|

MUUQAAL: Siciid DENI oo Weerar ku Qaaday Gudoomiye Mursal (Daawo)

Garoowe ( Kalshaale ) Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in guddoomiye Mursal yiraahdo wax shaqo ah kuma laha golaha Aqalka sare kamana hadli karaan sharciga doorashada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa la yaab leh in guddoonka baarlamaanka federaalka uu si cad u yiraahdo shaqada ku saabsan arrimaha doorashooyinka aqalka sare waxba kuma leh, anaga ixsaan u sameyn jirnay u yeeri jirnay, waa hadal duuban oo jiro, waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkey ah, fahamka noocaasi ah in maskaxdiisa ku jirto iyo in dad kale leeyahay garan maayo” .

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Somalia inuu yahay labo aqal oo is kor joogteynaayo, kuwaasoo xeerarka marka la ansixiyo aqalka hoose uu u gudbiyo aqalka sare, isagoo carabka ku dhuftay in dhaqankaasi inay ka arkeen madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday tallaabadii uu guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ugu soo dhex muuqan waayay munaasabadihii lagu xusayay maalmaha xorriyada, isagoo sheegay in lagu casuumi waayay Cabdi Xaashi, tallaabadaasi oo uu sheegay inay abuureyso  arrin aan wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed ku abuuri karto kalsooni daro.

Wuxuu ugu baaqay in tallaabooyinka la qaadayo ay mas’uuliyiinta ka fiirsadaan hadii khalad uu ka dhex dhacana ay ka towbad keenaan oo kasoo laabtaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29539

Posted by on Jul 7 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

15 Comments for “MUUQAAL: Siciid DENI oo Weerar ku Qaaday Gudoomiye Mursal (Daawo)”

  1. Musuq maasuqa ugu weyn ee burburiyo Good Governance waa Markey isku qaanad ku aruuraan 3 tiir ee Qaranka.

    1. Sharci ilaaliyaha
    2. Sharci dejitaha
    3. Sharci fuliyaha.

    Waliba ay wadagalaa qaanaddii Sharci fuliyaha (Executive).

    Caalamka masuul kasto ninbaa u ah Moderate politics leader. Siduu ahaa ayaad meelkasto ku cabiri.

    – Kim Jong Un- wuxuu jacelyahay in loo heeso, sawiradiisa meelaha la suro, Parliament iyo maxkamadu shaqeyn, qofkii la dheer kkk ama ka aqli badan xiro, qofkii jidka fiican toosiyo cadow u heysto.

    Dalka dhan wuxuu ku heystaa oo u qabtaa heeso iyo imadadaali.

    Western calls Dictatorship

  2. Sharci dejiyaha

  3. War midkaan inay xiraan baa fiican ma xishoonayo,rajana kamo qabo hogaanka umadda. (Daniel) waa magaca owoowgiis oo sinsibaar laga keenay mahadli yaqaan maalin kasta waxuu Rabaa inuu dowlad laysku keenayo fashiliyo,(Gebres) tage maalmahoodii.

  4. ASC.
    ALLAAH, Caqli badanaa!!! BAL Islaamey gardarradaa Macallim DENI arka!!! Maxaa uga dana xiriirka iyo Kala aragti duwanaan LABA hayàdood MISE Guddoomiye Mursalbuu ciil u qabaa?, BARXADDAAY yaa wax OG?. WBT

  5. Ree Pudhlayn waayadan isku dirkii ay qarsan jireen waa ku xarragoonayaan…

    Faroole ayaa isna shalay lahaa- Aaway kuwii madasha la baxay, iska soo cayriya Farmaajo oo Garoowe kaaya isugu keena….

    Xaniinyo amaahashay taagantahay…

  6. Sawtii ay ku hanjabayeen inay go’ayaan.
    Reer Garoowe ayaan ku sameeyay daraasad.
    Waxaa ii soo baxay inay yaqaanaan xarfad somalida lagu qaldo.

    1 – in markasta lagu jiro buuq siyaasadeed si aan loo arag sadbursiga ay haystaan.Si dadku maalin kasta ugu jiraan ama ugu mashquulaan qaylada cusub ee Reer Garoowe.

    2 – in waxyaaba ay saxeexanayaan si hoose u dhamaystaan oo aan saxaafada lagu arag.

    3 – iyo in Weerar la ahaado si loo difaaco sadbursiga iyaga ku maqan.Xumaanta in la siii xoojiyo si aan loo gaadhin go’aamo rasmi ah,taasi oo keenaysa in marksata la sii siiyo wax siyaado.

    Tuusaale,waxaa isleeg kuraas aqalka sare ee Majeerteen iyo Kuraasta aqalka sare ee Hawiye oo dhan.Waxaa suurtto galiyay Xasan sheekh oo ahaa madaxwaynaha saxeexayay g’oaamada ugu dameeya ee qaybsiga kuraasta aqalka sare.

    Kol qabiil,kol maamul goboleed,kolna 18-kii gobolkii ay somaliya ahaan jirtay.
    3 -daasi ayay isku dhexwadaan.garoowe 1 ,2,3 iyo saxeexa madaxwaynaha meel u yaala.

    Deedna qaylo kale.

    Laakiin haatan waxay ku jiraan difaaca wixii hore,waxay laayi’iin fursadihii cusbaa ee laga heli jiray Madaxdii Mutulood.

    waxay ku mashquulsanyihiin sidii Vila somaliya loo keeni lahaa nin Mutulood ah oo u bislaaday sida wax looga saxeexdo.

    Dagaalku meel xun ayuu marayaa.

    Dalmida

  7. Buuqlaan Waxay caankutahay tuugo iyo sedbursi haday waayaan. In Wadanka ku soo hogaamiyaan cadowkasta

  8. Ha biqleeyaan agoontii Kacaanka oo ku riyoonaya jeega wareega.
    Aniga yaan Baraxley la isoo dhaafin haddii naf la rabo.
    Daanyeer rabto been iyo wadaninimo been ah oo dal dhan ku dumiyeen in weli ku qaraabanayaan.
    Mar mar ayaan Alshabaab u garaabaa märka daanyeerta noocaan ah arko.
    Fucking agoontii Kacaanka hadda naf kusoo noqotay.
    Walle ninka gobolkiisa dadka dega nolol iyo nidaam u samayn karin in cidla gaajo ugu dhiman.
    Somalia aduun daanyeer Xamar jooga wax u yeeriya ayaa la joogaa…no😎

  9. Haddaad doontaan Farmaajo iyo N&N soo ceshada if I care!!
    Who cares cidda Xamar xukunta, goormaan ka ilbaxnay.
    Iga rumaysta horumarka Somaliland iyo Puntland iyo Jubbaland way ku xoogeysan haddii Xamar qasan tahay.
    Iswaydiiya: Xagee Puntland iyo federal ka yimid? Waxaa keenay qaska Xamar ka socday ilaa 30 sano, hadduu sii socdana waa sii xoogeysan Dhulka Uduga, Fooxa, Beeyada iyo Boqortooyada Bari.
    Allow dadkaaga aqli sii daanyeerta ah.
    Kkkkkkkkk😁
    Cidda Doorasha la,aan iyo nidaam la’aan noolaan karta aan aragno haddii marka kale Xamar civilwar ka bilaabmo..Xuduudka Baraxley ciidan dhigin..
    Daanyeer; iska biqleeya marka nafta idin kusoo noqoto.
    Yaan Doorasho la qaban Xamar bal cidda dhibto.
    🤔

  10. Qofka somaliyeed waxa fiican in ruta laga hadlo hadaad aaminsantahay in reerkiinu horumarayo hadii xamar dhibka jiro waxan idinkula talinayaa isku duubni iyo allah in laga cabsado waa hadii aad muslimtihiin

  11. Farmaajo muxuu Puntland ku kordhigay 4 sano joogay xitaa 100$ maku caawiyey..No
    Puntland #waxay rabatt in Somalia dowlad hesho. Naf iyo maal ku bixiyeen.. .Daanyeer waxaa timid aan fahmin in dalka kala go’ayo, oo cuqdad centralstation, federal diid iyo Majeerteen nacayb miiska la yimid.
    Wuxuu ilaaway wadankii in ka jiraan dowlado isku filan oo hubsysayn sida Somaliland, Jubbaland iyo Puntland, Xamar idku ooda doesn’t work….
    Allow dadkaaga aqli sii, weliba daanyeerta Xamar jooga oo Farmaajo ugu horeeyo.😉

  12. Adam
    You are fucking Monkey= Daanyeer
    Labada comments qortay midna waa kibraysaa mina waa baryootamaysaa.
    Fucking idiot goormaad fiyowdahay?
    Markale aqri waxa qortay…kkkkk
    I like qabiiliste idiots marka majaha ka xiro hadaljooda.😉

  13. Wallee agoontii gebre cabaad ,calaacal iyo oohin baa ka soo haray markii saliida Loo qiyaasay yaase isgaaray?hada oo kale federal ku waalataa adeer no more sadbursi kursi ku Le,eg baa lagu fariisiyey,kabo ku Le,egna waa lagu jaray,adeer cabaad ama cirka soo dumi,no more digdig mingiska waa laydinka cuudin sidii Bari hore laydinkaga cuudiyay.adeer gacantaadan gayn karin waa la dhunkadaa.dameer aan saaranahay dhuusadiisa maxaa iiga gidhiisha. Faroolaa quustay

  14. Deni iyo Madoobe oo shirka DH.Mareeb inay tagaan xuja ugaga dhigay in Haramcad magaalada laga saaro… FULAYNIMO.COM

    LOP
    Dalku inuu dagaal sokeeye ku noqdo yaa qasaara ku qaba ma ninka ladan mise ka aan waxba haysan?… Nin caqli badan baan ku moodi jiray…

    Lopoow ha ku riyoon in beelana ku kashbacaan hantidii qaranka oo dadka ka dhaxaysay kuwa kalena sagxadda jiifaan…

    Federal iyo niicdaa haya, wallanay taa dhacayn layskana yeelayne talo isugu noqda… Ama sagxaddaa la wada seexan ama waa la wada yeelan… Bakh bakh…

  15. Kalsame
    Puntland waxaa ka taajirsan qayraad ahaan Jubbaland oo mareexaan dego labo gobol.
    Intaad dhisanwayday oo Saxarahaygii quxiyey in igu qabsato waxay la mid tahay Hawiye Xamar “maha unukaa leh” yiri oo 30 sano kadib Amisom iyo Alshabaab fiidkii seexiyaan oo Farmaajo deeqdii caalamka Xamar ay kufsadeen u qurxiya.
    Mareexaan Somalia meeshay ku fureen waan aragnay dhulkoodii sida yahay waan u jeednaa, Puntland raggu lahaa baa quruxsaday oo nolol ka samaystay.
    Calibeesteen.com
    Car Baraxley isoo dhaafa…kkkkk😁

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented