|

Madaxwayne Farmaajo oo Diray Hambalyadda Munaasibada Ciida

Muqdisho ( Kalshaale ) Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu.

Ciid Wanaagsan.

Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ee sanadka Hijriga 1441-ka

Alle waxaan ka baryayaa in uu noo aqbalo ducada dadka muslimiinta ah ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka.

Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada.

Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, oo ay tahay in si gaar ah looga warqabo agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.

Sidoo kale, waxaa waajib ah ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.

Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna wali ku xeeran, taas oo uu sababay cudurka COVID-19 oo ah wali khatar jirta, muhiimna ay tahay in aan muujinno taxadar, iyadoo loo hoggaansamayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka.

Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgeliyada shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Ciiddan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumarka.

Ciid wanaagsan

DHAMMAAD

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30695

Posted by on Jul 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

35 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo Diray Hambalyadda Munaasibada Ciida”

  1. Madaxweyne baqdin hiraab ayaa kaa muuqata banaanka usoo bax kkkkk war najis yahow kabiqin ee raga iska dhici reysalwasaare dr cabdinaasir maxamed cabdulle hiraab hg sacad reer jalaf aaboow aaboow gen.caydiid aun garabkaaga kaday waa run after ciid ayaa lagu dhawaaqi wiil abti loo yahay wagardhac iyo reer jalaf iska dhala galinsoor kabiloow

  2. Gedolaand
    Nadexweynuhu cidna kamabaqanayo hiraabka aad sheegeysana wxaan unaqaan suhuurta ilkayar aka maqane hiraab miyaa

  3. Glasgow
    Awoowe soo tii aan afarsano kusiiyay maxaad rabtaa oo kale gedo iyo dhaqaale badana kusiiyay cagta cagdheer.kaan ogaynoow arliga sadaa iskaleh mise waa absame axmed waa aamusay maxaa dhacay gaafow

  4. Glasgow : gaafow mobile aan wax kuqoraayay ciid mubaarak all of you

  5. ASC.
    GEDO LAND, adeer, Hiraab, Jalaaf, Wagardhac Meeshaan boos ugama bannaana ee waxaa laga hadlaa waa Midnimo Somali.≈©≈Farmaajow!!! haddaad ruux aan Reer Waqooy ahayn u magacawdo W/koowaad, IGU tiri mucaaradka gudaha.≈©≈WAR ninyahow SAY wax kaa yihiin War maantay kuu dagantahay inaad Taariikhda gasho, MISE gacmahaan Aad isku marmarayso oon u qaadanay inaad leedahay; “ILAAHOW dambi iga dhawr” WAX kalaad ula jeeday iyo Qiyaano aad lahayd YAAN la garan. WBT

  6. Hambalyo Kama rabaan dadka reer
    Muqdosho e illaahey ha idin kala
    Wado adinko nabad ah waad Isku
    Dhib qabtaane

  7. Gaafaw.
    Kkkkkkkkkkkk.

    Marexaanku Naga adag. Been alla caayay.

    War ninyahoow. Daroodka kale difaac ayaan ka galnaa laakiin markaan mareexaan aragno. Waaba isdhiganaa markaa ayuu cabaad Nagaga yeersiyaa. Kkkkkkkkk.

    Gedo land. Sxb in aad afsomaliga fahanto ayaan ku modaayay. Hadalka gaafaw waa sabaaxad ilka yar

    War ninku yuusan isku kaaya dirin ee innaga celi.

  8. Ali Zubeer

    Adigaa ah reer WAAMO, inkastood Hargeysa ku dhalatey

    Milifkiisa nasii ninkaan CABDI CALI RAAGGE la dhaho,

    Waaba nin galgal ah soo daa,

    Xalane iyo Xidig waan heynaa, waa haddii loo baahdo Rasalwasaare AGAH ah,

    Haddey rabaan ha dhaheen AWOOWGAA LA GUBYE Jigjiga ayaan KURSIGEYGA Heyman.

  9. Ali Zubeer

    Waxaan odayaasha ka dhago dhageeyey,

    Max’ed Siyaad ayaa u yeeray WASIIRKII GAASHANDHIGA GABYOOW,

    Dagaalkii SNM waa soo xoogeystay, oo Taliyahii BURCO ( Marwo Fowsiyo ninkeedii oo ahaa Habar-Gidir) ayaa hub badan TAHRIIBIYEY.

    Carre, Muxudiin Badarey, Shabeel, Calasow dheere, Ina Cali – W**ye, dhamaan Waa Hiraabkii heystey From Galkacyo to Amaanduulaha Waqooyi.

    Waa rag laga soo kaarikeeyey Italy USC.

    arinta oo jiq ah iyo Cakaaro.

    Markaas ayuu Duq siyaad u yeeray, waliba markaas GABYOW wuxuu ka soo laabtey WAQOOYI oo asaga iyo adeerkaa TARAX XAQOORI ayaa Ogaadeen soo dhoobey Hargeysa.

    Gabyow kulahaa Duq Siyaad adigaan wax heyne ii KAALEY, anigu waxaan ahey Mashquule ( AWOOWGAA LA SHID muxuu Webi sonkoreeyey)

    Subaxdii ALBAABKA XALANE ayaa laga fiirsanaayey asagoo GABO GABO lagu sameeyey, Siyaad wuu u baahnaa Ogaadeen ee midkii laga soo ceyrinjirey CANADA ayuu Wasiir ka dhigtey.

    Hadda Rasalwasaare haddii la idinka dhigo
    JIGJIGO ayaad dhahee Halkaan imaada Mashquul ayaan ahaye

  10. Xulitaanka Rw ee uu Farmaajo wado waxaa dhinac socda inuu sameeyo maxkamad dastuuri ah oo iyana u shaqaysa sida guddoomiyaha Baarlamaanka.
    Labadaa oo is gadhabsanaya ayuu doonayaa inay u sameeyaan ugu yaraan laba sano oo ku darsasho ah. Waa haddii uu taa ku raaco Rw uu soo wado.

  11. Garqaad
    Sade waad jeceshihiin mar waa tii kismaayo kusoo hoyseen ilkayar shaqdina ayey taqanaa aka wadani iwm

  12. Dabshid
    Doorashada soosocota hawiye madoobe waxaa ubalansan inuu raysal was a are kadhigo ugaadeen waa heshiis hoose .ilkayar dambe ams dhbayaco dambe majirto mudulood vs ogaadeen secret deaal in nairobi

  13. Gaafaw

    KKK

    Mudulood iyo Absame haddey xulufoobaan, inta kale Minority waaye.

    Greater Banaadir iyo Greater Jubba,
    Inta kale Miner.

  14. Xaange
    Markii Haysom la cayriyay waxaad lahayd Political Suicide buu galay…

    War dalku waa xor, beesha 6aad ma xukunto, caawinta ay na caawinayaan iyagaa dan naga leh, inay na dhaafaan waaba waxa la rabo, waayo intay nagu nabayihiin sidan baan waligayo ahaanaynaa…

  15. Gobalka GED markii diyaaradaha lagu garaacaayay waxaa dhawaaqaayay beesha hawiye gaar ahaan hiraab ilaa axmed daaci uu yiraahdo reer sade anagay naga dhasheen kenya ha ogaato markaasaa layiri axmed daaci GEDO waa fog tahay markaasuu yiri habargidir aa orod dheer ayadaan udiraynaa kkkkk axmed daaci madiino madhaafin waligii laakiin wuxuu muujiyay hiil

  16. xaange

    Sade lacagtuu helo wuxuu ku cunaa XAMAR lkn idinku waxaad rabtaan inaad ku dhistaan Garowe

    Sxb waa inaad bedashaan Qorshaha

    Governor Gaas mar uu u faanahayey Reer PUNTLAND, kuye

    Lacagtii loogu talo galey Tiyaatarka Xamar ayaan u soo wareejiyey Garowe

    Wuxuusan ogeyn inaan dhageysanayno Hadalkiisa.

    • Lols at Dabshid,
      Gaas ciyaala suuq ayuu ahaa oo helay dad caqli daanyeer leh, isagga lagrifiisana caqli daanyeer ayuu ahaa.

      Ma ogeeyn in aan dhageeysaneeyno hadalliisa, amabba aan fadhino meesha uu hadalkaas daanyeernimadda ah ka dhahayay. Daanyeer Gaas waxaa kasii daanyeersan kuwa aanan fiirin hadaladiisii horre iyo ficiladiisii horre. Dhibka Somalida heeysta waxyaabaha ugu weeyn waxeey tahay is xisaabin la’aan. Hooyadiis wasse Barwaani queen iyo Ahmed Somali oo kale ayaa maantay oo dhan inteey wax qarribaan ku dhahayo “I cafi” iyo wabilaahi towfiiq etc. Sidaas oo kale waaye in aanan Xassan Daahir Aweys iyo qabqablayaashii dagaalka aanan lagu sameeyn dadka eey jecel yahiin waxa eey ku sameeyeen dad kale. Hadii sidaas la sameeyn lahaa Somaliya waxa eey Martay walaahi in eeysan marri laheeyn.
      Dalmida.
      God bless Somalia

  17. Asa Akhyaarta

    Ciid Mubaarak

    Dabshid

    Malafka Abdi Ali Raage oo kooban waxaa weeye

    Waa nin Makaahiil Gacanwayne ah, ka soo jeeda degmada Badhaadhe and great mysterious Mafia loner;

    Madaxa hayadda AFREC NGO for 28 years;

    La taliyihii Dhuxulayste;

    Financial confidant Dhuxulayste long time

    Damac wallaan sida mooryaanta Soomaaliyeed

    Wiil uu dhuxulayste Abti u yahay weeye

    Eastliegh Mall in Nairobi share ugu wayn leh

    Huge supermarket ku leh South C Nairobi

    Muddo kooban ahaa Dhuxulayste special envoy

    Ahaa xogyaha maamul goboleedyada Somalia

    Markii dhuxulayste ay is jiidheen deetana u soo wareegay Muqdisho, halkaana ka billaabay inuu u niikiyo villa Somalia isaga ka faa’iidaysanhaya khilaafka dhuxlayste iyo DFS.

    Ugu dambayn maanta loo magacaabay la taliyaha Farmaajo ee arrimaha siyaasadda iyo bulshada.

    Suldaanka war iyo taariikh sax oo aanan qabyaaladaysnayn ugu imow….

    Nin war hayaa hakuu warramo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  18. Nin maraykanna oo UN staff ahaa oo ka shaqaynayey dhexdhexadinta kooxihii Somalia xilligii dagaaladu socdeen oo Gabyow Kismayo kula soo kulmay ayaanu markuu soo noqday waraysanay. Wuxuu yidhi waxan soo arkay nin Iddi Ameen u eg oo caqligiisiina leh. Wuxuu yidhi intuu i kexeeyey ayuu yidhi waxan ku soo tusayaa habar USC berigii ay halkan qabsadeen caano ka qaadeen, maalintii oo dhan buu bacadkii u wareejinayey oo marba dumar meel caano la fadhiya lahaa meeday habartii USC du caanaha ka qaadeen, markaan daalay baan ku idhi inagu celi hoteelkii waxan la isku hayaa caano ka weyne aan wada hadalee. Wuxuu idhi markaan fadhiisanay baan ku idhi dagaalkii waa soo daba dheeraanayaa Somaliduna kala adkaanmayso, intaa markaan idhi buu soo booday oo yidhi yaa waxaad kugu yidhi, anaa ku tusaya inaanu kala adkaanaaynee orod oo Caydiid u yeedh oo halkaa isugu kaaya saar, adaa arki doona kayaga adkaadee. Waa nin u haysta in dhibkii Somalya ka jiray ku dhamaan karo laba nin oo legdemay

  19. Kalsame
    Nicholas Haysom arintiisu waxay beesha caalamka tustay in kooxda Villa wardhiigley aysan ahayn dad siyaasada wax ka yaqaan balse ku shaqeeya laab la kac iyo is muujin bilaa macnaa.
    Ninka kuu keenay ciidanka ku seexiya subixiina albaabka kaa fura oo ku dhaha toos,dariiqa aad marayso waardiye kuna quudiya ayaan eryey waa wax lagu qoslo

  20. Nahoogaami farmaajo nahoogaami farmaajo guusha inagaa leh guusha inagaa leh guusha inagaa leh berigii ruushka lacayriyay yaa xasuusta.nahoogami siyaad nahoogaami siyaad guusha inagaa leh guusha inagaa leh guusha inagaa leh guusha inagaa

  21. Lols @ Xaange,
    Saaxiib waxa aad ka hadleeyso dadka caiga xun ee daanyeerta camal ah ma fahmi karraan.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  22. Dabshid
    Sade iyo daarood kale inaadan naf u hayn waan ogahaye waxay kaa tahay daaroodka maalinba qaar xamar ku soo celi si ay isu soo dhiibaan oo magan kuugu noqdaan.

  23. Baaruud

    KKK

    Horta ninkaas been kuuma sheegin

    Idi Amiin dhankasto,

    Sawirkiisa ka fiirso YouTube shirkii CAKAARO KISMAAYO, Zakaria Xaaji oo shirkaas joogey UK nala joogo ayaan dhahney shirkaas ayaad ku jirtey

    Only GABYOOW ayuu heystey Saacado asagoo leh, Max’ed Siyaad sideebu nin nuucaas ah (Aqliga iyo Leadershipnimo uga dhigtey Wasiirkii Gaashandhiga waliba waqtigii Jabhadaha.

    Lkn ogow xarigiisii ayey Kismaayo eeday
    Oo Cawlyahankii Caanaha Keenijirey Qoryo garden.

    It was good for the liberators Mujaahidiin inuu Gabyow ahaa Wasiirkii Shaxda Dagaalka Dowladdii Shuuciga.

  24. Ali Zubeer

    Kkkk

    Nin fiican oo lala shaqeysankaro waaye
    Cabdi Cali Raagge sidaad noo sheegtay

    Next Rasalwasaare Absame waaye.

  25. xaange

    KKK

    Horta miyaan kaaga sheekeyey Duqii adeerkaa ahaa ee asagoo naf ah yimid,
    Maqaayad ku taalo CEELBUUR.

    Wiilkii adeegaha ahaa ayaa u yimid,
    Adeer maxaan kuu keenaa

    Adeer maxaa yaalo

    Waxaa loo tiriyey raashin badan oo ay ku jirto CAMBUULO,

    lacag yar ayuu marada ka soo furey
    Markaas ayuu dhahey intaan ayaan wataa
    Ee naxey iigoysaa.

    Adeer Saxan Barkiis CAMBUULO ah,

    Odagii wuxuu dhahey IIKEEN CAMBUULADA KORNA HA U SHEEGIN. Yacni ha naadin waala igu caayiye

    wiil Murusade Oo maqaayad Kabalyeeri ka ah muxuu kakasaa RAASHIN LA CUNO HA NAADIN
    Oo markiiba laga dalban 100 saxan oo 20 Cambuulo tahey

    5 barista, 7 hilib ah, 20 cambuulo ah OO MID HALF YAHEY,

  26. Cadaado
    Nicholas Haysom waxa lagu eryey maxaad uga hadashay qalalaasihii Baydhaba ka dhacay ee dadku ku dhinteen.
    Kuwa qalalaasahaas dadka ku laayey waxay ahaayeen ajaaniib itoobiyaan ah.
    Nicholas Haysom wuxuu u doodayey shacab soomaaliyeed isagoo nin ajnabi ah.
    Caqliga saliimka ah wuxuu ahaa inuu is weydiiyo labada ajnabi oo midna dadkaaga dilayo midna u doodayo waxaa la qaateey midka u doodaya

  27. xaange
    – 2-

    Adeerkaa intuu istaagey asagoo Kursiga Cuskan gaajo awgeed

    Kuye – UF UF war ma anagaa Cambuulo cuno

    Labo tilaabo kadib istaaguu ka faniiney
    Naftiina waa deysay

    Tartiib ayaa asagii iyo FAANKII BAAHNAA LA ISKA AASEY.

    Hadda waxaad dhahdey inaan isa soo dhiibno ayaad Rabtaan,

    Maya Wlh anigu waxaan ku jiraa dadka aaminsan inaad halkaas naga joogtaa,
    Faankiina Baahan lee naga daaya.

  28. Dabshid
    Waad ogtahay inaan meesha aan tagno aanu dhisayno oo nahay dad wax dhisi kara.
    Waad ogtahay Puntland inay ahayd meel gelgelin ah oo waxba ka dhisnayn wxii ka horeeyey 91 laakiin maanta aan joogno meel ilaahay lagu mahadiyo.
    Haddii maanta la dhaho halkaa ka baxa wixii magaca soomaali lagu soo qaadayana qaybtiina qaata hana noo imaanina. Wallaahi raali iyo nus ayaan ku ahay,

  29. Dabshid
    Xaange reysalwasaare ayuu kaa shaxaadayaa bal horta xukunka dabshid hayga qaado waan mitididi walaahi dhufays baan geli xamarna hiil kawaayi maayo hadhaqlayso

  30. Dabshid
    Adam Gabyow warkaan soo ururiyey markaan eego muu ahayn qof xiskiisu dhan yahay. Goobjoog baan ahaa maalintii isaga iyo Bacadle la qabananayey guriga waxa u yaallay laba tikniko ah iyo toban wiil intii buu yidhi dagaalama, ka weerarayna caqli badan ma lahayn waxa ku fillayd in biyaha iyo nalka laga jaro lana go’doomiyo shan maalmood bay isku soo dhiibi lahayeen. Markii wasiirka gaashaandhiga loo magacaabay dibedduu ku maqnaa, niman saraakiila oo airportka ku soo dhaweeyey ayaan qaar la kulmay, markuu qolkii VIPda ugu yimi ayuu yidhi maanta Maxamed Siyaad mar haduu midgaankii (Cali Samater buu sheegayaa) iga hor dhaqaajiyey halkaa salaantaan ka dhunkanayaa. Receptionkii Siyaad Barre, ee Siyaad soo baxay ayuu saraakiishii digtoonow geliyey oo Siyaad ku yidhi aabbo meeshaan doono ma kaa dhunkan karaa,intaanu u jawaabin buu ku dhaqaaaqay oo halkaa salaanta ka dhunkankaday oo ku yidhi aabbo mar haddaad maanta wasaaradii gaashaandhiga gacanta ii gelisay cadkii Daarood meelbaad saartay. Siyaad Barraa argagaxay oo ku yidhi waar saraakiishan horta digtoonowda ka saar. Ninkaan ii warramay wuxuu yidhi maalintii xilka laga qaaday ee loo bedelay Dalxiiska ayaan ku idhi ninkii Maxamed Siyaad maxaad ka yeelaysa, intuu salaanta farta saaray buu yidhi bartaasaan ka tooganayaa, waa halkuu markii hore lahaa waan ka dhunkanayaa.

    Ha sugi waayina dhamaantiin buuggaan soo wado idinkaa yaabi

  31. Gedo Land

    Kkkk

    Wlh waa yaabanahey Farmaajo ma sidaan ayuu aheey ayaa Mowlaca goofka taalo

    Horta waa Baari sidii Saacid, lkn waxaa ka muuqdo Dabeecadihii Murusade, hadde ilaa yaraantiisi Jowhar Max’ed Sh. Cismaan ayuu saaxiib la ahaa.

    Max’ed Dheere ayaa waxaa dhuunta u galey SHIIKH SHARIIF oo maamulo Maxkamadda Jowhar, Max’ed Dheerana Waa MUDIIRKA JOWHAR.

    Subax kasto Waraaq maxkamadda kaaley dacwaa kaa taale, ayuu u soo diraa

    Maalintii dambe ayuu dhahey Shiikh waxaa la iga casuumey Addiss Ababa, hadde Jowharn aniga iyo adiga ayaa ugu sareyno
    WAFDIGA ayaan kugu darey,

    Maskiin shariif Daaca ayuu moodaa,

    Addiss ayaa la tagey, hotel ayaa la degay,
    subaxdii ayuu u yimid, markaas ayuu dhahey

    Aryaa shariif – horta hotelkaan hadda laga bilaabo JEEBKAADA MAAL, ama Abgaal u yeero Ama Cabdelle u yeero IIMA TAALO.

    LKN maalintaan kugu arko Jowhar ama aad ku soo laabato Magtaada waa iga diyaar.

    – Xamar ayuu u cirbiyey,
    Ar SHARIIF LA SOO GAMEY ahaa

    Hadda Farmaajo waa inaan Addiss ku dacweyno

  32. Baaruud

    Ma waxaa adeer kuu ahaa Taliye SANBALOOLSHE (Xalane heystey, markii dambana loo bedalay Hiilweyne

    Bacadle wuxuu ahaa Geesi Tol waayey asaga iyo

    Raggii Dir
    ee Joogey Hogaamada XHKS ayaa ka ragsanaa

    Cabdi WARSAME Isaaq iyo Duqii CIISE JABUUTI ahaa ee G/sare kula jirey.

    Bacadle markii laga dhigey wasiirka Arimaha Gudaha, INA DAFLE OOHIN

    Kadib wuxuu halmar Siyaad ka werhelay

    Shabeelooyinka gobol ilaa degmo,
    Hargeysa

    Oo halmar uu Bacadle ka qaadey Barasaabyadii Mariixaan,

    – Cali Xaashi – From Jowhar to GEDO
    – Midkii Xamar lagu dilijirey,ee Talxe From Hargeysa to BUUL CAFFE NESLE

    – Mustafe Afqarshe – From Balcad to LAASCAANOOD

    – AFgooye kii joogey – waxaa lagu qorey AWDHEEGLE

    Hiiraan sidoo kale

    KISMAAYO lama taaban Karin
    Waxaa joogey SIYAAD WALAALKIIS

  33. Madaxwayne Ciid mubaarak
    Waar ka leexda Madxwaynaha somaliyeed.

    Waa laandheere oo calankii qaran ayaa u yaala.

    Agoontii Gabre qayla aka yeedhaysa lol

    Dalmida

  34. Baaruuud

    Asa

    Taariikhda Gabyow ha marin habaabin sida Dabshid yaanan kula cidhbine deetana ay cidla ah ku jiidhsiine.

    Dabshid

    Sanbaloolshii Xalane haysan jiray ma taqaannaa mase sidaad baad iska cammiranaysaa…

    Midda Abdi Ali Raage sidaad tidhiba wax walba waa ka macquul waayo waxa Soomaaliya jooga ayaaba sidaa u liita

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Baaruud

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented