXDIINA SAF UGU JIRO QAMADI SAFAARADDA AMERICA.

  8. Horta ka soo DHAMOOW Dhadhaab iyo Dhaanto Dhaadhaan,

    Ama Canshuur Hawiye iyo BOORASH UN u dhaxee.

  9. XAMAR WAA MAGAALADA U SAWIRADA IYO QAXOOTI BADAN CAALAMKA, CRIME WARKII DHAAF , GOORMAAD WAX BIXIN JIRTEEN? DADKA SHEEGTAY KAA DAL IYO DADNIMO WANAAGSAN..

  10. Run sheeg waa belo sheeg

  11. Dabshid
    Maha Unukaa leh” oo dhan ayaa meesha iskugu yimid oo ilaa Xaradheere ayagoo dacas go’an xusulka ku sita Xamar oo 1000 sano Somali dhisanaysay ku habsaday…Daanyeer Waanbe iyo Moxog cun badan.
    Cali Mahadi Mooryaankii Xamar dhulka dhigay oo Sheekhaasha Caydiid la saftay marka qabtaan Mooryasnta Cali Mahdi Musbaar 88 madax uga kaawiyey miyaa halyey ah.
    He is war criminal.👎

  12. 1988 wuxuu Max’ed Siyaad burburiyey SOMALILAND, caruur iyo Waayeel waxey u qaxeen Geedaha uu geeloodu daaqo,

    1991 waxey ku soo laabteen Hargeysa, halkaas ayey ka bilaabeen iney
    1. XAMAR ka markaan
    2.iney dhistaan CAASIMAD ay ku soo HIRTAAN CARUURTOODA IYO SHARAFTOODA dadnimo

    Maanta Hargeysa waa Caasimad ka balaaran Xamar.

  13. Dabshid
    Reer Qurac in badbaadiyo ha joogtee Hiraabka aad si been ahaan sheegato ayuu aakhiro u diray, Xamarna dhulka dhigay asaga iyo Caydiid…
    Shacabka, Hawiye iyo Isaaq iyo Daarood Mooryaankii cawaanta ahayd yey dhaafeen?
    Haddana aqli ma keeni karaan.
    Aniga yaan Baraxley la isoo dhaafin.
    Najis sayn leh😉

  14. 30 sano ayaa wali Dhadhaab lagu Dhaanto Tuman,

    Wali ayaan laga maarmin Xamar

    Ninkii Saliga kuu dhigey, saheyna kuu raacshey inaad ugu amaal gudaa –
    GAALBA GAAL IIMA DHAAMEE AAWEY KEYGII GALBEED (Ethiopia) soo DHaanto DHAADHAAN MAAHAN.

  15. DHADHAAB,ETHIOPIA, JUBALAND, WEBI SHABEELE, WEBI GANAANE, YAALE LEH ??

  16. Kenya iyo ETHIOPIA oo dadka ku caydaan adaa hoos wadhan,

  17. Land of Punt

    Inuu adeerkaa CABDI BARRE JABRIIL iyo qabiilkiisu MJ waxey aasi waayeen weyska walaalkiis oo 5 maalmood yaakey Degmada Galkacyo

    Maantana Dhiigii iyo Hantidii USC u hurtay iney Dalka ku soo celiyaan meeshii laga afduubtey 1969,

    Taas ayaa keentay inuu Mr Jabriil Fuulo MIISKA PARLIAMENT XAMAR oo uu Makarafoonka Qaato, kadibna shirkii Parliament la xiro

    – Asagoo ogaa inuusan awoodin USC HORTEED.

  18. HADII ETHIOPIA GOOSATAY NILE KA SHABEELE IS NEXT

  19. Huurka iyo Shaxaadka naga korqaada
    30 sano ayaa shaxaad Xamar lagu sugahayaa Geedaha korkooda

    Bushash ka dhista Tuulooyinkiina kolba CAASIMAD ha u NAQ RAACINEE.

    – Gobtu Maa mahad naqdaa

    * GAAWEETO GAAWEETO IIMA DHAANTEE AAWEY TEYDII GALBEED

  20. u baneeya ka baneeya magalada mudulka iska leh maanta mug iyo miisan allow barakee.

    Alloow tiradooda iyo tayadooda towfiiq ugu far.

  21. @Dabshid kkk Soomaali oo ku aragta ayaad AU Gen Caydiid ku sheegaysaa MOORYAAN dadkiisa laga badbaadinaayay warku waa cadyahay.
    Ali Mahdi ayaa Daarood badbaadinaayay iyo seediyaashay waan joogay Xamar ogow.
    Hawiye Xawaadle iyo Gaaljecel ayaa ugu xumaa.Abgaal ayaa ku xigay.2 ila dhalay bay qabaan Abgaal Agoonyar iyo Wacayle raggaas shaqsiyadoodu aad bay u fiican tahay laakiin awood qabiil ooy wax ku badbaadin kareen iima muuqan inta xunaa badneed.
    HG iska daa qaraabee ankee qofkay macriifo ahaayeen waa bixiyaan marka laga reebo MJ.

    DABSHID NINKII MOORYAAN KU SHEEGAY AU GEN CAYDIID IYO HG.

  22. Ethiopia webi xiratey
    Turkey ayaa kula saaxiib ah

    Waxaas ku meerayso

    Adigu armaad DHISAN MEEL LAGUUGU YIMAADO, WAA ADIGA 3 SHEY WATEE.

    1. GAAWEETO -boorashka
    2. KOOMBO/DAASAD – caano boore
    3. DHAANTO AXMAARKA LOO TUMO (DABO-QOODHI)

    Wax soo saarka iyo dadnimada aad ku soo KORDHISEY dadka Afsoomaaliga ku hadlo WAA INTAAS.

  23. ADUUNYADA NINKII LAGA FAANI FAANAYO,MAXAA ISBADALAY? XAMARNA MAAD FAHMINE IN LAGUGU XUKUMAA LOO YIMAADAA KALIYA, MEESHA MACAWISTA DADKA LAGU DILO BAA RAASHIN QAYBISA, WAR WAAD YARAYDE KUWA SOOMAALI WAX U QAYBIN JIRAY IDINKA MAAHAYN..

  24. Dabdhid
    Waqti uma hayo in maanta dhan in qabiil kula doodo.
    Marka nacnac meesha la timaado ku tusin in qashin ku haray Xamar.
    Xamar oo waxwalba u diyaar ahaayeen saan ma ahaateen oo Ugandese rag uma noqdeen haddii dad fiican ku hareen oo xoraystay.
    Miskiin inta yar oo la ordayso waxaa keenay Puntland.
    Sonmaliland albaabka ka xirteen daanyeenta Xamar ku habsaday.
    Aar Farmaajo ii geeya

  25. LAND OF PUNT
    horta waxa haldal kaaga kacad warka DABSHID
    sheegayo hadiiba hankagi lagu soo koobay suusacley ayaan joogaya ee baraxley ha isoo dhaafan taasi kaama filaneyn lakin nin geed la isaga xidhay baad u hadal egtahay !!!!!!!!!
    inta kadib waa maxay xanuun kaan goonida iyo kuleyl kaan uu shirka MUDULOD idinku leeyahay adiga iyo caana booraha iyo gaaweetada
    shirki HABARGIDIR ba waa digii taageri jireye maxa ku gooniya kan MUDULOD

  26. XAGAYSE JOOGAAN DADKA XAMAR KULA JOOGAA KOOXDII CULUSOW LA BAROORAN JIRTAAD KA HADHAY, INDHIHIINA OO SHANA WAATII LAYDIIN MARSIOYAY JUBALAND.

  27. 1977

    Kuwii JIIQLEY IYO JALALAQSI, ILAA SABLAALE SIYAAD WADEY Ma waxey ahaayeen OROMO

    – Soomaali waa 5 caasimodood, 3 ayaa xor ah (Jabuuti, Hargeysa iyo Xamar),LABADII KALE DHUUNTA GAAWEETO IYO DABO-QOODHINIMO ayaa u diidey XORNIMADA.

    – askari Hangash ah iyo Xero Qaxooti miyaa wax maamulaa

  28. Jubboland waxaan kala xisaabtameynaa
    Kuukuuyo iyo UGUS ASKAR AXMAARO

    Dadkale oo aan wax ka weydiino majiro,

    Taas xaga iga dhig,

    Ee adigu goormaad joojin inaad marba Caasimad u naq raacdo hadana Ka dharato

  29. LAND OF PUNT
    sxb mase mudulod weli waxey ku jiren ama ku jiran xeyn daabka quraca oo wixii hada ka horeyey waa loo meerin kare oo SALAAD CALL oo kale baa aad ugu badan midas ayaad diideysa mida kale sxb ana waxan lahaa ila villada nin maxamud saleban ah uu soo faristo somaliya sidaas bey isaga daba wareysa adiguna waxad leedahay suusacley baan joogaya waa kaaf iyo kala dheeri iyo han jab iyo is dhiib caadiya waaxay sxbow

  30. والقرد في عين امه غزال
    HORAAN KUUGU SHEEGAY INAAD YARTAY, MAXAA ISKA GALAY SABLAALE IYO 77 , SHEEKOOYINKA XAAFADIINA HALA SHIR IMAN DAD DAGAAL KU DHACAY IYO ABAARO WAQOOYI IYO MUDUG IYO KA DHACAY BAY KALA AHAAYEEN

  31. Wiil Xeraale
    Aqri waxa dabshid qoray..
    Halkaas jawaabtayda u socotaa..
    Saxiib adiga kuuma socon warkayga iyo cidkale toona.
    Maxaan shir Mudulood taageeraa, sowtan dadkii wadankii dumiyeen saan u taagi lahayn la daalaadhacyno, meesha lasoo fadhiya Maato Darood Cali Mooryaan ayaa badbaadiyey.
    Waa Daanyer inta Cali Mahdi Darood Badbaadinayo muxuu u Badbaadin waayey Hiraabka nala hor ordaayo maalin kasta iyo Xamar Cadde, haddii aqli jiro.

  32. Jubbooyinka kuye

    Waligiin 10kii sanaba Magaalo ayaad Gaaweetada dhigan jirteen.

    10 sano Hargeysa

    10 sano Jiiqley iyo Jalaqsi

    10 Sano Kismaayo

    May be 2030 CEERIGAABO AMA HOBYO

    – GAAWEETADA AYAA KU HAGTO MEESHEE laga sheego Boorash Free ah ayaad sheegan marba.

    Hargeysa marbaad Sheegan jirteen

  33. Burburkii dawladii waxa ka dambeeyey faa’iido, somali nin walow xisaabtan, JUBALAND aderkaa culusow baa laga caydhsaday but you can try

  34. KA SII KOR DHAANTEE KAARAHA KUUKUUYO

  35. Sheeko xaafadeedka ka kor, meelahaad sheegtay dhamaan “cisalkaa” la saaray, ama haduu saaran yahay, wiil yar waa loosoo gaabshaa

  36. Dabshid
    waar bal jooji sheekada caydid cali mahdi iska daa wax kale SOMALIJECEL
    oo dhex dhexad ahaan jirey xita safka hore ayuu yimid maanta dheega boqol gaarey reer qurac oo dhan baa dhawaqay waaxay botonka uu taabtay DHUUSAMEB maanta
    waar yaara hee ninka ukala hadha waaxay

  37. War yaa diidan Mudulood in ay shiraan?

    Mudulood Shirkooda waxaa diidan Farmaajo iyo xertiisa uu ugu horeeyo Salaad Cali Jeele !!!

    War Salaadoow nin ehlu diin ah baad tahee is kale her halkaan Farmaajo yoowsan ku fidnayninee.

    Barbaartii Mudulood minay shiraan walax fiicanaa laga sugaa laakiin canaasiir badan aa shirka ku dhex jirta oo Villa Somali laga soo diray aa jirta waase laga war haayaa dhaqdhaqaaqooda.
    Guul uu kusoo dhamaahaa Insha Allah.

  38. Wiil xeraale

    KKK suaal sax ah ayaad weydiisey

    Jawaabtu waatan

    Shirka Mudulood
    Runta SANBALOOLSHE

    Waxaa ka dhex muuqdo MAXAAD KU DARSATEY MAAMULKA BANAADIR STATE.

    Hadde Socotana ma jecla xisaabtan iyo XOOLO KALA SHEEGASHO.

  39. LAND of PUNT
    wan gartay sxb lakin doodada ka saar yaan baraxley la isoo dhafan taasi dood maahan mana kaa yeeleyo waayo waa is dhiitan iyo quus cad waayo waxan aamin sanahay hadii maalin kii farmaajo la dooranayey la dooran lahaa siciid deni walahi maanta xaalku sidaan ma ahaaden wan ku dharan kara xita hadii loogu darayo waqti mid loo garto oo wax qabadkisa lagu siiyo ayuu noqan lahaa ila villada nin maxamud saleban ah uu yimad oo weliba reer qardho ah waxba iskama bedeleyan somaliya waayo habargidir waxedo waa xoog abgaalna gacansi ogaaden warkodaba xaga dhiga dal iyo dad midna laguma aamini karo daasad caana ayeey siisanayan ilkayar waa wada wiil kii maalin dhaweyd marku shan 5 cisho agaasime ahaa boobka bilaabay waa iska bahalo caadiya marka xage isugu ooday gaalkcyo geesteda waar kor usoo bax LAND of PUNT

  40. LAND of PUNT
    mida kale sxbow iga qanci su aashan
    waa maxay sababta reer qurac oo dhan la dhawaqan oo qeyladu uga so yeedho meel walba oo ey joogan kan teendha dhadhaab hardh sanaya iyo kan madaxtooyada garoowe jooga iyo kan geela la jooga iyo London ila jooga sababtas wan garan waayey waadin shirki hobyo wada taagerayey waa maxay kuleylka uu idinku haya shirka mudulod maxa ku jira halkaas

  41. hobyo godan
    hadii shir mudulod wax kaso baxayan ama kaso bixi karaan iska daa wanaage xita xumaan ey isku raacsan yihiin ey soo saari karan xamar sidan ma noqaden xaalkuna sidaan ma noqden xasan abshirna dekeda xamar ma xiren isago xadka laga soo qabatay marka mudulod majiratigisu waa abgaal abgaalna 100%60 waa salaad call jeele marka yaan waqti kaga lumin ragan ka gubanayana waxan leeyahay adeer is celiya adinkaba maqli doona ugaaska faataxada noo maray ee walad laaliina salan iyo kala tad hilib cun badan kadib

    • Wiil Xeraale

      Saaxiib waan ogahay in dalaalaydu ku badan yihiin Mudulood laakiin maantay xanuunkii Farmaajo u gaystay baa gaaray!

      Farmaajo dhagxaan buu ku wareejiyay magaaladii cid soo gali kartana malaha dadkii masaakiinta ahaa ee magaalada usoo shaqo tagi jirtana waa soo gali waayeen Magaaladii. Farmaajo Xamar wuxuu ka dhigay (Gaza Palestine ) marka saaxiib Mudulood iyo dhamaan dadka degan Xamar waa macaadeen markaan waxaana ay diyaar u yihiin in Farmaajo xoog looga saaro hadii uu diido in Doorasho dad ban la aado.

  42. Mr bahal

    Adiga saxiib adoon caytamin ma hadli kartid haday somalinimo in uun kugu jirto hadeey la soo bilow cidaada cidaadiibaa saamiqaybsilee ku waalatee

  43. Shirka MUDDULOOD wax ka qaldan ma arko si fiican waa loo hadlay.
    Waxaan diidaa sodogay Ali Mahdi ayaa AU Caydiid dad ka badbaadoyay.
    Waxaan diidaa Caydiid ayaa MOORYAAN ahaa.Waxaan xaqiijinayaa dadkaan meeshaan ka qaraabanaayo HG in ay ku jirin ama magacyo fake wataan.
    DABSHID MAXKAMAD HALA SAARO.

    SHIRKAAN SHIR BEEL KAMA WEYNA XABAD MASOO KORDHINAAYO.

    BARIIS IYO BUNAYSI.

  44. Wiil Xeraale
    Haddii dalka lakala sheegto anna dhul aan quruxsado waa haystaa.
    Dadka qaarbaa calooshood la cayaar ah.
    Reer Bari ilaa xornimodoonkii kaalintooda way cadahay, in Ethiopia galaan oo isku urursadaan waxaa keenay dictator ka xoog badan oo talo diiday ayaa dalkii haystay, sida wadanku kusocdana ma fiicnayn.
    Markii dalkii dumay oo jabhado waalan yimaadeen, reer Bari labaad ayey dalkii nabad in kusoo noqoto naf iyo maal ku bixiyeen…
    Hadda markii la dhargay ayaa xaafada dhagaxyee la bilaabay iyo cay iyo abaalka ka dhac.
    Marka in Balaxley wixii ka shisheeya xirto sow dan ima badin.
    Walaahi haddaan Xamar hagaagin Puntland waa kusii cayilin waayo haddii Xamar hagaagto, hantida iyo aqoonta in badan inka tagto Puntland dhici karta, taas maaha danta Puntland ee waa danta Xamar in marlabaad la camiro.
    Allow dadkaaga aqli sii

  45. Reer Waqooyiga dadka koofureed isku dirayoow naga xishooda oo naga dhex baxa annakaa dar ALLE iskugu marane….

    Shirka Mudulood yaa diiddan ood la hadlaysaan, cid diiddan ma jirto walaa |Farmaajo walaa cid kale…

    Waxa la diiddanyahay waa Mashruuca Faysal Dhurwaa iyo Thumma Wallaahi ee qabyaaladaysan….

  46. -adeer Dardaaran Naftaa ku heysee

    * INAAN JOOGO JECLAAYAA.

    adeer dardaaran

    * INAAN JOOGO JECLAAYAA.

  47. Wiil Xeraale
    Dabshid oo qabqablayaashii dagaalka nooga dhigaya malaaig ayaan u jawaabay ee aniga 100% waa taageersanahay shirka Mudulood, waa beel weyn oo degta Caasumadda in wax ku heshiiyaan waa danta Somaliyeed.
    Wax ha isku qaldin, beentayna maaha haddii beelaha Xamar ku haray aqli jiro, Amisom Xamar iima fadhiyeen iyo Ugus.
    Ma Puntland bay ka liitaan oo ka dhaqaale yar yihiin, may Amisom iyo Alshabaan meel la isaga saari waayey, ka dib anagu is xagxaganee.
    Vivo Mudulood weliba waan uga kalsoonahay Habargidir oo xitaa ayaga heeshiin karin.
    Jawaabta nacnacda Dabshid iyo shirka Mudulood ha isku qaldin….100% waan taageerasanahay in tashadaan.

  48. ASC.
    ANIGU ma af-garto Dabshid LAAKIIN raganimaan u qiray SAA Barxadda meeshuu doonow u raraaye, WAR GAL CUSBO MA TAQAAN?. WBT

  49. Mr dabshid

    Runtaad wajiga kaga dhirbaaxday ardaydaadii queue baad soo galisay oday biiqayna doc ka yeedh iga dheh

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented