|

Dagaal Qadhaadh oo ka dhacay gobolka Baay iyo Xubno Alshabaab ah oo la diley

Muqdisho ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Alshabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahno ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamadaas ay ku leeyihiin Awdiinle.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaasi uu ka dhacay weerarka, kadib dagaal toos oo u dhexeeyey labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka warbixiyey dagaalkaasi ayaa waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday, islamarkaana ay ka hortageen.

Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan illaa 5 ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29499

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented