|

Xog: Madaxii Warbaahinta ee Xafiiska R/wasaare Khayre oo Shaqada ka tegay

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in Agaasimhihii warbaahinta iyo xidhiidh bulshada xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa maanta is casilay.

Calinuur Salaad oo ahaa agaasimaha warfaafinta iyo xidhiidhka bulshada xafiiska Ra’iisulwasaaraha, lana aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre ayaa xilkan hayay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Qoraal faahfaahsan oo iscasilaaddiisa ku lifaaqnaa ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida xukuumadda dartiis uu shaqada uga tagay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in xafiiska warfaafinta ra’iisulwasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada.

Waxaa la filayaa inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore,  Waxaana inta badan Soomaaliya Caan ka ah in marka uu Masuul Xafiis Baneeyo ay Saamayn ku yeelato Shaqaalaha kale ee ka howlgala Xafiiskaasi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30741

Posted by on Jul 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xog: Madaxii Warbaahinta ee Xafiiska R/wasaare Khayre oo Shaqada ka tegay”

  1. Siyaasaddu. Seedinimo iyo saaxibtinimo midna malahan.

    Tanoo kale waxaa la yiraa xidido siibid.

    Calashaan midka soo socdo ha noqdo mid bilaa garbo ah.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented