|

Waraysi Xiiso leh : Safiirka Somalia ee QM Abuukar Baalle “Somalia Hada waxba looma yeedhiyo” (Daawo)

Minneapolis ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badan oo uu bixiyey Danjiraha Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Danjire Abuukar Daahir Cismaan [Baalle].

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abuukar Baalle ayaa wuxuu siwayn uga hadlayaa ugu horayn Shaqada Ergadda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay iyo Marxaladihii kala duwanaa ee lasoo maray.

Dhinaca kale Abuukar ayaa wuxuu ka hadlay Xilkii Madaxwayne ku xigeenka ee Isagoo dalkiisa Soomaaliay metalaya loo doortay muddo 33-Sanno kadib ah.

Horumarka kala duwan ee Soomaaliya ku tallaabsanayso ayuu ka hadlay, Wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay hada soo Noqotay oo siwayn loo Qadariyo, “Soomaaliya hada Waxba looma yeedhiyo, ee arimaha ku saabsan dalkeena ayaa wax nalaga waydiiyaa” Ayuu yidhi Baalle.

Barnaamijka Tiigsiga fog ee HM ayaa Wariye Saleebaan Xaashi ku Waraystay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29532

Posted by on Jul 7 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Waraysi Xiiso leh : Safiirka Somalia ee QM Abuukar Baalle “Somalia Hada waxba looma yeedhiyo” (Daawo)”

  1. 3-dii sano ee u dambaysay Somaliya hore ayay u dhaqaaday.Iftiin ayaa u shidmaya somalidii.

    Balaayo waxay dhacday marka uu hogaanka qabto nin aan ehel u ahayn hogaaminta qaranimo.Lacagta le iska urursaday.Hadana waa i kan.Futo xaar baratay ayay nagu noqdeen.

    Dalmida

  2. Abuukar baalle waa farmaajo gacantiisa midig ilaa r.wasaare farmaajo 2011 abuukar waa dhashii shiikh Cali jimcaale reer hiiraan wadani dhab ah

  3. Koomboodhin macnuhu waa koombooyin aun shiikh Cali jimcaale

  4. N&N waa raggii ka saari lahaa Soomaaliya tiiha, maxayse kuugu taal, shaqaalihii Emaraatka iyo Uhuuru ayaa u diiday in ay hal tallaabo qaadaan…

    Cadawga Shabaab ka daran ee guduhu waa shaqaalaha UAE iyo Uhuuru oo ay tahay in dalka laga ilaaliyo haba yaraatee inay xukun ka qabtaan ama madaxda ugu sarraysa ka noqdaan…

  5. ASC.
    Aniga aragtidayda Cadawga Shabaab ka daran ee gudaha WAA Sheekh Shariif Sheekh iyo Xasan Sheekh OO WELIBA ayyaamahaan Dabshidow wadnahay farta ku hayyaan oo waxay maqleen inay Cali Khaliif iyo Cali M/muud “Cali Gurey” soo dhawyihiin. WBT

  6. Ahmed Somali

    ” Y ” kuma jirto Xarfaha Labanlaabmo ee Aabbihii AfSoomaaliga Dr Kadare.

    Xarfahaas waa ONLY todobo Xaraf.

    M , N , L , G , R , D , B

    Ummad
    Sannad
    Ballan
    Xagga
    Carrab
    Waddan
    Ballan

    Xarfaha kale ee aan ku jirin TODDOBADAAS XARAF,
    Sida uu dhigayo naxwaha afka Soomaaliga
    marna ma labanlaabmi karaan.

    F.G xitaa 7 xaraf waxey leeyahiin shuruudo ay ku labolaabmaan. NOT MARKASTO

    – waa inuu u dhaxeeyo labo shaqal
    – waa inuusan ugu dambeyn qoraalka.

    – Y – adaa yaqaan Meeshaad kala timid.

    AFSOOMAALI = Farta ku hayaan

    Quti = Farta ku HAYYAAN

  7. Sorry = b ayaan ka tagey (QUTI = AYYAAN)

    Aabbe

  8. ASC.
    Dabshid adeer, horta Barxadda waxaa ka booda Akhyaar ugu yaraan 5ah oo afSomali fiican ku hadla ooy ka mid yihiin; Suldaan Cali, Mr BaHaL, C/Raxmaan iyo xitaa Dameerka Xaange. ≈©≈Dàdayda waad garataan Malayne WAXAAN ka mid ahaa Saraakiishi Ciidanka oo ugu horrey cid Imtixaan looga qaado Far-Somali Waxaana keenay 97% Sababta oo ah Horaan u Aqiin oo waxaa i baray AUN fannaanki weyna (ALLA WEYNE) M/med Mooge Liibaan. ≈©≈Adeer, wax SANNAD la yiraah ma jiraan ee waa SANAD
    ≈©≈Adeer, horta wax badan ood qortay Ma garan sida;
    AFSOOMAALI = Farta ku hayaan
    Quti = Farta ku HAYYAAN
    ***Hadde adeer ku tartami-mayno anaa fiican iyo anaa fiicane WAA uun Aqoon isweydaarsiye QUTI waa maxay?. ≈©≈Adeer Anigu 4jir ilaa 10jir waxaan ahaa Geel jire reer Ogaadenya, 10jir ilaa 13sano jir reer Bulo Burti INTI ka dambaysana REER XAMAR CADDE. ≈©≈Mid aanan halmaami karin ayyaa ahayd, Annagoo yaryar oo ciyaarayna ayyaan aragnay xayn shimbira Markaasa wiil yiri; “Aboow CANTALAAY badana!!!?” Markaasaan Hoosta iska iri; “WAA NOO TAHAY!!! Ma haddaad Gudurigina Cantalaay ugu Yeerteen!!!? ANOO isleh; “War Malaha degaankaad ka timid kaliyaa Guduri looga yaqaane Ninka waxaa la yiraah Cantalaay Ayyaan mar dambe dhagaystay gabay uu tiriyay AUNTE Sayyid M/med Cabdulle Xasan ooy ku jirtay; “…Uu gudurigi cunay waa waxay galabsanaayeene” Markaasan uurka ka iri; “War nagala taga Cantalaaygiinna iyo Afka xaafadda!!! ninku waa Guduriye.≈©≈INTAA waqti lumis iga dhex. WBT

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented