|

DAAWO: Madaxwaynaha Kenya oo ku dhowaaqay Go’aankii laga wada Sugayey

Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhowaaqay in la qaaday xayiraaddii dhanka safarka ee saarneyd qaar ka mid ah magaalooyinka Waawayn ee dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in la qaadayo laga bilaabo berri oo Talaado ah xayiraadii saarneyd magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera oo hore loo saaray sababo la xidhiidha cudurka Koroona Fayrus.

Duulimaayada gudaha ayuu sheegay Madaxeynaha Kenya in dib u bilaaban doonto 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agoosto.

Dhinaca kale  Madaxwayne Uhuru ayaa sheegay in muddo 30 maalmood ah lagu daray bandowga xilligii habeenkii ee lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo fiditaanka cudurka Corona.

Dalka Kenya ayaa sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka dalkaas ay cudurka Covid-19 u geeriyoodeen dad gaadhaya 164 ruux halka guud ahaan dadka laga helay cudurka ay gaarayaan 8,067, balse waxaa ka bogsaday cudurka bukaano gaaraya 2,414 .

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29517

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented