|

MUUQAAL: Qaabkii Bulshada Loogu Dhagray Arinta Dastuurka & Federaalka iyo Dooda Kuraasta Banaadir ee Xiligan

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaanu halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Xog badan Xambaarsan oo ku saabsan Dooda ka dhalatay Kuraasta gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka sare.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa Qayb ka ah   Khaladaadkii Waawayn ee lagu dhex tuuray  Dastuurka Xiligii la Qorayey,  Arinta Federaalka oo aysan dad badan Fahamsanayn,   Qaabka dunida looga dhaqmo iyo Arimo kale oo Xiisoo leh.

Xaq miyaa xiligan dhowaaqa kasoo yeedhay dhinaca  Puntland,  Gaar ahaan Baarlamaanka,  Muxuuse madaxwayne deni ka sheegay Shirkii Garoowe isagoo Muddo kooban Xilka haya ? Barnaamijka ayaad ku daawan doontaa.

Waxaa sidoo kale Qayb ka ah sida dalalka Marka hore darsay  Faderaalku ay u Maareeyeen , Waxna ugu Qaybsadeen, Tusaalle dalka Maraykanka gobolka ugu dhaqaalaha badan , dadkiisuna aadka u badan yihiin, wuxuu leeyahay 2 Kursi oo Aqalka Sare ah, Halka gobolka ugu dadka yarna uu leeyahay 2 Kursi oo Aqalka sare ah,  Waxayna muujinaysaa in Gobol wax lagu Qaybsaday, Balse Xildhibaanada Kale ayaa dadku soo doortaan.

Halkee ayay  ka baxeen Kuraastii gobolada Sool iyo Sanaag  Iyo Banaadir, Hadiiba  Aqalka sare lagu Qabsaday Gobol ahaan  ?  ku Daawo Barnaamijka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29505

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “MUUQAAL: Qaabkii Bulshada Loogu Dhagray Arinta Dastuurka & Federaalka iyo Dooda Kuraasta Banaadir ee Xiligan”

  1. Masha allaah waa xaqiiq warkaas

  2. Meles Axmaar ayaa Federalka keenay, maamo PUNTLAND ayuu u soo saariyey.

    Xassan Shiikh ayaa ku dheelay Federaalka, Aabo Galmudug ayuu u guuriyey,

    * Ethiopia ABYSSINIA EMPIRE dead or live

  3. Mahiga ayaan arkaa laakiin waa bakhtiyay oo gabadhii lagu daray oo lasheegi jiray aaway kkkkk alla maxaa dadka qaarkii siyaasada meel xun kagashay

  4. @Dabshid federalka waxaa keenay Malez Zanawi wuxuu soo bilowday 1993 inta aan xogta ka hayo USA,EU,KENYA,ETHIOPIA iyo UN isku si bay u rabaa.
    Fragmented,unstable Somali that is main objectives.
    Waxaan waraystay min ogayn u ahaa Gen Cumar Xaaji Masale lana socday shirarka.
    Ethiopia iyo Kenya qabaailka ayaa ankee u kala soocan.
    Tusaale Ethiopia Ogaadeen ka theat ayay u arki jirtay intuu noolaa Malez,balse Axmed madoobe ayay si kumeel gaar ah u heshay.
    Malez wuxuu u arkayay Majeerteen
    saaxiib ay isku halayn karaan waxay doonaan ka yeeli karay.
    Marexan waxaa ay ku shaabadeeyeen nationalist reer miyi seef labood ah,taas waxaa mar kale qeexay Professor Gaandi isagoo markaa cay uga dhigaya dalka in ay jecel yihiin balse runtii amaan ah Wikipedia ayaa laga heli karaa ogaantay.
    Anyways federalka haddii la qurrxiyo waa Okay.
    Balse fursad lagu fahmo lama siin Somalida.
    Nimankaan MJ ee damaaciga badan in runta ay arkaan wey ku fiican yihiin,iyadoon iyagana la riixay federalka sida ay ugu baxdo ma ahan.Senetors waali kale ayay ahayd.

  5. Somalijecel

    Ma waxaad leedahey haddii xitaa Sade laga dhigo horjoogaha Kismaayo, Kuukuuyo koob kama darteen Kismaayo Garoob.

    AUN adeerkay Cumar Xaaji Masale waqti hore ayuu Federalka Gedo keenay, lkn Xassan Daahir UGUS iyo AL- SEEFLE ayaa ka daadiyey.

    Cumar Xaaji
    Axmaar iyo walaalihiis (Dalaayo walaaleheed)

    Waxey ahaayeen raggii Siyaad kula taliyey Talada Dalka bedal – HADDOOD TABAR HEYSO.

  6. Somalijecel

    Mataqaan Yuusuf Taaxow oo London degan markaan ogaa, kana shaqeyn jirey NAbadsugida,

    Waxaan ku arkey Addiss Ababa 1994, wuxuu leeyahay Duqii Seedigiis ahaa xitaa hadduu dhintey, wali Cali Axmaar waa laga kari la’ayahey.

    Dee Cali Axmaar wuxuu lahaa- halkaan (Ethiopia) maadnaan joogtey haddaad taladeyda qaadan laheydeen.

    – Nin xilkuu hayey aan wareejin ee ka cararey waa Dambiile Qaran, waliba Siyaad wuxuu diidey in HUBKA LA DUUGO AMA LA GUBO.

    – Hadde ogow USA hubka Free ee dukaamada yaalo ayaa u ekeysiiyey Dal ku yaalo dunida sedexaad.

  7. Sool iyo sanaag waydiiya puntland sowdinkii lahaa harti baanu tahay waar niicda iska daaya banaadir socotee

  8. @Dabshid ninkaas aroos ayaan ku arkay magaca TAAXUG.Marka San qaato nidaamka inuu qaldanaa waa markaas oo kale,inkastoo askarinimada uu kasoo bilaabay sirdoon military sahanka,absolutely heerkaas ma mudnayn.
    Cumar Xaaji axmaar jaajuus dadkiisa ku laayay Ethiopia ayuu ahaa balse sida wax loo waday wuu diiday shirkii Ceelbarde Shaatigaduud iyo Cabdullahi Yuusuf waxay wateen nidaamka 6 gobol sidaasuu uga soo baxay isagoo quud daraynaya Jubaland in Marexan majority ku yihiin etc.
    SADE Waa Somali balse qoyaastayda IIMAAN laawe waa laga heli,balse u malayn maayo sida Ogaadeen 70/80jir leh gumaysi baan rabnaa in laga helaayo SADE balse shaki iiguma jiro khayr beele in laga weynayo waase la isdhaamaa

  9. Waxan wadaa qorista buug ku saabsan sida siyaasadda Somali ethnicity ku salaysani khatar ugu tahay jiritaanka Somalia. Cumar Xaaji Massalle oon warkiisa doonayey ayaa halkan lagu xusay. Ciidamada Ethiopia afar jeer bay gudaha Somalia soo galeen ilaa 1960. Laba jeer xoog bay ku soo galeen, waa dagaalkii 1964, maalintii kowaad ee dagaalka ciidamada Somalia waa la soo jiidhay aaggii Wajaale, waa maalintii uu dhintay Maxamed Cabdille Xalane isagoo calanka difaacaya, nasiib darrooyinka dhacay, ninkaa waxa loogu magac daray laba goobood oo kala ahaa dugsi sare oo Hargeysa ku yaallay iyo xeradii tababarka ee Xamar, dugsigii sarena isla dawladii uu calankeeda difaacayey ayaa burburisay, xeradii Xalanena kuwuu calanka ka difaacayey ayaa maanta deggen. Marka labaadna waxay 82/83 aaga Balanable markaa ciidanka Somaliya si xun baa loo jabiyey sababteedana waan hayaa. Labada jeer ee habka gacan qabashada ay ku oss galeena waxa, waxa markii kowaad soo geliyey Cumar Xaaji Massalle, ilaa saddex boqol oo askari bay ahaayeen waxayna ka soo gudbeen Doolow, marka labaadna waxa soo geliyey Cabdulahi Yusuf, labada jeer waxay ku andacoonayeen iny kooxo islaamiyiinna la dgaalamyaa, AlItixaad iyo maxaakiimta. Ta Cumar Xaaji Massalle, dadka aan waraystay oo ku dhow 200 waxay isku raacsan yihiin inuu ninkaasi ahaa nin aad u maskax badan oo waddani ah, waxay leeyihiin wuxuu ahaa ninka keli ah ee systemkiii Siyad Barre ku jiray ee fahamsanaa mararka qaarkoodna ka hor iman jiray dhagarihii uu maleegayey Cali Samatar, oo doonayay inuu qabaailka waaweeyn isku jebiyo Marreexaankana dadka nacsiiyo, si marka dambe isaga loogu arko xalka Somalia, waa habkii uu Danial Arab Moi, Kenya madaxweyninamada ku fuulay. Waxa markaa isu kay qaban wayday amaanta dadka aan waraystay Cumar Xaaji Massale ka sheegayaan iyo inuu noqday ninkii ugu horreeyey ciidan Ethiopian ah si nabada dalka ku soo gelyey. Weliba waxan hayaa waraysi ay BBDCdu ka qaaday xilligaa isagoo si cad u leh “anagaa Ethiopanku u yeedhanay dhulkayagaanay joogaan maxaa dadka kale galay.
    Ciddi iga waacin karta waxa khaldamay si fiican baan u soo dhaweynayaa. Midna ogaada 200 qof oo madaxdii dalka qaar haayeen hadalka iyo amaanta ay ka sheegayaan Cumar Xaaji Massle ma noqon karto been, waa beenta la iksuma wada raaci karo. Maxaa khaldamay.

Leave a Reply to Somalijecel

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented