Dawladda Turkiga oo Wacad ku Martay inay Jawaab kulul Siin doonto Midowga Yurub !

Ankara  ( Kalshaale ) Dawladda Turkiga ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus.

“Haddii Midowga Yurub ay go’aano dheeraad ah ka qaataan Turkey, waa inaan ka jawaabnaa,” ayuu yir Cavusoglu oo shir jaraa’ida Ankara kula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell.

Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus,

Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”.

Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baaritaan arrintan ku saabsan.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan NATO ayaa ku xumaaday dagaalka Libya, halkaasi oo Turkey ay taageerto dowladda caalamka uu aqoonsan yahay, ayada oo Faransiiskana ku eedeysa inay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Faransiiska way beeniyeen inay taageeraan Haftar.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Koonfur Afrika iyo waxa dhacay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar  dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed ...