War kasoo baxay Shirkii Maamulada dhexmaray iyo Xiliga ay Kulmayaan (Akhriso)

Muqdisho ( Kalshaale ) War murtiyeed ayaa laga soo saaray shir dhinaca khadka taleefanka ku dhex maray Madaxda Maamul goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa waxay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, iyagoo isla gartay labo qodob.

Waxaa la isla gartay in shir degdeg ah la isugu yimaado 9 bisha July ee ku beegan khamiista, kaasoo looga tashanayo arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan looga tashanayaan sidii ay shir degdeg ah isugu imaan lahaayeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaddib markii uu fashilmay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ee qorsheysnaa inuu shalay oo 5 July dhaco, balse maamul goboleedyada aanay soo xaadirin.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid meel xasaasi ah maraya, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo go’doon siyaasadeed, mar haddii maamuladii ku dhowaa aysan qeyb ka noqon qorshihii uu watay ee dhinaca doorashada.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    -NIMAAN YAABINAY WAA YAABAY LEYIHIIN.
    -MAANAA WAALAN MISE CADANA LAGA HEESA.
    ——————————————————- .
    WAXAA xaqiiqa INAAN wada fayoobeyn Aniga iyo Dawladda Somali. ≈©≈Anigu Dawlad waxaan u aqaan Mujtamac nidaam iyo kala dambayn leh TAANA ugama jeedo Somalia. ≈©≈Markaan maqlo M/weyne Farmaajo iyo M/weyne Waare Waan yaabaa!!! oo waxaan isweydiya; War M/weyne M/weyne kale ma xukumi kare SEY wax u jiraan? MANA arko cid Walwelkaa ila qabta MARKA macnuhu waa WAAXID iyo WADAR YAA WAALAN? Mana waalni oo taa ILAAHAY SWT ayyaan ka hoos Galay WAX Caqli ku dhisana BAABAH . WBT

  2. Dabshid says:

    Waa labo qodob oo ka tarjumaayo Waqtiga Soomaalida Cusub.

    Wadatashi iyo Tartan 4 sanaba mar la qabto waa ONLY halka shey ee ka dhaxeeyo Ummaddii Laga Boobey Demonstacy SYL TAAGTEY.

    – Nin Hulaabo Xun inuu Wax qarsanhayaa LA MOODAA.

    * Talo iyo Tartan waaye Tubtay Jeexday SYL

  3. Dabshid says:

    Democracy SYL




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...