|

Dawladda Shiinaha oo Maamulka Taiwan ku eedeeysay inay ku Geftay Qaranimada Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeeddo Xidhiidhka maamullada Taiwan iyo Somaliland, oo ka kala tirsan Shiinaha iyo Soomaaliya, balse doonaya inay gaar uga baxaan, Iyagoo 1-dii bishan July isku raacay inay is-dhaafsadaan wakiillo.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Beijing, ayaa sheegay in Shiinaha ay si xooggan uga soo horjeedaan sameynta hey’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland.

Zhao ayaa sidoo kale farriin ammaan ah usoo jeediyey tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ay ku diiday ficillada Somaliland iyo Taiwan.

“Waxaan ogaanay oo aan ku qanacsanahay in dowladda Soomaaliya ay dib u xaqiijisay u hoggaansamida mabda’ Midnimada Shiinaha ayna ku dhalleeceysay Taiwan inay carqaladeyneyso madax-bannaanida, sharafta, iyo qaranimada Soomaaliya. Adduunka waxaa jira hal China, Taiwan-na waa qeyb aan laga doodi karin oo ka mid ah Shiinaha. Mabda’ hal China waa mid si caalami ay aqooonsan yihiin xiriirada iyo is afgarashada caalamiga ah,” ayuu yidhi Zhao Lijian.

“Shiinuhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa samaynta hay’ado rasmi ah ama nooc kasta oo is-weydaarsi rasmi ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland. Xisbiga Dimuqraadiga wuxuu si xamaasad leh u raadinayay taageero kasta oo uu heli karo, laakiin waligiis kuma guuleysan doono isku dayga in howlaha gooni-goosadka ah lagu soo bandhigo masraxa caalamiga ah ” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay aqoonsan tahay isla markaana qadarineyso madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha, ayada oo Taiwan ay tahay qeyb ka mid ah Shiinaha.

Shiinaha ayaa wuxuu kamid yahay dalalka ugu saamaynta badan Caalamka ee Leh Codka diidmada Qaxayan ee (Veto), Taasi oo Caqabad horleh xitaa ku Noqon karta Somaliland, hadiiba Qorshe looga hadlayo arinteeda la horgeeyo dalalka Caalamka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29529

Posted by on Jul 7 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Dawladda Shiinaha oo Maamulka Taiwan ku eedeeysay inay ku Geftay Qaranimada Soomaaliya”

  1. Qoor qoor ii geeya axmed madoobe oo yiri mareexaan iyo cayr dhuusamareeb uguma tagi karo waa shirqool cagdheer fulaysanaa welcome shiikh axmed no more dooxada jubba

  2. FAQASH SOMALO
    HORTO MA XOR BAA?!.
    @ QARANKA DHIDIBADAA.COM

  3. Somali galbeed

    70KII SANO EE UGU DAMBEEYAY TAIWAN OO AHAAN MAR JIRTAY DAWLADA RASMIGA EE CHINA EE LA AQOONSAN YAHAY WAXAY RAADINAYSAY ICTIRAAF DAWLI AH MANA HELIN, MAXAY ISKU BIIRIN KARAAN IYAGA IYO SOMALILAYN AAN KA AHAYN “AF-QADH-MUUN” SIYAASADEED???..

  4. KKKKJKJIKJIKJI

    SOMALI AXMAAR
    ADIGU MARKAAD XABASHIDA QEEDHINKA HUURSATA ISKA XOREEYSO HADAL!

    HADDA WAXA IS HAYSTAA WAA :

    JAMHUURIYADA SOMALILAND REPUBLIC
    IYO
    JAMHUURIYADA DADKA EE CHINA

    KKKKJKJIKJIKJIJI
    EVER NEVER SOMALILAND GONE ON THE MOON ✨🎆🎆✨🎈🎉

    ARRINTA ADDUUNYADU WAY DHAAFTAY
    RUUSH
    BAA
    MARAYKAN
    IS
    HAYSTAAN
    IYO
    SHIINAA
    MARAYKAN
    IS
    HAYSTAAN

    HADDA CAALAMKA WAXA KU SOO BIIRAY :
    NEW SUPER POWER
    OO
    SOMALILAND REPUBLIC AH

    SANADKAN HA LOO KALA BAXO
    SOMALILAND REPUBLIC
    IYO
    CHINA
    OO
    ISKU
    HANJABAYA

    KII
    ITAAL ROON
    COME UP SOMALILAND REPUBLIC
    MA HADDAY INDHA YARNA WAX INAGA SHEEGEEN ILLAYN MALAA FAQASH SOMALO OO CID WALIBA FOORFOORISO AYAY INNA MOODEENE INAGOON XUDUUDA BA LA LAHAYN SHIINE BAKHTIYAY.

    WAAR MALAA SOMALILAND REPUBLIC
    DALKA PHILIPPINES AYAY MOODEENE MABA YAQAANAANE WAY SOO AMBADEEN.

    # HADII AANAN DHULKAYGOOW SOMALILAND.COM
    @

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented