Wararkii ugu dambeeyay CIidamo ka tirsan AMISOM iyo Qarax loo dhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino ciidamadaasi lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah oo ay wateen ciidamadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah.

Dhinaca kale Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa shaaciyey inay ku dishay ugu yaraan illaa afar askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan Qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaadhay.

Inta badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weeraro dhab-gal ah kala kulma Alshabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfuta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley dalka Koonfur Afrika iyo waxa dhacay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Warar  dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed ...