Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka degay Hargeisa Xili ay jirto Xiisadii Taiwan

Muqdisho ( Kalshaale ) Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, xili ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Taiwan.

Amb. Qin Jian ayaa waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse.

Safiirka ayaa loo sii galbiyay qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu kulan kula qaadan doono madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xidhiidhka Taiwan.

Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha.

Qin Jian ayaa si rasmi ah madaxweynaha Somaliland u gaarsiin doona diidmada dowladdiisa ee ku aadan in xidhiidh diblumaasiyadeed lala sameeysto Taiwan.

Safarka Jian ee Hargeysa ayaa qeyb ka noqonaya dadaalada ay Beijing ku wiiqeyso iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, oo iyadu laftigeedu ka tirsan Soomaaliya, balse ku dooda madax-banaani aan taageero ka haysan beesha caalamka.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 8)

  1. Laalays says:

    Siyaasada dal walba dantiisa ayuu wataa, Xidhiidhka Somaliland & Taiwan China waxba kama bedeli karto. Keli qadiyada Somaliland ayay indhaha caalamka kusii fidaysa.😀💪💪

    • Hassan m said says:

      CHINA hadey rabto iney go’doomiso somaliland daqiiqado kuma qaadaneyso cid ka difaaceysana majirto
      Marka yay isku dirin THE GREAT CHINA iyadoo is leh TAIWAN baa kaa caawin doonta dharbaaxida CHINA

    • LAFARUUGAAWI says:

      MIYUU U DAWARSI TEGAY
      DAYUURADO AANNU FAQASH KU RUSHAYNO MA HAYAA?!
      @ CIIDANKA CIRKA SOMALILAND.COM

  2. Mahad says:

    Ku dabo fayla labada wadan mid uun yaa khaatumo seeg kabihii baa ku uray siday uga naxaayeen jamuuriyadan alle wadanka ah taiwan iyo China dhulmahante waxba kawaydiin maayaane sharaabaadada Isla soo dhaq

  3. Somali galbeed says:

    CHINA ALREADY STARTED DICTATING WORLD POLITICS, NOT COMPROMISING ANYMORE…
    SOMALIDA OO IDIL WAA PIECE OF CAKE, SIIBA MAAMUL BEELEEDYADA..

  4. Ali Zubeer says:

    Iidoorku waa iska badow doonaya qaran dhan inay baayacaan cid la hadashaana jirin.

    Inta looga soo jeedsanayo riya maalmeedkooda ha iska wataan.

    Safiirkanna Fadhigiisu yahay Caasimadda qaranka Iidoorka la hadli maayee wuu soo edbin doonaa……Yaa walakum markaasay odhan doonaan: 我们只是玩 (we just playing)

    kkkkkkk

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  5. mohamuud says:

    dulinimo iyo yuus ayaa laidinku bartay taa macnaheedu maaha halkii aan kugu ogaa baan dhaafayaa ,daarood mar labaad ayuu idin xasuuqayaa hadaad edebdarada deyn weydaan waa laidin edbinayaa aabihiin xabaala qodka kawasee ,chine laba erey keliya ayuu dhahayaaa rag idinka waaweyn baanu ishaynaaye masaakiin baad tihiine siyaasadna wax kama ogidine buulashu yaaney idinka guban

  6. Hinda says:

    Oo ma xaniinyo ergiso Ah baad soo hesheen
    Waamaxay hanjabaadu sowtaanu usha geeela gaalkacayo idinku dhaafinay idinkoo soomaali oo dhan iyo hubkii cir iyo dhulba wata caruurta ayaad ku seexisaan aamusa halkan iidoorbaa taagan




Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Koonfur Afrika iyo waxa dhacay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar  dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed ...