|

Qaylo dhaan Cusub oo kasoo yeedhay Madasha Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh Hoggaamiyaan

Muqdisho ( Kalshaale ) War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa digniin loogu diray madaxweyne Farmaajo kadin go’aanadii ay golaha wasiirrada Soomaaliya ku ansixiyeen dhismaha hey’adda Batroolka iyo xubno cusub oo lagu biiriyey golaha adeega garsoorka.

 “Madashu waxey aad uga walaacsan tahay tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirkeedii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.”

“Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka DFS iyo Golaha Xukuumadda Xil-Gaarsiinta inay dhowraan, ilaaliyaanna shuruucda Dalka u yaal, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee uu Dalku marayo, taasoo haddaan la garowsan keeni karta khilaaf dastuuri ah iyo khalkhal siyaasadeed.”

“Madashu markay aragtay go’aammadii ka soo baxay golaha xukuumadda xil-gaarsiinta fadhigoodii 30-kii July 2020, markay akhriday war-saxaafadeedkii ka soo baxay Ururka Qareennada Soomaaliyeed, markay dhageysatay baaqii ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo Xisbiyada Siyaasadeed ayna ogaatay walaaca bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan go’aannada sharciga ka weecsan ee ay ku tillaabsatay xukuumadda xil-gaarsiintu, waxay soo saartay qodobbadan hoos ku qoran.”

1.            Madashu waxay garowsan tahay baahida loo qabo dhisidda Guddiyada Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka, kuwaaasoo la dhowrayay muddo ka badan saddex sano iyo bar, ayna ahayd inay dhisto Xukuumaddii haysatay kalsoonidii BJFS ama ay tahay in lala sugo inta lagasoo dhisayo xukuumad cusub oo hesha kalsoonida Baarlamaanka.

2.            Xukuumadda hadda jirtaa waa Xukuumad Xil-Gaarsiineed (Caretaker Government) mana laha awood sharciyeed ay ku qaadan karto go’aanno masiiri ah ama ay ku meel marin karto guddi Dastuuri ah oo horey magacaabistiisii looga gaabiyay.

3.            Madashu waxey aad uga walaacsan tahay tallaabooyinka sharci darrada ah ee ay Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ku dhaqaaqdey shirkeedii Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 30/07/2020 oo ay ku magacaabeen hay’ado Dastuuri ah sida Hay’adda Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.

4.            Madashu waxay caddeynaysaa hab-raaca loo maray magacaabista 5ta xubnood ee ka tirsan Golaha adeegga Garsoorka inay baal marsantahay Dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS.

5.            Waxaan uga digaynaa Madaxweynaha JFS in uusan ku soo saarin wareegto xubnahaas 5ta ah ee ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka inta la waafajinayo Dastuurka JFS.

6.            In Shaqada Xukuumadda Xil-Gaarsiintu ay ku ekaato kaliya socodsiinta hawlaha caadiga ah ee xukuumadda inta reysul wasaare haysta kalsoonida Golaha Shacabka laga soo magacaabayo sida ku xusan Dastuurka Dalka qodobkiisa 103-aad.

7.            In Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayso Xukuumadda Xil-Gaarsiintu isla markaana ay kula xisaabtamaan si joogto ah hawlaha ay qabanayaan inta reysal wasaare laga soo magacaabay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30800

Posted by on Aug 2 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “Qaylo dhaan Cusub oo kasoo yeedhay Madasha Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh Hoggaamiyaan”

  1. Kkkkkkk horta labadan odey ma mobileen baa calaacal badanaa

  2. Libaaxi Kheyre ayaan Gacmaha heyn dadkaan 4.5 looga keenay Tuulooyinka ee Hotelada Noo jiifa.

    Jaq oo Jiif, ayey noogu dareen KA GAARSII

  3. Ninkii xoolihiisa nin u dhiibto waa inuu aqbalo, boob iyo beylah iney ku dambeeyaan

  4. Dad badan oo halkaan wax ku qora iyo dad badan oo xilal hore soo qabtay balse iminka shaqo la;aan ah stress ayaa dhib ku haya waaa in aan fahanaa waa maxay stress ?? Maxaa Keena
    Sideesse laysaga dawayn karaa. Maxaase lagu gartaa qofna inuu stress hayo. Homework????

  5. Kuwaan mudulood sharafta ayay kaqaadeen calaacal badanaa war ninka iska dhacsha hadii kale don’t talk you can’t lead this great nation like this way this is not really our former leaders every single day they talking about election

    • ASC.
      GEDO LAND, adeer nimanku WAA naf la caari oo waxay ka cabsanaan inuu KHADAR meesha ku raago Cali Khaliif iyo Cali gureeyna ay ku soo gaaraan. WBT

  6. Gaafow
    Mudulood ma moobleen baad ka taqaan kkkkk

  7. Leopon
    Stress aduu kuhayaa magacaaga bedel Horta in lagugu jiro taasaa xoogaa cadaynaysa laakiin waxba kuma dhaano waa macwuul rag badan in wax ka qaldan yihiin laakiin anigu sanad walba soomaaliya ayaan tagaa waana soo nafisaa

  8. Haye, cabaad miyaa bilowday iyo Thuma Bilaahi..
    kkkkkkkk
    Farmaajo doorasho waa in qataa…

  9. Khayre ayaa Qoorqoor ka dalbaday in uu Madaxweyne Farmaajo kala hadlo in loo dhaafo Gadiidka aan xabada karin iyo ilaalo dhowr ah.

    Markaad xaniinyahaaga u dhiibato nin kale sidaas ayaa kuu danbeyso.

    Somaliya wexey kala tagtay 1991kii.

    Somaliland. Halkaas ayey degtay.

    Pudland halkaas ayey degtay.

    Jaalle hawiye wuxuu xaniinyihisii u dhiibtay.
    Farmaajo oo tahriibkii America kasoo laabtay.

    Isma waydiin. Why? Uu farmaajo u geeyo in uu xukumo goof hawiye?

    Canshuur kuma darsan.
    Ciidan kuma darsan.
    Ciid la xukumo kuma darsan.

    2dii nin ee 8 sano isku soo xigsaday. Ayaa garbaha ka istaagay oo xaniinyahoodii ku wareejiyay.

    Kaaga darane way qoslayeen oo way ku faraxsanayeen.

    Maanta ayey ku calaacalayaan.

    Farmaajoow doorasho qabo.
    Farmaajoow sidaan yeel.

    Mr farmaajo. In uu dal dalo ayey aheyd. Ileen ayagaa xaniinyahoodii u dhiibaye.

    Sorry. Mr xasan cali kheyre. Isagu eeda malahan sharaf iyo karaamo ayuu ku nolaa. Laakiin adeeradisii ayagoo qoslaa xuriyo ku wareejiyay nimaan geyn ayaa eeda leh.

    IN AAD NOOSHAHAY IYO IN AAD QOF JIRA TAHAY. WAY KALA DUWAN TAHAY.

    ARFARMAAJO IIGEEYA.

    No CALAACAL.

    Mareexaan. hawiye ka adag. Haduu kablalax ka amaan helo.

  10. ASC.
    GEDO LAND, adeer nimanku WAA naf la caari oo waxay ka cabsanaan inuu KHADAR meesha ku raago Cali Khaliif iyo Cali Gurey-na ku soo gaaraan. WBT.

  11. War meeshu cabaad iyo calaacal badanaa waaba yaabe dadkiiba oohin iyo cataw baa ka soo haray soo idinkii libaaxyada ahaa ee oran jiray waan ceyrineynaa marti buu noo yahay maxaa isbadaley waa maxay niicdu?ama afeef hore lahaw ama adkeysi danbe.no more calaacal.cali Mahdi baa yaabay

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented