Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka (Warbixin)
Muqdisho ( Kalshaale ) Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka JFS Mohamed Mursal sheikh Cabdirahmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga soomaaliya danjire Hassan bin Hamza Asad
Safiirka ayaa ugu horreyn Gudoomiyaha soo gaarsiiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xurriyada soomaaliya ee uu soo diray gudoomiyaha barlamaanka Dalka Qatar ,
Sidoo kale waxay ka wada hadleen labada dhinac mashaariicyada dawladda Qatar ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya dhinacyadda dhismooyinka iyo hormarinta sidii loo xoojin lahaa,
Arimaha kale ay ka wada hadleen labada mas’uul ayaa ah howlaha doorashooyinka soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay barlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca soomaaliya 2020-2021.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29559
Maalgashade ama Villa Xamar Shareholder Qatar Qatal.
Labo dan ayuu leeyahey inuu kodhin rabo Contract hore, iyo inuu IIBSAN RABO SHARE CUSUB.
* Turkey Tolkeena waaye inta kale Qarax iyo Gumeyste waaye.
“HOOYADII KA GUURE AAYADII UMA NAGAADO” QATAR OO FIDNO KU ROGTAY KHALIIJKA MUQDISHO IYO SOMALIA AYAY XAL U WADAA DADBAA LASOO SHIR TAGAY.SHEEKOOY KU NACAY.