|

Madaxda Maamulada dalka oo Shir ku yeelanaya Dhuusamareeb iyo Xog Ku saabsan

Garoowe  ( Kalshaale ) Madaxda  Maamul goboleedyada dalka ayaa xalay kulan dhinaca khadka ah internet-ka wada qaatey kadib markii uu baaqdey shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo loo balansanaa shalay oo aheyd 5/06/2020 uu ka qabsoomo Muqdisho.

Madaxda maamulada ayaa go’aansadey in ay shir gaar u ah iyaga isugu yimaadaan 8-da bishaan July, 2020 magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaana marti galinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

Beesha Caalamka ayaa waji-gabax kala kulantey baaqashada kulanka Muqdisho ayaa cadaadis ku saaraysa madaxda Dowlad-goboleedyada dalka in ay isku yimaadaan kulan looga wada hadlayo arimaha taagan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo arimaha doorashooyinka dalka.

Shirkaas fool ka foolka ah oo noqon lahaa kii ugu horeeyay oo hogaamiyeyaasha yeeshaan kadib sanado aysan wadahadlin ayaa looga hadlayaa xeerarka doorashooyinka qaranka iyo guud ahaan khilaafka siyaasadeed Soomaaliya hareeyay xilligaan kala guur ah.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo baaqashada shirkaas war kooban kasoo saartay ayaa sheegtay in ay dib ka muddeyn doonto is-araga xiga. “Waqtiga cusub ee uu qabsoomayo kulanka la wada sugayo ee Golaha Amniga Qaranka waxa la iclaamin doonaa xilliga ku habboon,” ayuu yidhi agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrimaha keenay baaqashada kulanka madaxda maamulada iyo dowladda federaalka waxaa kamid ah in la meelmariyey xeerar doorasho oo dhinacyadda horey ugu heshiiyeen in la hakiyo inta laga wada hadlayo.

Jubbaland iyo Puntland ayaa cadaadiska ugu badan ku haaya Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee fadhisa Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kalshaale.com – Warar sugan iyo Suugaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29502

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Madaxda Maamulada dalka oo Shir ku yeelanaya Dhuusamareeb iyo Xog Ku saabsan”

  1. Inkastoo xeerarkii doorashooyinka iyo matalaadii muqdisho lameel mariyay hadana waa in laysku raacaa nooca doorashada.laakiin maamul goboleedyada qaar baa ajande layaableh wata oo ah matalaada muqdisho dib haloo eego.mana dhacayso oo baarlamaankii ayaa meel mariyay

  2. Somali galbeed

    “BAROORTA ORGIGA KA WAYN”

    XAL SOOMAALIYEED LAMA RAADINAYO, WAXA LA RAADINAYAA WAA ANIGA KURSIGA MAKU FADHIISANAYAA OO KALIYA, HADII KALE XALKU WAA “DIIDAY IYO I’IINYO “

  3. Lixda Maamul goboleed ee Koofurta Soomaaliya waa iney ka wadahadlaan sidii laga yeelilahaa KHARASHKA DOWLADDA DHEXE ee ONLY BANAADIR STATE DHIIBTO.

    Qasab maahan si siman kharashka loo qeybsado, waxaase qasab ah inuu Maamulkasto dhiibo Qidmo lagu socodsiiyo (ONLY MAANULKA KA DHAXEEYO SHACABKA KU ABTIRSADO LIXDA MAAMUL – Dowladda Dhexe ).

    -Sidoo kale waa in wax la iska weydiiyo
    Maxey soo kordhinkaraan Faa’iido ahaan Xubnaha ka soo jeedo Waqooyi Somaliland ee Xamaaliga u joogo Xamar.

  4. In Dowladda dhexe ee Koofurta Soomaaliya la shirto Somaliland ayagoo ka wadahadlahayo Mustaqbalka Labadii gobol ee midoobey 1960, HADDANA Xubno ka soo jeedo Gobolada Waqooyi lagu beerdareeyo Kharash joogtaa soo maahan MAAN GURACAN IYO GARASHO JAAN.

    Nimaan Hargeysa hoos keenikarin Xamar maahan in lagu daro arimaha siyaasadda iyo Geedi socodka.

    -Professors Buubaa, Galeyr iyo Samatar oo ku laabtey Dhulkoodii Waqooyi.

    * Lama huraan waa Hargeysa, Xamarna waa Xalaami.

  5. Somaliland dadka ku matala Xamar waa in xisaabtaa dib loogu noqdaa oo la joojiyaa inta arinta Somaliland iyo Somalia dhan u dhacayso sababtoo ah waa faragalin toos ah oo faraha lala galay arimaha Somaliland ama Somalida degan Waqooyiga Soomaalia waxaana haboon in ayaga laysku daayo si xor ahna ay arimaha ka dhaxeeya ee u gaarka ah uga wada tashan lahaayeen haday ka go’ayaan Soomaalia iyo hadii ay ku heshiin lahaayeen in ay ka mid ahaadaan Somalia iyo hadii afti loo qaadayo si demoqradiya oo Aduun waynaha marqaadi ka noqdaan. Hada kuwa Xamar jooga ee sheegtaa inay ku matalaan Somaliland waa beenaalayaal u jooga danahooda iyo inay jeebka buuxsadaan waxaa kaloo jira in ay qayb wayn ku leeyihiin jahwareerka iyo ismariwaaga iyo shidada ka dhex aloosan Dawlada Dhexe, Baarlamaan labada aqal. Arinka ku saabsan shirkan isku soo wada duub wax nafli leh ama qiima leh kasoo bixi maayaan waxaa kaliya ay u badan tahay uun waa gaashaan buursi cusub maadaama la joogo xiligii kala guurka ah waxaana la wada ogyahay xiligan in aysan macquul ahayn kudarsasho iyo wax lamid ah Beesha Lixaadna ma ogolo Farmaajo asagu maaha mid markaan Soomaalida ka gadmaya “ Aden yabaal usoo aroor abaalna kuuma ergan”. Farmaajo oo soo noqdaa waxaa ay la mid tahay Donald Trump oo Markale soo noqdaa…….

  6. Ninkii laga sugaayey iney Doorashadu ku dhacdo waqtigeeda wuu soo laabtey Shaley, maantana waa lala shirey, baritana waraa laga rabaa.

    Kheyre Kheyr sheeg ama Qiyaamee Qaranka

    https://www.caasimada.net/kheyre-oo-la-kulmay-midowga-yurub-xilli-uu-socdo-cadaadis-la-xiriira-doorashada/

  7. Maamul goboleedku shaqo kuma llaha doorshada Federalka.Waa hadii ay somaliya Federal sida ay sheegaan.

    Hierarchy:

    wax shaqo ah kuma laha – waxna laga waydiin maayo.waa Doorasho Federalka ah.

    Dadka ayaa toos u dooranaya dadka u matalaya Federalka.

    waxaa meesha ka maqan.

    Ummad aan kala sarayn,waa Daayeero.Dawlada Federalka ayaa ugu saraysa.Madaxwaynaha Feceralka ayaa ugu sareeya.Parlamaanka Federalka ayaa ugu sareeya.Maxkabada sare ayaa ugu daraysa.
    Ninka tulada xakuumaa – tulaadi ayuu doorasho u qaban karaa.
    Ka xisbiga wataa wuxuu soo bandhigayaa sida uu wax u maamulidoon.

    Maaha inuu halkan soo fadhiya doorasho ha la ii qabto kkkk

    Wax kale lama garanayo.Dooorasho,daarasho.

    Dalmida

  8. Kkkkk hooyadii federaalka hooyo deni waxaa uyeeray aabihii qabay aabe qoor qoor

  9. Dastuurka Fedraalka ayaa qaba in ay wadanka ka dhacdo doorasho raali layskaga yahay! Waxaana kulmaya Dawlada Dhexe, Dawlad goboleedyada wadanka ka jira, saamilayda siyaasada iyo labada aqal sidaa weeye arinku laakiin halakan qaarbaa waxay lasoo shirtagaan sheekooyin raqiis ah iyo Dawlad Goboleed looma baahna hadii ay arinku sidaa tahay maxay mar walba Beesha Lixaad uga hadlaan in Farmaajo uu la kulmo lana xaliyo qilaafka Dawlada Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada si markaa loo wajaho Doorashooyinka Wadanka Baarlamaanka iyo tii madaxweynaha. Marnaba suuragal noqon mayso in wadanka ka dhaco Doorasho uu Farmaajo kaligii garwadeen ka yahay absolutely impossible! Sheekooyinka one man one vote suurtagal maaha waqti xaadirkan waana mudo kororsi farsamaysan Mida kale Farmaajo dhan walbo ayaa culays kasoo wajahay maxaad umalaynaysaa waxa ku qasbay inuu Farmaajo wada hadal lafuro Gudoomiyaha aqalka sare iyo saamilayda siyaasada? Waxaa kaloo usii dheer Beesha Lixaad……. Kheyre oon Xamar joogin 24 saac baa durbadiiba kulan lala galay inta badana ku saabsan arimaha Doorashooyinka waana qasab in uu mowqifkiisa cadeeyo saacadaha soo socda…! Isku soo duub Farmaajo meel cidla ah buu qoorsagaare ku hayaa.

  10. Wax Somaliland layiraahdo malaha hakhaldamina somaaliyeey idinka ayaa u hormaraaya qowlaystada waxa ayrabaan ee beenta ah iyo waanala xasuuqay
    WAa yaabe dhulbahante maxay karabaaan. Warsengali maxay karabaaan. Samaroon maxay karabaaan. Isaaq haday nabad tahayna baqbaq madaayo haday colaad tahayna calaacal madaayo marka waa Dad hilib dawoco camal ah waa inta rabtaa gooni goosadka ee jaadku marqaanka kudilay ee naagahooda ilooban bal loowaso

Leave a Reply to Hobyo Godan

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented