|

Madaxwayne Qoorqoor oo magacaabay Xubnaha Galmudug ee Arinta Doorashada dalka

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magacaabay xubnaha maamulkiisa ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah, ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Xubnaha Galmudug matali doona ee uu magacaabay Qoor Qoor ayaa kala ah, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) iyo Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Horey waxaa sidoo kale xubnaha matli doona usoo magacaabay, Puntland, Jubaland, HirShabelle, dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Dowladda federaalka ayaa waxaa bedeli doona: Salaax Axmed Jaamac, wasiirka dastuurka, Cabdi Cali Raage oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha, Caadil Sheegow Sagaar oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, iyo Cabdirahman Mucawiye Sheekh lbraahim, oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa matali doona Sahra Cali Xassan (Daatush), iyo 2 – Cabdulqaadir Muxiyadiin Axmed (Dalxa).

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30752

Posted by on Aug 1 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Madaxwayne Qoorqoor oo magacaabay Xubnaha Galmudug ee Arinta Doorashada dalka”

  1. Wali ma aragteen A.Madoobe oo nin ree Quulle ah meel/shir u dirsanaya?…

    Darwiish baa may oranaya hadduuba isku dayo xidtaa…

  2. KALSAME
    oo hada ma waxad leeyahay qoor qoor baa madobe ka kalsoni badan oo dadku isugu mid yahay lakin madobe reer quule difaac buu uga jira

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented