|

Loolanka Dalalka Itoobiya iyo Masar Somaliland Dan ma ugu Jirtaa ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Loolanka loogu jiro in la kasbado Somaliland ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay, iyadoo Ethiopia Qorshaynayso inay  Wakiil buuxa u dirto magaaladda Hargeysa, kadib markii ay Masar kor u qaaday qorshaheeda ay saldhig military uga dhisaneyso Somaliland.

Loolaanka waxaa uu u muuqdaa in uu kordhigay xidhiidh xumaddii u dhaxaysay Ethiopia iyo Masar ee uu sababay webiga Nile, Waxayna Horaantii todobaadkaan, Ethiopia ayaa uga digtay Masar in ay ka fogaato in ay Saldhig military ka sameysato Somaliland, kaasi oo khatar amni ku ah geeska Africa.

Falcelintaani waxay timid maalmo kadib markii wafdi ka socday Masar ay magaalada Hargeysa kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halkaas oo labada dhinac ay uga wadahadleen soo jeedinta Masar ee ah in ay saldhig military ka sameeysato Somaliland. “Wadan shisheeye ahaan, Masar waxay xaq u leedahay in ay xidhiidh la sameysato wadan kasta oo ku yaalla gobolka,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Si kastaba, waxaa uu hadalkiisa ku daray in xiriiradda Masar aan loo aas-aasin dal kale dartiis. “Hadii joogitaanka Masar ee gobolka ay khatar ku noqoneyso dal seddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yidhi.

“Arrintaan, waxaan u baahanahay in aan tusaale saxan u heysano waxa dhacaya. Waxaan rajeyneynaa in aysan ahayn Ethiopia darteed ama dal-kale oo deris ah, haddii ay sidaas tahay, waxay noqon doontaa sharci darro ka dhan ah bani’aadanimada iyo nabadda adduunka.” Ayuu yiri.

Weli lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxaa la sheegay in labada dhinac ay heshiis gaadheen, isla markaana ay isdhaafsanayaan wakiillo heerkoodu sarreeyo.

Ergo ka socotay dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayay wasiirka maaliyadda Axmed Shide ayaa tagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib booqashadii wafdiga Masaarida.

Laakiin Muft waxaa uu diiday wararka sheegaya in booqashada Ethiopia ay ku timid walaac ay ka qabto qorshaha Masar. “Waxaa jira jadwal joogto ah oo u jeedkiisu yahay in looga wadahadlo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalka u dhexeeya, waxna kama quseeyaan Masar wafdiga Ethiopia ee tagay Somaliland.”

Isda uu egyahay muranku, Somaliland waxay u muuqataa in ay heleyso faa’iidada ugu weyn, iyadoo kordhineeysa baadi goobkeeda aqoonsi caalami ah oo ay riixaysay muddo 30 sano ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30837

Posted by on Aug 2 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

33 Comments for “Loolanka Dalalka Itoobiya iyo Masar Somaliland Dan ma ugu Jirtaa ?”

  1. Politics is all about interest
    2021 waa sanadka Somaliland gaadhi doonto waxii halganka dheer usoo galeen

    Furuuqdii kacaanka calooshaa soconaysa

    Mayla socotaa Ahmed zoo-mali AKA oday biiqay

  2. Kaahin
    Lakiin waa marka lagareebo dhuloos waroos iyo samarroon

    • Gaafoow Meeshaan awr marinayno irbad baanu Ku eegnaa

      Reeraha aad sheegtay waa rukumada Somaliland waanu dhaafnay reer hebel ma ogala
      Shaqsiga diidan republic of Somaliland
      Vila wardhiiglay ha u dhoofo
      Almost 30 years ayaan dhisaynay Somaliland militarily, economically, socially

      Nin ragina waa ogyahay nacasna loosheegi maayo
      Ogoontii kacaanku waxaa ay miyirsan doonàan dhowaan

  3. MASAR wax dana uma laha shacabka waayo hadii itobiya hesho wabiga waxa fududaanaya laydhka wax kaloo badan

    masar waa tii cadaadiska ku haysee goormay la xidheen kuwan jooga madaxtooyada S/L carab uma hayso dan S/L HADAL IYO DHAMANBA

  4. Kaahin
    Ma agoontii jabhadaha ayaa tahay meesha laba agoomood baa socdee

  5. BREAKING NEWS

    Wararkii ugu dambeeyey Mowlaca Boondheere

    Prof C/nuur Shiikh Max’ed
    Oo loo magacaabey Rasalwasaare Waqtiga kala guurka.

    Horaan u sheegay inuu Farmaajo rabo nin uu ugu booteeyo WALALIHII GALMUDUG

  6. Gaafoow Meeshaan awr marinayno irbad baanu Ku eegnaa

    Reeraha aad sheegtay waa rukumada Somaliland waanu dhaafnay reer hebel ma ogala
    Shaqsiga diidan republic of Somaliland
    Vila wardhiiglay ha u dhoofo
    Almost 30 years ayaan dhisaynay Somaliland militarily, economically, socially

    Nin ragina waa ogyahay nacasna loosheegi maayo
    Ogoontii kacaanku waxaa ay miyirsan doonàan dhowaan

  7. Gaafoow
    Jabhaduhu haday xaq Ku taagan yihiin umaday xoreeyaan
    Midna aan kuugu daro saw waali maaha gabadh 30 sano horteed la furay oo weli lasoo taagan layma furin

    Islaantii zoomaliya ee waalayd waxay Ku khafiiftay Somaliland

    30 sano ayaa Ka soo wereegay furiinkii
    Miyaanay qancayba

  8. ASC.
    RAÌIISUL WASAARE AAN AHAYN REER WAQOOY (Somali qaldaan) DIIDNAY OO DIIDNAY, HADDAANU NAHAY SOMALIDA FIYOOW OON ARAGTIDOODA LA GABBAN, EE KA BOODA BARXADDA KALSHAA.CA.≈©≈VIVA VIVA VIVA SOMALI QALDAAN VIVA Mahdi M/med Guuleed. ≈©≈ALLAA WEYN °NINKII AAMINA AWODLE. ≈©≈BARXADDA, DHIIG QABIIL KALIYAA BURQAN °KII SOMALI BAABAH. WBT

  9. BUUR MADOOW “nin kaa xoog badan gacanta lama maroojo” laba cadaw isu ah dhabta kuma wada haysan kartid mid baad raaci ama banaankaad ka joogi..
    Masar waa lagaga adkaaday webiga niilka quwadaha ugu waawayn baana ka caawiyay dhismaha iyo dhaqaalaha, 2011 kii markii masar mudaaharaadka laga kacshay bay sheekada dhamaatay, siisi waa iska qaylinayaa waxba masamayn karo..

  10. degdeg xabaalo wadareed maanta lasoo qufay iyo muuse biixi gudoomiyaha beesha snm oo u duceeyey haday beesha snm kasoo jeedeen soomaalidiidka waa lanacay soomaalida oodhan ayaa sanka ka haysta cidlay taagan yihiin

  11. Meelahaasi nagu soo qorqora kkkkk

    Jariiradbaa qortay aqoonsiga somaliland.

    waxaan ka baqayaa aqoonsiga soaliland inuu ka mid noqdo xanuundad la yidhaa saarka ama Mingiska ee dadka laga tumo.

    Haa ama Hidikabar.

    Dalmida
    Dalmida

  12. Somaliland
    waxa dantu ugu jirta iney
    sheekada MASAR meel iska dhigto waayo hadii kale waxa lasoo hodhigay murayad oo is arkayan waxa ey yihiin oo la tusaya in qiyaali looso dhiibey oo lagu odhanaya dowlada baa nahay aaa xita anaa

  13. iska daa Somaliland ee somali oo dhan waxa dantu ugu jirta oo weliba la gudbon oo sax ah iney Ethiopia la safato waayo Ethiopia waxa nalaga dhexeya dal iyo dad iyo deegan iyo derisnimo iyo daaqsin maxa nagala dhexeya masar waxba waa inaan garana sheekada masar ee ah in dhiiga wiilal somaliyed lagu difaca biyaha Nile ka berigi 1977 kii masar isku keen dirtay welina caqligi bey wata masar waa in somalidu ogaata oo fahamta waxa saxan

  14. Ethiopia wax walba xita dad baa naga dhexeya iyo dal iyo daaqsin iyo deeisnimo maxa nagala dhexeya fucking masari doonaya inu dhiiga naga ku difaacdo biyaha Nile ka oo doonaya inu anaga isku keen diro maxa nooga caba webiga Nile ka walahi Somali iyagana waxa laga xiran doona kuwa soo gala

  15. Axmadoow.

    Waxaad kusoo celcelisaa. Raisulwasare reer woqooyi ah xilka haloo magacaabo.

    Muuse biixi. Wuxuu xukumaa. Duleedka garoowe ilaa 2 xuduud ee itoobiya iyo jabuuti. Waxaad u taqanaa hogaamiye koxeed.

    Waxaad mar walbo muujisaa in aad jeceshahay. Samaroon harti iyo ciise in ay midoobaan kana soo horjeestaan somaliland buuqna ka abuuraan?

    Waxaad marmar badan beesha dhexe ku sheegtay in ay yihiin dad aan intooda badan xurnimo arag oo gumeeste ku hoos nolaa.

    Marka waxaas oo dhan laysu geeyo.

    Sow waxaaga lama dhihi karo.
    Waa ILINTA YAXAASKA?

    Hadeey niyada kaaga jirto jiritaanka somaliland waxaa wax u dhimi karo qof yaroo raisulwasare laga dhigay. Aqoonta kugu yar.

    Hadaad isleedahay. Yuusan hawiye wax helin. Annagu wiilka isaaq iyo wiilka hawiye waa iskugu kaaya mid.

    Garqaad waa nin fahmo munaafaqaada maafiyada.

    Doqonoow somaliland oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

  16. His Excellency Mr garqaad waan ku salaamay
    iyo dabshid

    Waxaa aan layaabaa dad Meeshan soo Gala oo aan fahansanayn duni Halkay marayso oo jaahiliin ah laakiin isu haysta mutacaliimiin waxaan xasuustay maahmaahdii English ka ahayd ee
    Ignorance is bliss

    Ictiraafka somaliland waxaa uu waligiiba ku xidhnaa strategic interest indhihii caalamka ayaa ku soo jeestay somaliland
    Ethiopia waxaa ay ogoshahay in ay somaliland ula shaqayso si Heer dawladeed ah in return somaliland military base ma siinayso Egypt

    UN ku waa organization ay reer galbeedku u samaysteen wadamada bilaa awooda ah ama soo koraya soomali badana waxaabay au haystaan awood duniyeed muqadis ah

    Finally muqdisho halaga xoreeyo jinican ku habsaday..
    The tax payers of mogadisho are victims of bloodthirsty wolf’s

  17. ASC.
    Markaan kugu yeerimaayo Magacaan kula jeclaystay, sababta oo ah °Axmadoow° aad tiri BAA i jilcisay.
    ≈©≈ADEER aniga miisan ima saarikartid oo WAXAAN ahay Waaya-arag Taariikh badan u soo joogay ILAAHAY SWT mahadi ee aasha soco. ≈©≈WAXAA tiri Muuse Bixi wuxuu xukuma; “Duleedka garoowe ilaa 2 xuduud ee itoobiya iyo jabuuti”, WAXAAN ku leeyahay; “Adeer ILAAHAW uu xakumo ilaa Raas Kiamboni ANIGA agtayda WAA ka Mujrum SIDAASO ay tahay MA RABO in xukunka Qasab looga Qaado ee Waxaan raba in SI nabadgelya loogala wareego oo weliba Gunnana loogu daro.≈©≈Adeer, beenta iyo masabidaada iska DÀ, dadnimo kuu kordhimaayaane AKHIRANA lama ammaanayne. WBT

  18. Ahmed Zoomaliyoow aka oday biiqayoow
    Habaar baad qabtaa waana la hubaaye
    Hadii kalshaale oday kaa dhigteen hibana kuu yeelaan
    Waa loo hagaaja hadalka hadasho waa ceebe

    ODAY biiqay waa noocaaga kuwa Halkaa dhigay dadkoodii
    Markaa anaga hanagu dawakhin somaliland

  19. Waar cinwaanka saxda ah waxaa weeye loolanka Xabashida iyo masaarida gobollada woqooyi ee Soomaaliya, dan ma ugu jirtaa Somalia.

    Daanyeernimada socoto waxay luggooynaysaa badowda Iidoor iyo warbaahinta beeleed oo aanan lahayn wax waddaniyad ah.

    Garqaad

    Waxaad tidhi

    “…..somaliland oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso”.

    Middan waan kaa qoray oo midnimada aan raadinayo dadka dhidibada u siibayo ayaad ka mid tahay hadduusan sabq lisaan kaa ahayn.

    Ka warran haddaan ku idhaa

    banaadir oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Galmudug oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Jubbaland oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Pudhlayn oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Kooonfur galbeed oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Hirshabeelle oo la aqoonsado. Faa.iido mooyee qasaare kaaga imaan meyso.

    Soomaaliya oo gobollo u kala go’do saaxiib waad taageeraysaa baan filahayaa

    Dadna qarankii Soomaaliyaa baa doonahayaan dadna kala tagga Soomaaliya ayay si qabyalaadaysan u cusbaynayaan

    What’s Good For The Goose Is Good For The Gander …

    Iga qor haddii iidoorka minus sanaag, sool, awdal, zaylac goostaan oo sidaa ku tagaan, Soomaali oo dhan duullaan bay geli doonaan.

    Haddii dullaankaa lagu kala hadho, beel walba meeshii ay joogto ayay iyaduna sidaa waddan qabiileed u noqon doonaan like UAE oo weliba waddamo rasmi ah.

    Halkaana Somaliya janaaza lagu tukan doono magaceedii.

    Marka saaxiib qarannimada iyo wada jirka waa asalka Somali Republic. Intaad adiga iyo Dabshid leedihiin raalli geliya badowda Iidoor ummaddan ha kala dirina.

    Ugu dambyan

    Immaamkaada dabshid goormuu noqday imaam. Waa nin sheekhaaleed oo weliba gadhyare daba fadhiya.

    Uganda lover

    Isagaa yidhi oo golahan ku qoray…”Ugaandeeska unukaa rabna”

    Marka imaamka qabyaaladda magacaa waa uu ku dhegayaa ilaa uu ka soo noqdo

    Nin warhayaa hakuu warramo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  20. Masar iyo Itoobiya waxaa naga dhaxeeya diin, degaan iyo derisnimo been ah gaar ahaan Itoobiya

    Itoobiya oo la wiiqa ama khariidda laga saaraa Somalia waa danteeda/

    haddii masar diyaarado damka ku duqayso ama Addis dhulka la sinto oo qowmiyad kasta goosato Somalida ku hoos nool iyo Somaliyaba dan baa u gu jirtaa

    Geopolitics Somalia waxaa dan u jirtaa Itobiya oo la dumiyo oo dowlado noqdaan umalayn maayo in dhiig Soomaaliyeed masar ku doonayso in biyaha ku fatahaan.

    Political incorrectka waxaa weeye sida aan jaamacaha galbeedka been beenta loogu akhriyo daanyeerta ardada u ah, interest gameka Soomaaliya Itoobiya ayuu ku jiraa. Dhibka ka dhacay Somalia for the 150 years xabashi baa wadday Masar shaqa kuma lahayn

    Dadna runtay ka hadlayaan dadka beentii Kissenger bay noo higgaadinayaan.

    ADduunyo xaalkaa ba’

  21. ASC.
    Kaahin, sidaad wax qortay haddan u fiirsado WAXAAD ila egtahay ardadi HABAWGI Laalays, Marka wax faaido ah oo lagaa sugaa anba jirin. WBT

  22. ALLOW somali wax noogu dhiibin WAX KA MAQAN S/L CITIRAFKA ka maqan ma jiro
    nabadaa la hadhsadaa ma kuwan xamar isku cunaya baan wax cid wax tari kara MAYA

    AXMED SOMALI IYO C / SUBEER INTAY KU JIRAN somaliyada ay wataan iyo mid ay cadow U YIHIIN TOONA WANAAG KA DHEER . ,

  23. ASC dhamaantiin.
    Suldaan Zubeer iyo Caaqil Garqaad waan idin salaamay.

    Garqaad waan kugu raacsanahay in daanyeer Ahmed Somali uu rabbo marwalbo in uu qabiilada Isaaqa la Dagan ku kiciyo Isaaqa, maadaama uu Isaaqa u necebyahay qabiil ahaan isaga oo Daarood ah [noo sheegtase Xawaadle) ragga Daaroodka ah ee meeshaan soo gala kaliya ayaa u aqoonsan in uu yahay Xawaadle. Qof Hawiya ah oo meeshaan soo gala oo u aqoonsan majirto. That is that.

    Suldaan Zubeer, adigana waxaan kugu raacsanahay ra’yigaada ku aadan caaqli Garqaad ee ah in eeysan faa’iido laheeyn qabiil Somalida boqolkeeda qabiil kamid ah oo la’aqoonsaddo in eeysan wax faa’iido ah u laheeyn Somaliya. In fact in eey dhib u tahay. Waxaanse kugu diidanahay in Masar oo aanan xuduud laheeyn, aan lajirsanno, oo Ethopia oo dad, iyo dal, iyo diin naga dhaxeeyso aan kasoo horjeesano.

    Danta Somaliya iyo Ethopia waxeey ku jirtaa iyaga oo wada noolaado, isla shaqeeysta. Laakiin, hadii labadooda mid uu noqda meel eey daanyeero caqli laheeyn horboodaan, xukumaan, dabcan, waa suurtagal in uu kan kale ka faa’iideeysto.

    Ma’aaminsani umad iyo dal kale, amaba qabiil kale oo la dhibo, in uu qabiil kale, amaba dal kale dan ka helayo. Zero sum game waa xisaab qaldan.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  24. Ali zubeer.

    Ninyahoow. Anigu muddo dheer ayaan ku mashquulsanaa in aan ogaado dhinaca aad iga jirto.

    Ma midnimo doon baad tahay.
    Ma alqaacida doon baad tahay.
    Ma qof damac uga jiro siyaasadda ayaad tahay.
    Ma waxaad tahay qof u doodo reerkiisa.

    Adigu waxaad noo sheegtaa in aad tahay qof ka gudbay sanamka qabiilka.

    Laakiin qoraaadaadu wexey u dhacayaan sikaduwan sidaad jeceshahay in aan u aragno.

    Suldaan. Waxaan waayay. Hal siyaasi oo hawiye ah oodan u aqoon mooryaan.

    Waxaan ognahay METELAADII banaadir state.
    Dareenkii aad halkaan uga muujisay.

    Isaaqa hargeysa joogo waxaad u taqaan waan wada ognahay.

    Kuwa xamar joogo ee federaalka xilalka ka haayo. Waxaad u taqaan kuwa ku fadhiyo kuraas aysan xaq u laheyn.

    Suldaan. Marka intaas laysu geeyo.
    Waxaagu ma midnimo jacaylbaa massa qabiil nacayb?

    Anigu ka garqaad ahaan ma aaminsani in ay midnimo qasab tahay.

    Waxaan aaminsanahay midnimo in ay tahay heshiis bulsho.

    Wax la yiraa waxaasi waa muqadis sideydaba layma tusso.

    Xitaa Aniga garqaad ahaan hadii lay dhoho calankaan bluuga ah dad somaliyeed ayaa lagu dhibaateeyay ee halla bedelo.
    Waxaan ka ahay raali.

    Marka Ali zubeeroow eeboow.

    Waxba calool xumo ha ii heyn.
    Anigu dadka ku qadariyo ayaan ka mid ahay. Laakiin hadaad wada mooryaan noo taqaan waa in aan kuu sheegnaa.

  25. Ahmed Somali says:
    July 6, 2019 at 11:09 pm
    ASC.
    Markaan damco inaan Beesha ISAAQ wax ka qoro waxaan soo xusuustaa inay gacan Gumaysi ku jireen min 1884 ilaa 1960 oo aysan soo marin “AXYAA WADDANI YAA SOMALI AHEEY!!!”. °TAANA ay keentay in Beesha ISAAQ ay ku yartahay damaqa Somalinimo kuna weyntahay TAN Beeleed. °§*=°§*SI DEGGAN U FIIRSO. WBT.

    @ axmadoow.

    ©≈Adeer, beenta iyo masabidaada iska DÀ, dadnimo kuu kordhimaayaane AKHIRANA lama ammaanayne. WBT

    Taas ma garqaad ayaa qoray.

    Alla maxaan aqanaa.
    Ilinta yaxaaska.

  26. ASC.
    2BA MIIRROW, magaran hakaad geedi ku furtay WAX malmaluuqde. WBT

  27. Ali Zubeer iyo odaygan nacaska ah warkoodu waa Ogaadeeniyaan samaysanyaa qabyaaladda inag daaya. Dhaanto dhaandhaan dheh

    • Baaruud

      Golahan mar dhow baad ku soo biirtay haddaadan sidan magac cusub. Waxaad ogaataa Cibaadka Allah waxaa ugu liita nin ka been sheega diintiisa iyo dadka aanan waxba galabsan carrabkiisa ka nabad gelin.

      Suldaanku wuxuu yahay adiga lagu waydiin maayo waayo haddii weedha qoran aad ogaadeennimo ku sheegto dee kula yaabi maayo waxaad u tahay Somali maryoolayda qabyalaadda sanamkeeda aannu ka fujin la’ nahay. Haddii aad tahay nin wax isku falaya hadalka suuban hawraarsan baad odhan adigoo beelayn.

      Waar arkayay adigoo taariikh been ah qorahaya laakiin ma foga marka lagula cidhbin doono haddaad hadal weji leh oo qarankan wax u tarahaya aad soo dhigto.

      Beel meeraysigu waxaa u yaal go to people you measure up.

      Ogaadeennimo kulahaa. Miskiin

      Garqaad

      Wait me bro…….soon insha Allah

      Viva Somaliwayn
      Down all Somali traitors

  28. Hadii ay Masar Diyaarado ku duqayso biyo-xidheenka Abay,Suudaan daadka ayaa qaadaya.Biyahaasi la qabtay oo xadhiga goostay waxay sobobayaan in qaybo Suudaan ah daad qaado.Taasi waa midda kobaad ee aanay Masar u qaadayn dagaal lagu burburiyo Biyo-xidheenka.

    Waxani maaha sida aad moodaysaan Maryoolayeey.Waxan hore ayaa looga sheekaystay,loo lafa guray oo laysla ogolaaday.

    Lacagta lagu maal-galiyay Biyo-xidheenka waxaa saamiyo ku le Bangiyo Maraykan ah iyo kuwo laga leeyay Masar.Taasina waa midda labaad ee aanu u dhacayn wax dagaal ah.

    Reer Galbeedku iyaga ayaa ogol in Ethopiya loo sameeyo mashruucan balaadhan.Taasina waa 3-aad ee aanay masar u weerarayn Ethopia.

    Masar ma soconkarto bilaa Reer Galbeed.Waa daayeer ay iska leeyihiin Reer Galbeedku,iyaga la’aantoodna ma qaadikarto wax dagaal ah.Taasina waa midda afraad ee aanu dagaal u dhacayn.

    Dalmida

  29. Lacagta lagu maal geliyey biyo-xidheenka dhammanteed Ethiopia ayaa iska leh.

  30. Thank you for the auspicious writeup. It in fact was a amusement account
    it. Look advanced to far added agreeable from you!
    However, how could we communicate?

Leave a Reply to Kaahin

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented