|

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka degay Hargeisa Xili ay jirto Xiisadii Taiwan

Muqdisho ( Kalshaale ) Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, xili ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Taiwan.

Amb. Qin Jian ayaa waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse.

Safiirka ayaa loo sii galbiyay qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu kulan kula qaadan doono madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xidhiidhka Taiwan.

Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha.

Qin Jian ayaa si rasmi ah madaxweynaha Somaliland u gaarsiin doona diidmada dowladdiisa ee ku aadan in xidhiidh diblumaasiyadeed lala sameeysto Taiwan.

Safarka Jian ee Hargeysa ayaa qeyb ka noqonaya dadaalada ay Beijing ku wiiqeyso iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, oo iyadu laftigeedu ka tirsan Soomaaliya, balse ku dooda madax-banaani aan taageero ka haysan beesha caalamka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30778

Posted by on Aug 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka degay Hargeisa Xili ay jirto Xiisadii Taiwan”

  1. Siyaasada dal walba dantiisa ayuu wataa, Xidhiidhka Somaliland & Taiwan China waxba kama bedeli karto. Keli qadiyada Somaliland ayay indhaha caalamka kusii fidaysa.😀💪💪

    • CHINA hadey rabto iney go’doomiso somaliland daqiiqado kuma qaadaneyso cid ka difaaceysana majirto
      Marka yay isku dirin THE GREAT CHINA iyadoo is leh TAIWAN baa kaa caawin doonta dharbaaxida CHINA

    • MIYUU U DAWARSI TEGAY
      DAYUURADO AANNU FAQASH KU RUSHAYNO MA HAYAA?!
      @ CIIDANKA CIRKA SOMALILAND.COM

  2. Ku dabo fayla labada wadan mid uun yaa khaatumo seeg kabihii baa ku uray siday uga naxaayeen jamuuriyadan alle wadanka ah taiwan iyo China dhulmahante waxba kawaydiin maayaane sharaabaadada Isla soo dhaq

  3. CHINA ALREADY STARTED DICTATING WORLD POLITICS, NOT COMPROMISING ANYMORE…
    SOMALIDA OO IDIL WAA PIECE OF CAKE, SIIBA MAAMUL BEELEEDYADA..

  4. Iidoorku waa iska badow doonaya qaran dhan inay baayacaan cid la hadashaana jirin.

    Inta looga soo jeedsanayo riya maalmeedkooda ha iska wataan.

    Safiirkanna Fadhigiisu yahay Caasimadda qaranka Iidoorka la hadli maayee wuu soo edbin doonaa……Yaa walakum markaasay odhan doonaan: 我们只是玩 (we just playing)

    kkkkkkk

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  5. dulinimo iyo yuus ayaa laidinku bartay taa macnaheedu maaha halkii aan kugu ogaa baan dhaafayaa ,daarood mar labaad ayuu idin xasuuqayaa hadaad edebdarada deyn weydaan waa laidin edbinayaa aabihiin xabaala qodka kawasee ,chine laba erey keliya ayuu dhahayaaa rag idinka waaweyn baanu ishaynaaye masaakiin baad tihiine siyaasadna wax kama ogidine buulashu yaaney idinka guban

  6. Oo ma xaniinyo ergiso Ah baad soo hesheen
    Waamaxay hanjabaadu sowtaanu usha geeela gaalkacayo idinku dhaafinay idinkoo soomaali oo dhan iyo hubkii cir iyo dhulba wata caruurta ayaad ku seexisaan aamusa halkan iidoorbaa taagan

Leave a Reply to Somali galbeed

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented