|

Safiya Xasan Sheikh oo Xilkii laga Qaaday iyo Siday wax u dhaceen (Warbixin)

Baladwayne ( Kalshaale ) Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii loogaga qaaday duqii magaalada Beledweyne Safiyo Sheekh Xasan iyadoo loo magacaabay duqa cusub ee magaalada Beledweyne Nadar Jabaax Maalin.

Duqa magaalada Beledweyne ee xilka laga qaaday Safiya Sheikh xasan Jimcaale ayaa haysay xilkaas muddo ka badan sanad.

Sababta xil-ka looga qaaday Safiya ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha magaalada Beledweyne.

Waxaa sidoo kale la faray dhammaan hay’adaha amniga iyo shacanka inay la shaqeeyaan Nadar, si u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Maamulka Hirshabelle ayaa marwalba waxa uu bedelaa maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hiiraan.

 Safiyo Macalin Xasan oo xafiiska joogtay muddo sanad iyo bilooyin ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota Duqa degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kalshaale.com – Warar Sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30755

Posted by on Aug 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Safiya Xasan Sheikh oo Xilkii laga Qaaday iyo Siday wax u dhaceen (Warbixin)”

  1. garan waayey waxa ka jira arinta gudoomiyaha beledweyne haki sanaba 9 gudoomiye meesha maxa kajira dabdiged kadib 6 buu maraya waana mudo kayar hal sano

  2. ASC.
    WAR ISLAAMEY arka siduu Daanyeerkan, wiil xeraale sida UU UGU tuntay Qoraalka AfSomaliga, Aaway calaamadihii? joogsiga, hakadki, sùaashi, yaabka iyo kuwi kalaba?. ≈©≈wiil xeraale WUXUU ka mid yahay Wax magaratada loo adeegsado CIRIB TIRKA AfSomaliga, DAANYEER. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented