|

R/wasaare Khayre oo Kulan Xasasi ah la Qaatay Safiirka Midowga Yurub + Arinta Doorashada

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho 10 cisho ah qaadatay oo uu ku tagay dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo tan iyo intii uu dalka ka maqnaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka ay yara hakad ku jireen, ayaa u muuqda mid uu boodhka dib uga jafayo, isagoo bilaabay kulamadiisa dhinaca siyaasadeed .

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Kheyre iyo Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlan ayaa ka wada hadlay taageerada dheeraadka ah ee loo qabo qabashada doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay arrimaha dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta oo dadaaladaas uu Xafiiskiisa hormuud ka ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowaan ka sheegay shirkii Golaha Wasiirada in doorashada dalka ay waqtigeeda ku dhaceyso, isla markaana noqoneyso doorasho la isla ogol yahay oo ay ka wada tashtaan dhammaan saamileyda siyaasadda.

Soomaaliya ayaa galeysa marxalad kala guur siyaasadeed iyo doorashooyin ku soo fool leh, waxaana socda kulamo looga arrinsanayo hannaanka doorashada dalka oo ay ka qeyb qaadan doonaan Madaxda dowladda Federaalka Iyo maamul goboleedyada .

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29514

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “R/wasaare Khayre oo Kulan Xasasi ah la Qaatay Safiirka Midowga Yurub + Arinta Doorashada”

  1. Farmaajo iyo khayre kulan saacado badan qaatay bay xalay ku yeesheen Caasimada laakiin wax natiija ah kama soo bixin saakayna Beesha Lixaad baa albaabada u xirteen waxaana laga rabaa in uu qeexo halka xaal marayo? Khayre waa diiday barnaamijkii uu watay Farmaajo wuxuuna ku dhawaaqayaa inuu wadanka aadayo Doorasho ku dhacda waqtigeedii waqtiga la joogana suurtagal ahayn one man one vote iyo mudo kororsi.

  2. Kheyre wuxuu ku biiridoona Labada Lists midkood.

    1. List XIL-WAREEJIYEYAASHA ama

    2. List CAD KAMA KACAYAASHA

    Asagey jirtaa Midkey Taariikhdu xusidoonto

    (Shimbiru marbey dab qaadey markiina ayadaa isku gubtey).

    Murusade Marbuu ku fadhiistey Kursigii Hiraab u xirnaa.

    • ASC.
      Dabshid adeer, halkaad Qoraalka AfSomaliga ka taagantahay ayyaad Siyaasaddane ka taagantahay ee MAAD noo daysid Annagaa hiddo iyo dhaqan u lehe? Bal day waxaad Qortay; “Shimbiru marbey dab qaadey markiina ayadaa isku gubtey” Anigu waxaan dhihi-lahaa; “ShimbirÌ marbey dab qaaddAy markina ayyadaa isku gubtay”. ≈©≈Farqiga noo dhexeeya yaraa!!! haddana kala fogaa!!! Bal day qoraaladiinna, ma laha Joogsi . ma laha hakad , ma laha calaammadi yaabka ! ma laha tii sùaasha ? iyo iyo iyo WAA jaantaa rogan iyo tororog Sababtu waa Idinka Waxaa Macallimiin idiin ahaa KIINNI fasalka 5aad dhammeeya annagana Macallimiinta Dibaddaa nalooka keeni jiray. ≈©≈Adeer, cilaaq kaddib Siyaasaddu ma aha Isaga soo bood ama wax baad qorikartaa ee Waxay u baahantahay; Degganaasho, Adigoow kuu muuqdo hadafkaagu, ku talogala sidaad ku gaari-lahayd, ugana gudbi lahayd caqabadihii kaaga gudban, maciinsada wax kasta oon Dhib kuu keenayn Muruq iyo Aaladba. ≈©≈Dabshid adeer, anigu mar horaan ku bartay Waxay ahayd Markuu Gabdho ka ganacsade yiri; “Magaalo madaxdi Hirshabeelle waa Jowhar” Adna aad u riyaaqday gardarradaa. ≈©≈Ninki u kala eexday Aabihi iyo Hooyadii Waa maxay dadnimo iyo Caddaaladdaan ka sugaa? kaaga darane Aabihi wuxuu ahaa °Jannadi ALLAAHA ka waraabiye° Nin fiican oo Ahluddina. ≈©≈Dabshid, war dad iska celi LAAKIIN beenta iyo masabidaadda iska daa Aaqirana wey dambeysaaye Ogoow. WBT

  3. Khayre mudoyinkii ugu danbeeyay, lama arko isagoo qoslaya. Waxaa dhici karta inuu Farmaajo afgenbiyo!kkk

  4. ASC.
    Cidkasta oo aan Dan ka lahayn Doorasho xalaala HA taageerto Dorasho xilligaan ah oo AY Al-Shabaab Gobollo haysato. YAA CAQLI DAANYEER. WBT

  5. Aqristow

    Markaan arko aqliga @ Ahmed Somali iyo Max”ed Cabdi Yuusuf

    Ayaan garowsadaa inaan la haleyn Qaran buuxo intey ku dhex jiraan ummadda Cusub.

    Kuye, Shiikh Shariif wuu ku naxsanaa inuu doorasho qabto – XAMAR OO QEYB SHABAAB HEYSTO –

    Lkn waa qalad inuu Farmaajo doorasho qabto CEEL-BUUR iyo Buaale oo shabaab heysto, ( ee ha loogu daro LABO SANO free ah si uu u xoreeyo dhulkaas – KADIBNA UU DOORASHO U QABTO.

    Can you imagine Ninka aqligaas iyo XUKUN JACEYLKA QABYAALADDU HALKAAS la gashey, (TATBIYADA CARUURTA UU DHALEY).

    * Markaan arko hadalka @ Ahmed Somali ayaan SHITAA SAMBALOOSHE iyo Feysal Waraabe.

  6. Saxsanaa

  7. Dabshid.

    Kkkkkkkkk.

    Ahmed Somali says:
    July 6, 2020 at 7:00 pm
    ASC.
    Cidkasta oo aan Dan ka lahayn Doorasho xalaala HA taageerto Dorasho xilligaan ah oo AY Al-Shabaab Gobollo haysato. YAA CAQLI DAANYEER. WBT

    Watasaa somalinimada..oday axmed.

  8. Garqaad

    KKK

    Eebow 80 jirkii reer Qurac ayaa halkaas ka joogo caddaalad, maxaad ka filan 20 jir.

    CIILTIRE Faroole ayaa ugu daacadsan Jaberti Tigriya ileen Faroole wuxuu kuu sheegi waxa Calooshiisa iyo maskaxdiisa ku jiro.

    Meesha @ Ahmed Somali iyo Max’ed Cabdi Yuusuf kuu soo xiran CALANKA BLUE

    Walee Calan dambe oo Blue ayaan Yaxaas ii gashan.

    Kaaga darane ilowsha dhawaa, duqaan hadaladii aan ka qorey 2015 to 8th February 2017 ma qiyaasi kartid.

    * Aqoonsigii Khaatumo Administration wali waa Qabyo

  9. Mar kasta oo arrin ka badheedhis iyo ka run sheegis la xusayo yaan la ilaawin libaaxii weynaa Xaafidulah Weliyulaah Xaji Muuse Suudi Yalaxow. Sanbalooshe iyo Faysal falsafadihii Xaajiga ma gaadhi karaan umana dhowa.

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented