MUUQAAL: Sheikh Aadan Siiro “Magaca Muuse Biixi ayaa dad badan lagu Boobay”

Hargeisa  ( Kalshaale ) Culimada Somaliland ayaa u muuqda kuwa soo farageliyay dhibaato mudooyinkii u danbeeyay ka taagneyd magaalada Hargeysa, taasoo la xidhiidha in xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Somaliland iyo qoyskiisa ay si sharci daro ah u boobay dhulka laga kiciyay dad shacab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabashada la xidhiidha dhulalka laga kiciyay dadka shacabka oo milkiyadooda ah ayaa loo adeegsaday awood dowladeed sida uu ka dhawaajiyay Sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud “Sheekh Aadan Siiro”, isagoona ugu baaqay Muuse Biixi in uu wax ka qabto dhibaatadaasi ay geysanayaan kuwo magaciisa isticmaalaya.

“Madaxweyne, dhulkii dhibaato badan baa ka taagan iyadoo magacaaga la isticmaalayo ayaa la boobay, 300 qoys ee maatida ah ee labaatanka sanadood deganaa xaafada Buurta Kala jeexan , Madaxweyne adigana waa kugu ceeb, dalkana waa ku ceeb, dadkana waa ku ceeb, arrintaa inaad wax ka qabato ayaanu kugula talinaynaa,” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro.

Wadaadka ayaa soo qaatay xadiiska uu weriyey Al-Imaamu Axmed ee qeexaya xumaanta oo laga aamuso in ummadaasi ay tahay ummad aakhiro iyo adduunba ay u dhamaatay, Qofka xumaan arkaana gacantiisa wax ha ugu qabto. “Haddaad aragto Dulmi dhacaya oo Ummaddii oo ka hadlaysaa aanay jirin, ummaddaasi way u dhamaatay”.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland waxyaabaha loo igmaday ee masuuliyadda ay hayaan inay ka mid tahay in qof walba oo Somaliland ah ee illaahey ku abuuray Somaliland inuu helo meel uu dego, wuxuuna ku leeyahay buu yiri dowladda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Gudi loo saaray ‘Xayiraadii Donald Trump lagu soo rogay’ iyo Xog Cusub
- Jan 22, 2021
Nairobi ( Kalshaale ) Shirkadda Facebook ayaa guddi gaar ah u saartay in uu ...
Dad ku dhintay Dab Xoogan oo Qabsaday Shirkad soo saarta Tallaalka Covid19
- Jan 22, 2021
Ankara  ( Kalshaale ) Shan qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay xaruunta ugu ...
Itoobiya oo Jawaab kulul ka bixisay ‘Ciidan Soomaalida ah’ ee la sheegay inay dagaalameen
- Jan 22, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda Ethiopia ayaa maanta beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ...
MUUQAAL: C.malik Coldoon oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Buuhoodle
- Jan 21, 2021
Buuhoodle ( Kalshaale ) Cabdimaalik Coldoon oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Buuhoodle
Dawladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo saartay Dilkii Dhegajuun ee Muqdisho
- Jan 21, 2021
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay ...