Gudiga Farsamo ee DFS ku Metalaya Shirka Dhuusamarbeeb3 oo lagu dhowaaqay (Akhriso)
Muqdisho ( Kalshaale) Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer maamul Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka.
Waxaa sidoo kale la soo bandhigay lixda xubnood ee dowladda Federaalka u matalaya Guddiga Farsamada ee ka soo baaraan dagaya hannaanka doorashooyinka ee dalka uu aadayo (Hoos ka aqriso magacyada).
Qodobka 5aad ee war-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.
Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.
Xukuumadda ayaa fartay xubnaha guddiga in shaqada loo igmaday ay si degdeg ah u guda galaan si looga mira dhaliyo dadaallada doorashooyinka qaranka.
Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30719
waa arin kale hadii farmaajo soo urur saday shaanshi iyo bandhabow iyo cad cad iyo boortaqis ee uu leeyahay kasoo hadla masiirka umadan aad shalay doonta ugu timaden isago isleh dadkani maamul iyo xukun midna ma raban waxey dhihi doonan doorasho qof iyo cod hala qabto waa yaab tano kale
xaange
aaway xaange
sxb sidii aad sheektay farmaajo ma dooneyn inuu gudi usoo diro amaba dib la isugu soo noqdo dhuusameb lakin waxan ku kalifey jugta kasoo gaartey dhan beesha caalamka iyo sawir ka laga dheehday ee ah qaswade inuu yahay oo uu doonayo inuu bur buroyo wixii lagu soo heshiiyey waa kaa hada soo magacaabay afar shaanshi iyo boortaqiis ah si uu isaga leexiyo beesha caalamka indha hooda