|

Taliyihii AMISOM ee Itoobiya u dhashay oo la Bedelay, Maxaadse ka taqaan General Ndegeya oo Qabtay ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Kulan uu yeeshay hoggaanka sare ee Howlgalka Midowga Afrika waxa uu ku go’aamiyey in la baddelo Taliyihii AMISOM  Tigabu Yilma oo u dhashay Itoobiya

Xilkan waxaa Yilma loo dhiibay  Janaayo 2019-kii, waxaana uu shukaanta u hayay howlgalkaan sanad iyo todobo bilood, waa marka laga soo bilaabo xiligii loo dhiibay ilaa waqtigaan oo uu xafiiska baneeyay.

General Diomede Ndegeya oo u dhashay Dalka Burundi waxa uu Taliye amarka Ciidanka siiya u noqonayaa Askarta ka kala socota Dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya Iyo Uganda oo ku haboohay in ka badan 25-kun oo Askari oo Militari ah.

Ndegeya oo kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyay Ku xigeenka Howlgalada Ciidamada AMISOM iyo qorshayaasha Sarreeye Guud Nakibus Lakara, Gaashaanle sare George Owinow ku xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM ee u xilsaaran Taageerada iyo Saadka iyo saraakiil kale oo sar sare oo ka tirsan ciidamada Howlgalka.

“Waxa aan halkaan u imid in aan Afrika Caawiyo, in aan Soomaaliya caawiyo, in aan walaalaheen gacansiino, horay ayaan halkaan u imid dhowr jeer, waxaana Soomaaliya ku sugnaa 2007-dii ilaa 2012-kii” ayuu yiri Taliyaha Cusub ee AMISOM.

General Diomede Waa nin aqoon ciidan leh muddo 38-sano, waa 57-sano jir waqti ku qaatay Soomaaliya inkasta oo aan gaarsiisneen mid uu ku kala fahmo bulshada dhexdeeda, waxa uu xubin ka ahaa Ciidamada Difaaca qaranka Burundi ee AMISOM Ku jiray, isaga oo kaalin ka qaatay tababarada iyo taageerada 2012-kii lagu gaarsiiyay howlgalkaan Gobolada Bay iyo Bakool.

Dhanka aqoonta iyo qibradaha Ciidanka ee uu heysto Taliyaha Cusub ee Howlgalka Midowga Afrika, waxa uu heystaa Shahaadada Masterka oo uu ka diyaariyay Sayniska Farsamada, Waaya-Aragnimo Ciidan ayuu kusoo qaatay Xarumo tababar oo ku kala yaalla Dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30858

Posted by on Aug 3 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Taliyihii AMISOM ee Itoobiya u dhashay oo la Bedelay, Maxaadse ka taqaan General Ndegeya oo Qabtay ?”

  1. Haye, war waxaa nooga dhigteen, Zoo-maal Sangudhuudhi kale ayaa dumaalay?

  2. Shirkii Mulkiilayaasha Greater Banaadir oo Muqdisho ka furmey

    50 Xildhibaan oo 4.5 ku joogo Hotel Xamar oo wado MOTION GUNO IYO KURSI KORORSI AH

    FAHAD YASIIN oo lagu darey Qaswadayaasha Geedi Socodka Nadda Koofur Somalia

    Farmaajo oo wali raadin hayo Rasalwasaare Qaraabo iyo qaardambe ah
    (Prof C/nuur Sh. Max’ed saaxiib Family iyo Abti Maamo Seynab oo FINAL STAGE TAAGAN)

  3. ASC.
    Dabshid, adeerow ma taqaan GAL-CUSBO. WBT

  4. ASC.
    Farmaajow,HADDAAD Shaqsi aan Reer Waqooyi ahayn u magacawdo W/koowaad Waxaan ku leeyahay DHAC. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented