|

Baarlamaanka Puntland oo Dood ka keenay Heshiiskii DP-World ee Bosaso iyo Marxaladihii uu soo martay !

Garoowe ( Kalshaale ) Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka hor fasaxa ciidka ka dooday dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii dekadda Boosaaso lagu wareejiyey muddo 30 sano ah, haddaba waxaan si taariikheysan u eegeynaa marxaladihii ugu muhimsanaa ee heshiiskan soo maro.

06.04.2017, Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu saxiixey heshiiska wareejinta dekadda Bosaso, muddo 30 sano ah, waxaa Puntland ku bedalatey adduun dhan $336 milyan oo dollar lagu dhiso dekadda oo u qaybsan laba weji, kan kowaad waa $200 milyan, oo dekadda lagu dhisaayo halka wejiga labaad noqonaayo $136 milyan oo dollar.

Heshiiskan waxaa dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWORLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Heshiiska ay sidoo kale wuxuu dhigay in dhismaha dekada lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, waxayna  DPWORLD waxay saxiixa kadib bixisey lacag gaareysa $20 milyan oo dollar oo hormarin ah.

Heshiiska dekedda Boosaaso lagu wareejiyey wuxuu u baahnaa in Golaha wakiilada Puntland ansixiyaan.

19 Juun 2017, waxaa Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Gaas ku deeqay 3.5 Milyan dollar oo la kala siiyey dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe iyo dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo, laakiin Madaxweyne Gaas ma sheegin lacagtaasi in ay ahayd labaatankii milyan ee hormarinta ahayd ee dekadda Bosaso.

18 Luuliyo 2017, Xildhibaanada Golaha wakiilada oo la horkeenay heshiiska DPWOLD ayaa dhan kale u rogey oo Xukuumaddii oo dhan ridey, taas oo ahayd gor-gortanka $20milyan sida Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka uu sheegay xiligaas.

27 Luuliyo 2017, waxaa Xildhibaanadu cod aqlabiyad ah oo gaaraya 59 Xildhibaan ku ansixiyeen Heshiiskii ay dartiis xukuumadda u rideen ee DPWOLRD.

7 Agoosto 2017, Madaxweynaha Puntland waxa uu dib u soo celiyey Xukuumaddii la ridey isbedel yar kadib, baarlamaankuna waan anisxiyey isla xukuumaddii ay rideen.

30 Siteembar 2017, Madaxweynihii Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo waraysi siiyey SBC ayaa difaacay heshiiskii DPWOLD la galay waxaana uu yiri DPWOLD waa inoo “il-duufeen” ee aynua ka faa’ideysano heshiiska.

12 Maarso 2018, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa isku raacey in dalka laga saaro shirkadda DPWORLD ee Berbera iyo Bosaso,   15 Maarso 2018, Aqalka Sare ee jamhuuriyadda ayaa isku raacey in dalka laga saaro DPWORLD

27 Agoosto 2018, Waxaa fashilmey mooshin ka dhan ah heshiiska Dekadda Bosaso oo baarlamaanka Puntland la geeyey sanad kadib markii golaha wakiiladu ansixiyeen heshiiska P&Ports iyo DPWorld.

28 Diseembar 2018, Msuaharax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa buugiisa barnaamijka siyaasadeed ku qorey in ay dib u eegayaan heshiiskii lagu wareejiyey Dekadda Bosaso haddii uu xilka ku guuleysto.

04 Feberaayo 2019, waxaa la diley Agaasimihii Dekadda Bosaso ee shirkadda DPWORLD u magacaabtey Paol Farmosa, waxaana dilkiisa sheegtey Al-Shabaab.

06 Abril 2019, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan heshiiskii DPWORLD Puntland la gashey isaga oo ku sugan magaalada Bosaso, maadaama uu ka horeeyey, heshiisyada dowliga ah waan ixtiraameynaa ayuu yiri.

08 Abril 2019, Madaxweynaha Puntland waxa uu safarkiisi u horeeyey ku tegey dalka Imaaraadka Carabta.

15 Abril 2019, Madaxweynaha Puntladn waxa uu shir la yeeshey Saraakiisha u saraysa DPWORLD, waxaa lagu heshiiyey ilaalinta heshiiskii iyo in la dardargeliyo dhismaha dekadda Bosaso, sidoo kale waxa uu ehsiis la galay shirkadda FlyDubai in ay duulimaad ku tagto Bosaso.

15 Abril 2019, Khudbad Madaxweyne Deni ka jeediyey DUBAI ayuu ku sheegay “Waxaan isla garaney DPWORLD in muddo sanad ah gudaheed lagu xaliyo caqabadaha jira wax u qalma bulshada Puntland ayaa ka soo baxaya heshiiska Dekadda Bosaso”

16 Siteember 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siinaayey BBC ayaa sheegay in dhismaha dekadda Bosaso uu bilaabanayo ka hor inta aan sanadka 2019 uu dhamaan.

DPWORLD MA DHISI DOONTAA DEKADDA MAGAALADA BOSASO?

Heshiiska waxa uu dhigaayey in laba sano ay ku dhisto dekadda ma aysan fulin waxaana uu dhacay sanadkii 2019. Ballanqaadkii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kadib safarkiisi u horeeyey ee ahaa in dhismaha dekaddu bilaamayo ka hor dhamaadka sanadka 2019, ma hirgelin waxaana ka soo wareegey sanad kale.

Heshiiska rasmiga ah ee Puntland iyo DPworld baarlamaanka lama geyn waxaana la geeyey nuxurka heshiiska, heshiiska weli waxa uu ku kooban yahay Madaxtooyada.

Haddaba Golaha Wakiilada Puntland ee la ogaa qaabka ay u ansixiyeen heshiiskii Dekadda Bosaso iyo DPWORLD maxay isbeddel keeni karaan? waa su’aal jawaabteeda laga sugaayo Xildhibaanada hadda ka doodaya.

Isha – HM

Kalshaale.com kala soco Warar sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30655

Posted by on Jul 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

12 Comments for “Baarlamaanka Puntland oo Dood ka keenay Heshiiskii DP-World ee Bosaso iyo Marxaladihii uu soo martay !”

  1. ASC.
    ***WAA TAYDI***.
    Mahdi Maxamed Guuled, isagu waa Reer Waqooyi oo weliba Isaaq ah oo ma geeyo Kursiga Wasiirka Kowaad ee Somaliye ku soo dhaqsada magaci Halyeygi Hawiye oo bedeli lahaa Khayre oo Kursiga ku fariisa lahaa!!! KII Daarood Waxaa ku fadhiya Farmaaje.≈©≈WAA noo saas!!! YAA Caqli Daanyeer, Malaha Khadar iyo saaxibadi Reer Waqooyi, “Beel kastaba ha ahaadeene” Xamar uma imaan Somalinimo ee Waxay u yimaadeed in CADKA Balaqaa dariishadda looga soo tuuro!!!.≈©≈WAA kaase Farmaajow Car yeelo raganimo aad bannanka ku soo dhigto Waxaad isugu sheekaysaan ee ah INAY Reer Koofur kalia Geeyaan Xukunka Somalia, Khadarna uu ahaa boos celis. ≈©≈WAR 2BA Miirre sow saa ma aha?. WBT

  2. Axmed Somali

    waa sidaasi aad sheegtay.Inta loo helayo nin meeshaasi ku fadhiista oo ka mid ah dadka xaqa u le jagadaasi,Mahdiyoow ku sii shaqee kk Aqligaasi ayaa ka jira somaliya.

    Arinka sidaasi ayaan u arkay.

    Somaliya waa meel aqliga iyo cadaalada laga maarmay.Waa meel ay isku hayaan danaha Mooryaanta Hawiye iyo Daarood.Waxaa la socda dagaal hunguri oo u dhexeeya labadaasi Mooryaan.

    Hataan hadad u fiirsato waxa dhacaya,waad yaabaysaa.

    Hagaanka horboodaya danaha Hawiye iyo kuwa Daarood ee isku sidkani,waxay dan u arkaan in doorashada dhaqso loo galo oo Odyyaal Mooryaan ah la soo urursado,si kooxdan kale oo iyada qudheeda ay ku bahaysanyihii Somali Naytionalismku meesha looga saaro.

    Jaaale Formaajo hadiiba uu yeelan waayay raganimada odhanaysa”Mahdi Guuleed xaqbuu u leeyahay”,waa Daayyeer been noo sheegay oo aanay dhab ka ahayn waxa uu noo sheegay ee ahaa wadaninimo.

    Isku soo wada duub oo meeshaasi waxay noqotay meel uu habaar ku dhacay,oo tusaale u noqtay burburka iyo gaajada.

    Waxaa jira eray ku soo biiray afafka aduunka oo la yidhaa,Somaliyayn.

    Taasi oo looga jeeda,waa ku baabiin.
    Waa la somaliyeey – waa la qaribaykkkkk

    Maaha in la somaliyeeyo – maaha in wadankaasi la baabiiyo kk

    dagaalka hunguriga oo sii balaadhay.
    Dalmida

  3. Mahdi waa laaji magac u yaal ah, PM waa in uu leeyahay dad iyo dhul uu si sharciya u metelo.

  4. Anigu waxaan dhihi lahaa.
    Mahdi guleed. Meesha ha joogo.

    Annagu doorasho ayaan rabnaa.

    Mecno noo sameyn mayso. Raisulwasare reernimo lagu keenay..

    Waqtiga haray hallaga fekero doorasho.

    @ axmed hangash.

    Anigu kama soo horjeedo raisulwasare reer woqooyi ah hadii midnimo lagu helaayo.

    Laakiin horta meesha halla keeno. NIN taas ku dhici karo

  5. Illaa hada waxaa la raadinooyaa nin dhiman dhiman ah oo laga dhigo Raisul Wasaare

    Fadlan farmaajo hallagu caawiyo raisulwasare dhiman.

  6. Ahmed oday biiqay waa caqligaaga xarku galay isaaq waa kaa tashtay ee ku shaqayso shaqaalaha Liu shaqeeya

  7. ASC.
    Bandiiro adeer, meeqa sanaad jirta? Halkee degantahay? Dhirir kaagu waa meeqa? Xogtaa waxaan kuu warsana WAXAAN rabaa inaan kuu soo diro MID dàdaada SI AAD ammaantayda ugu waalato, HA dhuuman hadde ee yeelo Awoodda Afkaaga.≈©≈Barxadday la soco sheekada. WBT

  8. allaah wayn ,xaqiiqdu waa tuugo tuugo la heshiiyey shacabka pl,waxaan odhanlahaa laba tuugo dhexdood inaad ku dhimataan maaha damiir yeesha dp word, waxay bixisay iyo 10 jibaarkeedba way heshay ,kaca dekada qabsada waa hantidayadii tuugana ma xukunto istaaga,c/weli gaas tuug denina waa tuug dp word na waa tuugo waa wayn ,caalamul islam way baa bi’iyeen malaysiya waad aragtaan yemen libya iwm, damiir yeesha djibouti say yeeshay mid lamida ku dhiga tuugada ,hadii deni iswaalana kab iyo xaarkeeda waa laysku daraa tuura,

  9. Ahmed Somali
    Garqaad waa niin Daa’uud ah oo waagi Xamar lawada degenaa reerkiisa xoogsato ahaayeen oo carro Kaawo iyo Nuurad jabiya.
    Waxaa la isku dilay= Aniga daaradda seexan adigana fardaha daaji…Run
    Waa hadal Mudug ka yimid.
    Garqaad waa nin rabin dagaal sokeeye oo dambe… Waa nin geeri ka badbaaday oo 5 xabadood ku taal, asagana kollay dagaalan.
    Qalad maaha; Mar labaad ma dagaalanaa mise Somalia oo cadaalad ka jirto ayaa na deeqda.
    Doorasho xalaal ah oo xukun marooqsi iyo boob jirin.
    Sharciga lagu kala baxo iyo dastuur.✌️🇸🇴

  10. Garqaad
    kkkkkkk
    Waa ku qoslay Ahmed Hangash..kkkkkk
    Adiga iyo Ahmed Somali isku dhunsantihiin.
    Adiga ma diidanid in Somali is dhex yaacdo oo hadda ka hor waxaad noosheegtay in aabahaa qabiil walba ka guursaday, waalahaa meelwalba joogaan.
    Ahmed Somali wuxuu ku leeyahay Hawiye meel naga fariista inta Isaaq iyo Darood isdhexgal ka ogolaanayaan mar kale..kkkkkkk
    LOP ma rabo in Puntland mardambe Xamar looga soo shaqo tago, waayo in Xamar dhaafto rabaa Bossaso iyo Hargeysaba…..run
    Waa in hartaa Xamar unukaa leh 30 sano soo socota.
    🤩

  11. Lop.

    Land of Punt says:
    July 29, 2020 at 11:58 pm
    Ahmed Somali
    Garqaad waa niin Daa’uud ah oo waagi Xamar lawada degenaa reerkiisa xoogsato ahaayeen oo carro Kaawo iyo Nuurad jabiya.
    Waxaa la isku dilay= Aniga daaradda seexan adigana fardaha daaji…Run.

    Kkkkkkkkkkk.

    Walaahi waad ii dhameysay.

    Intaas kelmed xaraan ah kuma jirto.

    Waa run DAA.UUDKU waa garab rarato.

    horay waan kuugu sheegay. Aabeheey. 42 caruur ayuu dhalay 8 haween ah ayuu ka dhalay.

    Bari. woqooyi xamar bartaha Somali galbeed.
    Meel aan walaalaheey joogin walaahi ma jirto ilaa jabuuti.

    Aabeheey waa Ninkii igu dhahay hadaad Somali dhexdeeda xabad ka rido Aniga iima tirsanid saa qolo walbo waan ahay.

    Aabeheey. Waa Ninkii hadda ka hor lagu dhahay. Garqaad oo dhawac ah ayaa halkaas yaal. Ee dhahay inta uu nool yahay. Aniga iima tirsano haduu dhintana karfantisii mar horaan iibiyay.

    Marka kaftanka laga tago. Aniga ma jiro qof qandigeyga wax iigu shubaayo.

    Laakiin waxaan rabaa. Dal uusan ka talin nin dhoho dadka Anigaa ugu fiican. Dalku la.aantey ma socon karo kursiganaan jeclaaday.

    Axmed Somali. Xasan sheekh. Siduu u aflagadeeyo waad aragtay.

    Annagana wuxuu rabaa in uu farmaajo tunka noo saarto. Ee weliba hadaan wax ka sheegno nagu dhoho qabyaladiiste ayaad tahay.

    Ma jiro nin nin ka fiican.

    Doorasho waqtigeeda ku dhacdo ayaan noo balan ah

    Mahdi guleed. Ama beyle midkii la doono raisulwasare haloo dhiibo waxba igama gelin.

  12. ASC.
    LAND OF PUNT, saaxiib Aniguba waan ka helay oo waan ku ku qoslay Ahmed Hangash.≈©≈TAA saa hanoo ahaate Saaxibow anigu nin wax qariya ma ihi, Been ma aqaan
    Almeno Uma Bareero, Markaan yaraa waxaa laydhihi jiray Ahmed Weli, Roob doonka dhegtaa intoo Mayrax layga xiro ayyaa Qorraxda lay fariisi jiray, kaftanku waa ii caado oo 4jir ilaa 10ban jir geellay baan ahaa, 10ilaa 13jir eedo/aayyaa igu haysay Buulo Burti,14jir ilaa 22jir kolleejaan ku jiray, 22jir ila27jir Sargaal Duuliya baan noqday, (Inti fiicnayd baan sheege inti xumayd waan qariyay) Xawaadle iyo Mareexaan baa iska kay dhalay, Shiikhaal iyo Ogaadeen waa Awooweyaashay, Adeer haddaan sii wado Mareexaan Guuri baa iman; Dhalxa, Reer Xasan iyo Diini, ilmahaygina waxay keeneen Harti noocya badan, Bal aan kistoo Hakanno. ≈©≈LOP saaxiib, gartay inuu 2BA Miirre Dàuud yahay BALSE muxuu Berbera ka doonay? oo muxuu Buqda Aqable iyo Dhul Gugundhe ka doonay? adeer taa sheekaa iigu laaban Midda kale 2ba Miirre iyo Somalinimo kala dheer Waa Wiil Qabiil kama korikaro. ≈©≈LOP Saaxiib, adiga iyo saaxiiba kalaba WAAD qaldantihiin MA JIRTO Magaalo aan Xamar ahayn oo Caasimad noqokarta ANIGAA raadinteeda Billaabay 1997di WAXAA ugu dhawaa waagaas Jula Jawaay iyo Xaafuun ayyaguna sidii hore ma aha oo tegnikadi baa ka daba timid. WBT

Leave a Reply to Barwaaqo

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented