Dawladda Maraykanka oo Askartii ugu Badnayd kala baxaysa Dalka Jarmalka

Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumada Trump ayaa Arbacadii shalay shaacisay in ciidamadooda ku sugan dalka Germany halkaasi laga rari doono.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in askar gaareysa 12.000 laga rari doono saldhigyadii ay ku lahaayeen wadanka Jarmalka.

Militariga Maraykanka ayaa saldhigoodii ugu weynaa ee ku yaalay Stuttgart (Germany) u wareejin doona dalka Belguim.

Go’aankan ayaa muujinaya heerka uu gaaray xidhiidhka Xukuumada Trump la leedahay xulafadooda Midowga Yurub gaar ahaan wadanka Germany.

In badan oo kamid ah Xildhibaanada Maraykanka ee labada xisbi ee dalkaasi ayaa go’aankan kasoo horjeeda iyagoo sheegaya in tilaabadan ay xoojin doonto dhaq dhaqaaqa militari ee uu Ruushka culeyska ku saarayo wadamada Yurub.

Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka ayaa marar badan dalalka kamid ah Isbaheysiga Nato gaar ahaan kuwa tujaarta ah sida Germany aysan bixin qeybtooda dhaqaalaha ku baxa NATO.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Koonfur Afrika iyo waxa dhacay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar  dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed ...