|

Dawladda Somalia Iyo Taliska Maraykanka oo ka hadlay Duqayn ka dhacday J/dhexe

Muqdisho  ( Kalshaale ) Dowlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa si kala gaar gaar ah uga hadlay duqeyn maanta ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayay ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday xarun uu ururka Alshabaab ku lahaa meel ku dhow degmada Jilib laguna diley mid kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab halka mid kalana lagu dhaawacay.

“Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Alshabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM ayaa qirey inay soo gaartay warar sheegaya in dad rayid ah ay duqeyntaa wax ku noqdeen, balse ay baaritaan ku sameyn doonaan.

“Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa taxadar dheeri ah ku bixinaya ilaalinta waxyeelo soo gaarta shacabka aan waxba galabsan, islamarkaana diyaar u ah in ay si buuxda u baaraan haddii waxyeelo shacab la soo wariyo.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya.

Ururka Alshabaab ayaa maanta sheegay in duqeynta laga geystey Jilib ay ku dhinteen saddex carruur ah,waxayna warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay soo bandhigeen sawirada meydadka saddex carruur ah iyo burburka guri.

Shalay ayay ahayd markii taliska AFRICOM uu soo saaray warbixin uu ku sheegay in bishii April ee sanadkan duqeyn ay ka geysteen degmada Jilib uu ku dhintey qof rayid ah halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30659

Posted by on Jul 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Dawladda Somalia Iyo Taliska Maraykanka oo ka hadlay Duqayn ka dhacday J/dhexe”

  1. https://www.facebook.com/HeeganShacab.se/videos/283051749651679/?d=null&vh=e

    @axmed hangashoow.

    Hadaad videogaan si caqli leh u daawato. Waad cafimaadi doontaa.

    Talada ninkaas halla qaato.

    Oday somaliyeed oo og dowladnimada dhibka laga soo maray.

    Aabihii dulqaadka iyo dabacsanaanta.

    Waa aabihii gacantiisa. Mr mooge ugu dhiibay.

    Waa aabihii umadda soo hor fadhiisan jiray. Qof walbana qancin jiray.

    Nimaad tariikh wanaagsan la rabto oon garan maxaa lagu sameyaa.

  2. ASC.
    Horta 2BA MIIRROW, qofka waxaa lala sheekaystaa Markuu kaamil yahay oo uu kala garakaro Wixii saxa iyo wixii qalada, WAR ninyahow waxaan mooday inaad dhaanto SEBIGA, ILLEEN waxbaba isma dhaantaan!!!. ≈©≈SEBIGI kulahaa; “Goormuu Xasan Sheekh Gabdha dhoofiyay? HADDE waa maray Warbaahinta Somali oo dhan Qoreen!.≈©≈2BA Miirrow Caawaad is kashiftay Markaad Gabdha Dhoofiye ii ammaantay Macnaha waa inaad noociisa tahay. ≈©≈WAR is daawee, Caafimaad ALLAHA SWT haku siiye. WBT

  3. BU’AALE
    JILIB IYO JAMAAME
    FAQASHEEY CAQLI LA

  4. Caaqil Garqaad waan kusalaamay bro, war ninyahow ninkaan daanyeerka ah ee Ahmed Somali, we isaga oo Daarood ah rabba in uu dadka ku qaldo Xawaadla ayaan ahay si cidda uu sidda dhagta ah u yahay ugu shaqeeyo waxba hawaydiin. Waa daanyeer xaaraan lasoo cunnay Afweeyne.

    Midda kale in uu daanyeer yahay, su’aasha aan weeydiidy daanyeerka si aan munaafaqnimadiisa u kashiffo ayaa waxeey aheeyd “ear daanyeeryahow maadigaa joogay meesha iyo waqtiga uu Xassan Shiiq gabdho Somaliyeed uu ka iibinayay Sacuudiga dhoofinayay?”. Maadaama uu daanyeer Farmaajo marka wax laga sheego uu dadka weeydiinaya “maadinkaa lajoogay? Calaamadaha munaafaqiinta ayuu leeyahay odaygaas Ahmed Somali, oo ah in uu waxa uu dadka weeydiinayo marks Farmaajo wax laga sheego, uu is weeydiiya marka uu Xassan Shiiq amaba qof kale wax ka sheegayo.

    Calaamada kale ee munaafaqnimada aya waxeey tahay qof dambi, danni, iyo dhaawac af iyo addin ah inta dadka u geeysto, hadanna kusoo dhameeya hadalkiisa wabilaahi towfiiq (wbt).

    Arrinka mowduucaan korre, kalshaale iyo guulwadayaaaha daanyeer Farmaajo ayaa waxeey is leeyahiin niyadda dadka fuulwadaaymsha nabar iyo naxdin ugu dhissa oo Mareeykanka ayaa la hadlay Somaliya. Waa daanyeernimo. Iska dhaaf, Mareeykankee, Kenya ayaanan waxba ka weeydinin Farmaajo iyo qaahinkiisa WADA eey ka sameeyneeyso Somaliya.
    Dalmida.
    God bless Somalia

  5. Cadaado salaan sare aqoonyahan.

    Axmed hangash. Saad u sheegtay waa munaafaq weliba kaaga darane waa garmaqaate macangag ah.

    Anu walaahi weligeey ma arag meel uu xasan sheekh ku leeyahay. Gabdho ayaan iibiyay.

    Mr farmaajo. Waa Ninkii dhiibay qalbi dhagax miyaad weli ka maqashay isagoo maalin ku edaayo.

    Anigu 3 sano ka hor ayaan sheegay. Odagaanu in uusan kheyre dan ka laheyn laakiin uu yahay guulwade farmaajo.

    Horaan u sheegay dal iyo dowlad midna in uusan rabin laakiin uu farmaajo oo kaliya donaayo.

    Odagaanu waa kii. 2 jeer.

    Halkaan ka sheegay qabiil ahaan in uu xawaadle yahay.
    Hadana isaga kaliya ayaan ka haynaa.
    Xawaadle waa wacal. Gabadhii doonbiro hiraab wexey dhashay wacal xawaadle ah.

    Ma waxaa jira nin reerkiisa wacal ku sheegi karo.

    Odagaanu waa ninka ku doodo. Somaali galbeed. Haloogu yeero ogaadaniya.

    Hadana waa ninka ku doodo.
    Xamar waa magaalo aan lakala laheyn weliba waa in lagu qaybiyo 4.5.

    Odagaanu. Waa ninka ku doodo.
    Woqooyi samaroon iyo dhulos wax halaga waydiiyo.

    Wuxuu halkaan in badan ka muujiyay.
    Aflagaado. Beesha isaaq iyo hawiye.

    Odagaanu.
    Hogaamiyaasha hawiye wuxuu u yaqanaa. Mooryaan. Isaaq wuxuu u yaqanaa reer weligii gumeeste ku hoos nolaa.

    Cadaadoow. Halkaan qofku wuxuu doono ayuu sheegan karaa. Ileen magaciisa iyo ciwaankiisa lama yaqaan.

    Qofka somaliga ah ee kalshaale ka doodo. Kaliye waxaa lagu qiimeyn karaa. In la tixraaco doodiisu halkeey ku wajahan tahay. Reerka uu weeraro gobalka uu u doodo. Dadka uu u doodo.

    Waan arki jiray hawiye badan oo iska nacasiin ah. Ama xitaa darood iyo reeraha kale. Laakiin lama arki jirin qof golaha lasoo istaagay reerkeygu waa wacal.

    Isagu wuxuu na sheegay in uu qalaafe ku dhashay. Wuxuu noo sheegay in ay dhashay hooyo marexaan ah.

    Bal u fiirso. @ Somali jecel.
    Wuxuu halkaan ka sheegay in uu marexaan yahay laakiin ay dhashay islaan cayr ah.

    Isagoo isku dayo in uu dhexdhexaad noqdo. Hadana qoraaladiisa waa laga dhadhansadaa dhiiga mareexaanimo. Iyo xishmada abtiyaashii.

    Anigu waxaan ahay igaar hawiye. Hooyo waa reer oodweyne aka isaaq.

    Marka abti iyo adeer isqabtaan madaxa ka leexsadaa. Laakiin Hadana labada waan difaaca marka loo baahdo. Laakiin Hadana qoraaladeyda ayaa laga dhadhansadaa.

    Ilaahay ayaa quluubta og. Laakiin waan kugu raacsanahay axmed hangash in uu reerkiisa ka been sheegay.

    Sow maadan arag. Mid marexaan sheegto.
    Oo maalin walbo halkaan lasoo taagan.
    4 magac ayaa lasoo qaatay. Hal qof ayaan magacyo badan kusoo galo. Steers ayaa la dhahaa.

    Cadaadoow caawa London ayaan joogaa. Igaar saaxibkeey reer ah oo reer xaaji salebaan ayaan u Marti qaadanahay. Ake reer xersi. Hadaan magaciisa kuu sheego. Waxaan ka baqaa in aad aqoonsato weliba igu dhahdo mooryaan ayaad tahay. Kkkkk

  6. Garqaad, brother.
    Wax walba oo aad kor kaga sheegtay odaygaan Daarood ee Xawaadle kubqaraabto walaahi kalmad been ah in eeysan ku jirrin.
    Anyways walaalaheey ayaa dagan London, asxaab badanna waan ku leeyahay. Ii baashaal, waan ogahay nin wax badan u soo joogay in aad tahay bro.
    Dalmidan
    God bless Somalia

  7. Garqaad,

    Horta abti soo dhawow, abti waa beer baa la yidhi,suaal baase ii daba taal, golahan waxan kuwada jirnay dhowr sano, markaan lix bilood ku jiray ayaa Cadaado si farshaxamaysan ii weydiiyey reerkayga, ma qarin inaan Ballidhiig ka soo jeedo hooyana Buuhoodle kasoo jeedo, dadka golaha ku jiran intooda badani waa sheegtaan nasabkooda dhinac walba, adigu maxaad intaas oo dhan u qarinaysay in aabtiyadaa reer sheekh Isixaaq yihiin.

    Ninka Axmed Somali isaga warkiisa inaga daaya, maaha oo keli inuu qabiilkiisa ka beensheego wuxuu xataa ka been sheegaa shaqooyinkiisii; mar wuxuu yidhi waxan ahaa ninka siddeedaad eee Somaliya ugu awwoodda badan, marna wuxuu ahaa oday ka soo hadhay SYL, marna Pilot diyaaradaha hawada mariya, shaly oo ugu dambaysayna wuxu yidhi waxan ahaa PRO waa mulxidiintii dadka diinta islaamka shakiga uga abuuri jiray ee Ruushku maalgelin jiray. Aniga mar keli ah shaki igama gelin ciduu yahay.

  8. Baaruud. Salaan sare mudane. Awoowe

    Sxb mar hore ayaan halkaan ka sheegay. Ee malaha waadan arag.

    Sidaas oo kale aniguba maanta ka hor ma arkin meel aad ku qortay reerkaaga.

    Dib u xasuuso.
    Intaan u aqaan reer sheekh isaaq.
    Sida.
    Laalays.
    S/lander.
    Aarka hargeysa.

    Waxaan Inta badan u isticmalaa. Awoowe.

    Waxaa kaloo jira in rag badan. Igu dhahaan garqaad waa reer gabiley ake sacad muuse isqarinaayo.

    Aniga hooyadeey iyo maxamed xaaji ibraahin cigaal laba guri oo iska soo hor jeedo ayey ku dhasheen.

    Guriga aan deganahay waxaa suran labada calan ee labada caasimadood ee xurta ah.

    Xisaabka ku darso xaniinyaha halkaa ayaan kala imid. Kkkkk

  9. Reer sheekh isxaaq ayaan ula jeedaa

  10. Garqaad,

    Adiga iyo rag aad ku jirto qoraaladoodu ima dhaafaan, runtii kuwaaga waan u soo hamuumaaba, markaa malaa waxa jira qaar aan ilduufay. Ninka la yidhaaho Aarka Hargeysa iyo Lafaruugaawi iyaga ka taxadir waa Axmed Somali shan daqiiqo dhiman.

Leave a Reply to Cadaado

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented