Madaxwaynaha Puntland oo ku dhowaaqay Goaan Xasaasi ah (Warbixin)

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray ku joojiyay Dhisidda iyo Degaamaynta dhammaan dhul-daaqsimeedka ku yaalla degaannada maamulka Puntland.

Wareegtada ka soo baxday Madaxtooyada Puntland waxaa lagu amray saddexda Wasaaradood ee Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Amniga, oo ay weheliyaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta, in ay joojiyaan dhisidda iyo Degaamaynta Dhul-daaqsimeedka gudaha Puntland.

“Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa, laga billaabo 05/07/2020, in la joojiyay dhismeyaasha iyo degaameynta Dhul-daaqsimeedka Degaanada Puntland”.

Wareegtada waxaa sidoo kale lagu xusay, in Puntland ay soo saari doonto Habraac iyo Shuruuc gaar ah oo loo maro, marka la doonayo in dhul cusub la Degaameeyo “Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Dadka xoolaha dhaqatadaa ayaa cabashooyin ka muujiyay dhulka miyiga ah ee deegaamaynta ka wadaan ganacsatada ku sugan deegaanada Maamulka Puntland,taas oo keentay in Madaxweynaha maamulkaasi uu wareegto ku joojiyo arimahaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...