|

SAWIRRO : Puntland oo siwayn looga Xusay 1-Agoosto oo ah markii la dhisay

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caawa ka qeybgalay Xaflad lagu xusayey sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii Maamul Goboleedka Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay caawa lagu qabtay Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Waxaa madasha lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo looga hadlay Puntland iyo Aasaaskeeda, waxaa sidoo kale ka qayb galay Xafladan masuuliyiin kala duwan, waxaana laga jeediyey khudbado looga hadlay Puntland iyo Xaalada Guud ee Soomaaliya.

Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaadhsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dalka Soomaaliya burburkii kadib.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30792

Posted by on Aug 2 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

27 Comments for “SAWIRRO : Puntland oo siwayn looga Xusay 1-Agoosto oo ah markii la dhisay”

  1. Miyaad u jeedaan hal Calan oo Blue ah

    Yacni Copycat Somaliland,

    Haddey Somaliland soo qaadato Calanka Bluega waa xaqiiq iney ayaguna soo qaadan.

    Inta ka horeyso Waa maradaas MELES sameeyey.

  2. Garoonkan miyaanuu ahayn kii Khayre dib u dhisay Deni-na lahaa lacgtaad ku dhisayso noo dhiib?kkk kkk kkk

  3. Hanbalyo Dhul udug…

  4. Hambalyo Hambalyo waxaa xaqiiq ah in dhismihii

    Puntland laga gaaray guul ay ahayd meeshii laga

    Raadiyey somaliyada cusub waqti adag oo dadka

    Somaliyed ay is dilayan odayadii puntland waxay ku
    guulaysteen in dadka degan Puntland nabad ku

    Nooladan halka ka sii wada midnimada iyo guusha

    Aad gaarten hana ogolanina in dalkiina u qabsado

    Wiil afka soo duubtay

  5. Dabshid
    Labada calanba sow kuwa Deni hor yaal,teeda kale heesaha meesha laga qaadayey qoloba calankeed waa caynoo ayaa ku jirey. Calanka yaanu uga tageynaa sow walba anaku kuuma samayn?,

  6. Laalays
    Khayre lacagta uu keenay baryo maahayn ee in yaroo ka mida wixii xaqa Puntland ugu lahayd oo caalamku magaca soomaaliyeed ku bixiyeen ayay ahayd. Qaabka uu lacagta boorsada ku watay u bixinayey ayay diidanaayeen ee hab dowli ah iyo nidaam inuu soo mariyo ayaa laga doonayey.
    Teeda kale lacagta shacabka reer Puntland garoonkaa ku bixiyeen 700 kun ayay kor u dhaaftay walina ma dhamaan,waayo wax tayo leh ayaa la doonayaa in la dhiso

  7. Xaange

    Hambalyo dabshid iska daa caawa waa u tacsi hadu

    Awoodi karo dhulkuu la jari lahaa maamul daarood

  8. Jabhad
    Hambalyo bwe. Caawoo kale waxba la qori maayo Dabshid oo aaminsan inay Puntland tahay Nugaal iyo Bari. Markuu arkay Mudug iyo magaaladii Gaalkacyo oo siraadan waa inuu qufacdhuus bilaabaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Dabshid
    Xaasidsanidaa, qoodha iyo xerada ka jab, waxa calan Blue ah moosha suran indhahaaga ma qaban waayeen….In colaad reer Bari ku dishay waan ogaa, laakiin indhala’dahay ma ogeyn..Daanyeer…kkkkkkk
    Kuye Calankii Bluele meesha ugama jeedo…kkkkk
    Sow in wiil reer Galcacyo ah sameeyey ma ogid calanka buluuga, Maxamed Cawaale Liibaan. AUN.
    Calankayagow Cawaale.
    Hoos ka daawo Somaliland xafladeeda bal xitaa midab blue ku aragto..
    Shaar blue ah wadataa la isku xiraa Hargeysa…
    Xitaa waxaan maqlay in Gabar lagu xiray in kastuumo blue ah wadato…tolow yaa arkay..Borama ka dhacday..sida maqlay.
    Vivo Dhul Udug for 22 years in inte making✌️

  10. Lop
    Waliba Garoonka ruuxiisa ayaa loogu magacdaray oo Cawaale loo bixiyey.

  11. Dabshid
    Sawirka 3xaad marka kor kasoo tiro, baanbayda korkoosa suran oo xitaa nalka ka dheer ma ku gafay…meesha waaba wada blue.

  12. Xaange
    Waan ogahay saaxiib in Garoonkii loogu magacdaray Maxamed Cawaale Liibaan la fadhiyo.
    reer Puntland Mudug waxaa majority ka ah Cumar Maxamud..kkkkkkkkk
    Aniga iyo adiga xil gooni na saaran caaw in 1st August marti gelin…kkkkkkkkk, Vivo Mudug
    Aniga in Alshabaab in miino dhigaan ka biqin keliya..daanyeertaas, laakiin Puntland ciidankoodii Pista, PSF iyo PMPF cid kama maqna..I trust them.
    ✌️🥺

  13. Land of Punt
    Canaasiirtii shabaab ee Gaalkacyo wax ku dili jirey cagtaa la mariyey. Galmudug sidii Qoorqoor iyo Fiqi u yimaadeena arinta amniga si wanaagsan ayaa looga wada shaqeeyaa.Fiqi Caawa xaflada wuu joogey isagoo cayaaraya ayaan mar dhaweyd muuqaal ku arkayey

  14. Xaange
    kkkkkkk
    Waan ku qoslay Dabshid Mudug iyo Nugaal ka hadli jiray markuu arkay in Gaalkacyo loosoo raray xafladdii 22naad ayuu Qufacdhuus ku waashay…kkkkkk
    Buurtile ayaa yaabtay..kkkkk😄

  15. Land of Punt
    Shabaabkii Gaalkacyo dhamaan wax la diley iyo wax la qabtay ayay noqdeen.Waxaana la wadaa sidii xitaa Galmudug meelaha ay ka joogaan looga saari lahaa.Waa arinta Fiqi u joogo Gaalkacyo in ilaa Xaradheere laga saaro Puntlandna ay qayb ka qaadato arintaa

  16. Xaange
    Beri daawo wacdaraha Galkacyo marka bulshada, ciidan iyo shacab ka qaybqaadanayaan dabaaldegga..
    Ka daawo: Garoweonline.com, Puntlandi.com etc.
    Sanadguuro wacan Puntland..meel fiican idiin maraysaa, waxaa tihiin dadka dhibkii Somalia ka dhacay ilaah u fudeeyey, rag tashaday iyo hogaan fiican helay oo nolol ka samaysteen dhulkoodii oo laga guuray ahaa..✌️
    I love dhalinyarada faraxsan oo qurux ka muuqato.
    Waan ku diirsaday..Somalida kale nolol iyo nabad ilaahay uga baryin meelkasta joogaan.🇸🇴✌️

  17. Land of Punt
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Dabshid wixiisu dood maaha mararka qaarkood wax kaloo aan ku macneeyo ayaan garan kari waayey lol

  18. Land of Punt
    Meel alle loogu mahadiyo waanu joognaa walow intaa ka badan la qaban karay

  19. Xaange
    Waa qalad in Alshabaab iyo ciyaal Eelay ah xoog ku haystaan degmooyin Mudug ka tirsan sida Xaradheere..xitaa taas Puntland waa u ceeb..run
    Fiqi iyo Qoorqoor waa la caawiyo in dhulkooda ka nadiifiyaan argagixisada.
    Rag baa u dhiman laakiin xasuuso haddaan Puntland Xamar naf iyo maal ku bixin Somalia inta maanta haysano ma jirteen..
    Allow u naxariiso wiilashii Ilaa Laascaanood, Ciid iyo Bari laga keenay oo maanta Villa Somalia ku aasan..waalidkoodii in mag Somali siiso ahayd.
    Daanyeer Mooryaan ah ayaa mirihii guranaya, hooyooyinkii wiilashaas dhashay ay gablan yihiin..
    Ilaah meel kale uga abaal gudin, dalkooda u dhinteen.run
    Kuwa ku dhiman doono haddii Puntland iyo Galmudug weeraan Xaradheere waa la mid.
    Aniga dagaal ma jecli laakiin Galmudug waa in Puntland caawiso…..👌

  20. Xaange
    22 sano inta la qabtay, gobol faqri oo caqabo badan hor yiileen, hadana la ximiyo kuma xuma.
    Farmaajo 4 sano joogay culays saaray in shilin arag Puntland, mashaaraaciin dhan ka ooday, China, Dubai iyo Kenya wuxuu ula dagaalaa Jubbaland iyo Puntland caawisaan..China waa yeeshay oo ka baxday Puntland….Xin iyo xad iga dheh.
    Argagixisada Qadar waa wataa..sow yaab maaha.
    Puntland waa is daberin taas iga qor😵

  21. Hambalyo. Pudland.

    Dhulkoodii ayey xaarxaarteen.
    Dadkoodii ayaa kala amaan helay.
    Wax walbo in loo yeersho ayey ka amaan heleen.
    Alshabaab ayey ka amaan heleen.

    Jecloow ama necboow. Laakiin u qir wexey qabsadeen.

  22. Land of Punt
    Waxaa waa iska soo idlaadeen. Farmaajo isgay caawa yiisii haysataa intuu is lahaa Jubbaland iyo Puntland ximi.
    Tan iyo shalay waxay is hayeen kii Baarlamaanka sida igu maqaalaa.Waxaana laga yaabaa maabaa in labadooda mid daaqadda lagala baxo.Sheekadoodu waxay maraysaa ninkii ku hormara xabbada. Waa tabtii Filmkii The Good, the Bad and the Ugly kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  23. Garqaad
    Mahadsanid sxb Danshid intaa wuu ka masuugey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Wuxuu ku leeyahay Somaliland baad wax ka Copy garayseen.
    Somaliland iyo cid kasta oo wanaag samaysa waa looga dayan karaa wanaaga maxaa ku jaban.
    Laakiin kaftanka marka laha saaro At the end of the day soomaali waa tii meel isugu timaada,haddii hogaamiyaal wanaagsan aynu helno

  24. ASC.
    Dabshidow, bal waa kaase caawa meel gal Adaa maagay reer DHUL UDUGE, War lug iyo gacan isdhaafa taagoo cafis weydiiso. WBT

  25. Run ahaantii Puntland waxaa waa maamul fashilmay oo ah boog ku taal dadka Soomaaliyeed, haddii Puntland laga tirtirilahaa Soomaaliya mar hore bay barwaaqo gaadhi lahayd.

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented