Shirkii gollaha wasiirada DFS Iyo Goaano lagu qaatay
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii Gollaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay sii hayaha Ra’iisalwasaaraha dalka Mahdi Gulleid ayaa lagu magacaabay sadex Hay’adood oo aad u waaweyn kalana ah
- Golaha Adeega Garsoorka
(Judicial Service Commission) - Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed
(Somali Petroleum Authority SPA)
3- Gudidda tayo dhowrka qaranka.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga Farsamada heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ka baaraan degaya tallooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.
Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban 16 xubnood oo lix ka mid ah ay ka imaanayaan dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedyada oo min labo xubnood uga imaanaya.
Maamul goboleeyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa horay u soo magacaabay min labo xubnood uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, ka hor inta aan xilka laga tuurin Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30704
Wagar ma waxay ka wadaan ansixintan PM khayre ayaa hortaagnaa……..Yaab
Adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Waa wax lagu qoslo gole wasiiro oo dhacay ayaa hadana wax ansixinaya.
Sharciyada ay wax ku ansixinayaan xagee ka keeneen?
Dowlada Khayre sow maaha tii xanada lagala noqon sidee wax ku ansixin karaan iyadoo aan wisiito cusub lasoo magacaabin oo la dhaarin.
Wasiiradan shaqada kaliya oo u dhiman waa xil wareejin.