|

“Waxaan ka digayaa in sida Somalia oo kale, Meel carruurtu ku ciyaarto ay noqoto Nigeria”

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Howlaha Gaarka ah Dalka Nigeria George Akume oo ka hadlay xaaladda amni ee dalkaas ayaa tusaale ahaan usoo qaatay Soomaaliya iyo dhibaatooyinka dhanka xasiloonida ah ee ka dhaca.

Akume ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Buhari mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda amniga dalkaas oo waayihiin dambe weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ka fulineysay Kooxda Boko Haram.

Akume ayaa carabka ku adkeeyay in Nigeria ay u baahan tahay xasilooni waarta oo ay dadku ku tashan karaan nabadgalyo wanaagsan oo heer sare gaarsiisa, isla markaana dib usoo celiso kalsoonida shacabka.

“Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria, haddii aan la sameyn qorshe mideysan oo wax looga qabanayo ammaan darrada, wadankaan dhaca bariga Afrika Soomaaliya waxa uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, xaalad colaad iyo dagaal sokeeye”.

Wakaaladda Wararka dalka Nigeria u faafisa ayaa daabacday in Wasiir George Akume uu yidhi “Kama shaqeyn karno midnimada iyo nabadda, maxaa yeelay haddii sharafta dhulkeena la wiiqo, Soomaaliya waxa ay noqon doontaa meel carruurta ku ciyaaraan”.

Nigeria waxaa Soomaaliya ka joogo Askar u diiwaangashay Howlgalka AMISOM gaar ahaan kuwa Booliiska ee la shaqeeya Saldhigyada Degmooyinka iyo Talis qaybeeyadka Booliiska Soomaaliya.

Nigeria iyo Soomaaliya waxa ay wadaagaan arrimo dhowr ah sida: Boko Haram iyo Alshabaab oo ka kala dhisan, dagaalada iyo weerarada dhimashada iyo dhaawaca sababa iyo qorshaha la dagaalankooda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30758

Posted by on Aug 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11 Comments for ““Waxaan ka digayaa in sida Somalia oo kale, Meel carruurtu ku ciyaarto ay noqoto Nigeria””

  1. Daanyeer Sanbataati ah,…kkkkkk
    Wixii xunba Xaawo ayaa iska leh.
    Labamiire naloo mudaa, waa nalagu maadsadaa.

  2. Doqon waliba meeshay isdhigtaa lagu qalaa ! Soomaalidu haday dad wanaagsan yihiin tusaale looma soo qaateen.

    We became a laughingstock around the world so who are you gonna blame for?

    • ASC.
      DAANYEER Hobyo Godan, adigu maxaad dhaanta WAA adiga ku hadaaqa af GAALE?.≈©≈WARBAL isku day inaad tiriso INTA eray OO Carabiya oo ku jirta AFKA Somali OGOW HADDE Carabigu WAA luuqaddi QUR-AANKA KARIIMKA ku soo dege!!!. WBT.

  3. Been ma sheegin. Trumb, madaxweynaha Algeria, ka Uganda intaas ba horay hadalkan u sheegeen. Ma tagteen Xaarmaajo & Cawad sakhraan oo u jawaabay? Kuma dhici karaan waayo madaxdaa run bay sheegeen. 🦧🦍🦧

  4. Waxaa kaloo lagu soo daray jaamacadaha aduunka subject cusub oo la yidhaahdo failed states

    Can you guys guess which country takes the first spot

    Yes, you guessed zoomaliya.
    Bear in mind somaliland is highlighted as a separate entity and students are encouraged to study the history of Somaliland and why the two are completely different culturally and politically

  5. Negerian hadalkiisa wax micna ah noomalaha, ku wa ladhacsan hadal iyagaa lagu cayey U haaysta inn farmaajo la caaynayo ayaa kasii liita,

  6. Marka laga hadlayo failed state iyo kaa dambayn la’aanta waxaa la soo qaataa kow somaliya.

    Marka laga hadlayo dagaalada qabiiliga ah waxa ala soo qaataa somaliya.

    Marka laga hadlayo heshiin la’aanta waxaa la soo qaataa somaliya.
    Dagaalada dabada dheeraaday waxaa la soo qaataa somaliya.

    Wadankii ay dhibi la dhacdo,waxaa la yidhaa”maaha in la somaliyeeyo”.
    Taasi looga jeedo in la baabiiyo.

    Dalmida

  7. Marka la eego Najeeriya oo kale,waa wadan aad u koraya,dadkiisu wax barteen oo tirsan.
    Garab dhig somaliya kkkkk

    Yaa ka fikira caruurta iyo dumar?
    Yaa ka fikira mustaqbalka?

    Waaxaa laga sheekeeyaa 1991 kii .taasi waxaa looga jeedaa si dadka meel loogu hayso,si dadka masgxda looga haysto oo aanay u arkin mustaqbalkooda madoow.

    Dalmida

  8. Komentiga Kalshaale lagu qoro ayaa ceeb nogu filan iyo sida dadka qaarkii ugu farxayaan ninkaa hadalkiisa iyo dhib kasta oo ku dhacaya Soomaali…

  9. Ninkaasi ha loo sheego in Jaale siyaad iyo dawladnimadii laysku caayo kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Nikaasi haloo sheego inaan cadowga Somaliyeed u naqaano saxiibkkk
    Nikaasi,ma ogayahy in laga raystay dawladii kacaanka kkk
    Ethopiya ayaa airports iyo laamayo noo dhista,oo waxaan isku laynaa Deeqaha aduunku nasiiyo.Muqdisho uunbaa naga cunta kkk

    waar ninkaasi ma ogyahay in aannahay Geesiyo oo iayagu islaaya?

    Ma ogyahay in adoonka madoow ee somaliyeed Carab sheegto?

    Malaha wuu yaabi lahaa aduu run u ogayahay waxa somaliya ka jira.

    Ma ogayay in Hawiye u dhaaranayo Formaajo?

    Amisom ayaaba ka ilaalisa e waa hore ayay Villa somalo ugu galilahaayeen Mooryaantii.

    Dalmida

    Dalmida

  10. Yaa dhaamay/ceebeeyey dalka Somaliya? Suaashaa markay jawaabteeda Somalidu hesho, baa loo jawaabi karaa kuwa ku soo xadgudbaya sharafta iyo karaamada ummadda…

    Shandad yar baa islaan yar oo carbeed soo ag dhigaysaa siyaasi ku sheegyada ama dal gadyada weyba bururayaan, oo dalkooda laga dukaamaysanayaa. Iyagoo dalkooda sharcigiisii iyo dantii dalkaba u burburinaya sida haddaba ka taagan doorashada qof iyo cod, yacnii shandadii yarayd baa hor taagan.

    Bishan gudaheeda waxa dhacay xad gudubyo ka yimi dalal(oo carab iyo cajamba leh), oo dhulka la simay sharaftii Somalida, Jabuuti oo tusaale u siisay shacabkeedii kuna tidhi ma sidii Somalida rabtaan in loo burburo, M/W Uganda oo isagu aad u yaraysta oo halhays ka dhigta goob kasta iyo golekasta, M/W Algeria oo yidhi Libya lama rabno sidii Somaliya iyo wasiirkan Nageria ee hadda warkiisu taagan yahay.

    F.G Jeegaan, aaranjinni, mooryaanta badar iyo beeso, raaskambooni/alshabaab (alshabaab oo iyagu fidno kasta u ah magac u yaal, sheegata waxa ay sameeyaan iyo dadka ay laayaan aaran jinni iyo mooryaanta badar iyo beeso iyo jeegaan iyo beesha 6-qaad)

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented