|

Sheikh Shariif iyo Xasan sheikh oo Muqdisho kula kulmay Hogaanka Dhaqanka Mudulood

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaanka dhaqanka beesha Mudulood, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, iyada oo ay dhanka dhaqanka goob-joog ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Intiisa badan waxaa kulanka diirada lagu saaray sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudulood oo uu qorshihiisu yahay in la qabto 13 bishan July ee 2020-ka.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa hoggaanka dhaqanka kala hadlay sidii uu shirweynahaasi uu noqon lahaa mid mira dhal ah oo ay ka soo baxaan natiijo wax-tar u leh aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo hadal qaaday xaalada guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Imaam Maxamed Yuusuf oo madasha ka hadlay ayaa xusay inay ku howlan yihiin qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka, wuxuuna u mahadceliyey Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo qeyb ka qaadanaya qabsoomida shirkaas oo uu horey dib u dhac ugu yimid.

Si kastaba ha’ahaatee shirweynaha Mudulood ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan Golaha Shacabka Somalia uu meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo ay muddo tabasho muujineysa beesha, kaas oo 13 kursi ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29550

Posted by on Jul 7 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Sheikh Shariif iyo Xasan sheikh oo Muqdisho kula kulmay Hogaanka Dhaqanka Mudulood”

  1. Waajib ayaa idinka saaran inaad ilaalisaan Xasiloonida Maamulka Banaadir state.

    Illaa laga helahayo Dal iyo Qaran buuxo waa waajib dheeraad ah oo idin saaran, Doorasho 4 sanadle ah, Kharash 4 Sanadle ah iyo Gogol ABADAN AH.

    – Tartan iyo Tanaasul waaye Tubtay jeexday USC

  2. Somali galbeed

    SHARIIFKA MEEL FIICAN BAAD KA HAYSAA, KA RIDO FARMAAJO MADAXWEYNENIMADA SIDAAD UGA RIDATAY INA YUUSUF YEY ISAGOON DHAMAYSAN MUDO XILEEDKIISII..

  3. Maxaa laga ritaa Farmaajo wax badan umaba harine, laakiin war wuxuu jiraa markuu damacii iyo kursi jacaylkii reerka lagu yiqiin iyo mudo kororsi aan meelna kaga oolin shuruucda lagu maamulo wadanka uu inta baal maro indha adeeg meel lasoo istaago markaas ayaa alaylahay wadadii cadayd la marsiin inta ka horaysana waxaa inoo balan ah Feb 08, 2021.

  4. Horta shiikh shariif iyo xasan shiikh maadaama ay isku xisbi noqdeen kee musharax ah labadooda mise waa la is Ku aalamiinteeynaa ciyaaru waa gelin danbe labadooda xasan shiikh aa laacibsan

  5. Sheikh shariff iyo xasan gurguurte oo la kulmay eedo batuulo iyo ay kutubey kalana hadlay arimaha doorashada,matalaada muqdisho,qoondada haweenka ee baarlamaanka iyo asteynta kuraasta baarlamaanka iyo qabsoomida shirka beesha mudulood iskuma afgartay dhamaan waxyaabihii ay ka hadleen,beesha caalamkana i sheega inay goofka leeyihiin,unnukaa goofka leh wareer iyo ilameereyso iga dheh,shaqo la,aan iyo baagamuudo iga dheh,tabardari iyo baalaxoofteyn iga dheh,Kursi jaceyl iyo aqoondaro iga dheh,mar in madaxweyne I dhaha iga dheh.

  6. War kuwan Aaran jaan bay shaqaale u yihiine dan iyaka u gooniya ma aha waxa waalaya…

    Waligay ma arag reer reer ku duullaan taga. Xidtaa is waydiin mayaa maxaa idiinku jira dagaalka Aaran jaan idin galinayaan.

    Xasuusta Farriintii bahdilka ahayd ee uu Faroole hawada u marinayay oo ayna ka jawaabin. Ma waxaas oo kale ayuu qof damiir lihi ka aammusi lahaa…

  7. Qabiil shiriye qaran ma hogaamin karo.. Arrintaas ayaa run ah. Tani waxay cadaynaysaa In siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayna wax aan qabiil ahayn wax ku noqon karin.. Kuwaan reer hebel shirinayaa waa kuwa liita

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented