|

Sheikh Shariif oo War kasoo saaray Kulankii ay la qaateen Gudoonka Baarlamanka

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada qaranka Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa  ka warbixiyay kulankii Guddoonka Golaha Shacabka ay la yeesheen.

“Waxaan aniga iyo Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud aan xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kula kulannay guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiweli Ibraahim Shiikh Muudeey.

Ujeedka kulankeenna wuxuu ahaa in xaaladda dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar oo hore u jeedisay hoggaanka dalka.

Si gaar ah waxaan uga doodney baahida loo qabo in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn.

Waxaan kaloo isla garannay in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, ayna tahay in maankana lagu hayo dhinacyada muhiimka u ah hanaankaas oo ay tahay in dadaal xooggan lageliyo sidii loogu qancin lahaa, si loo helo aragti mideysan oo ay kadhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.”

Ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif sh. Axmed oo ah gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29484

Posted by on Jul 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Sheikh Shariif oo War kasoo saaray Kulankii ay la qaateen Gudoonka Baarlamanka”

  1. Somali galbeed

    RAJADA XUMADA TAAGAN TA SOO SOCOTAA KA DARAN, DADKII SHALAY FASHILMAY BAA MAANTA FIRSAD LABAAD RAADINAYA, QURUUN KASTAA WAXAY SOO SAARTAA DADKII HOGAAMIN LAHAA, HADIIBA KUWANI YIHIIN BADALKA KALIYA EE LA HAYO DAWLADNIMOOY XAAL QAADO!!

  2. ASC.
    *Cali Khaliif, Cali Gurey, Batuun, Kadar, Cirro iyo qaar kalaba HADDAY Xamar soo galaan! MARDAMBE la maqlimaa Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif MARKA waa ku qasban-yihiin INAY ku dadaalaan si aan Al-Shabaab Waddanka looga saarin WADA hadal mira dhalana u dhexmarin Dawladda Somali iyo SNM. ≈©≈BAL saaxiibow Day, Iyyadoon la tegi karin Ceelasha Biyaha Ayyay ku leeyihiin Dorasho hala qabto Waa caqli see ah? Shacbigi ma wuxuu noqday kan Xamar kaliya? Kii kale Waddanka xaq kuma laha Miyaa?. ≈©≈Micnuhu waa; Maxaa Iga dana; Waddan, Shacab iyo Niidaam Aniga Taydaa ii darane. ≈©≈Mucaaradku MA yara MAANTANA waa kala guurki. ≈©≈ANIGU waxaan qabaa Inaysan Dawladdu Marnaba la hadlin Xisbiyada oo ay UGU jawaabto; Waqti ma hayyo oo Al-Shabaab baan Dagaal kula jirna. ≈MA DHAMMAAMINEY WBT

  3. Waxarihii sonkorta cunay oo ku bar go`ay oo qamaamkoodii sii laba jibbaaray…

    Lix bilood baa la sugu la`yahay!.

  4. Sheikh shariff oo lakulmay eedo batuulo iyo eedo kutubay kala a hadlay arimaha doorashada,maqaamka gobalka banaadir,asteeynta kuraasta baarlamaanka iyo qoondada haweynka ,arimihii Shariff iyo eedo batuulaiyo kutubey ka wada hadleen wey isku afgarteen waxay a soo saareen warsaxaafadeedkan hoos kuwotan.1 goofka xamar unnukaa leh.saamileuda siyaasada oo ay ku jiraan eedo batuula iyo kutubey inay wax ka go,aamiyaan arimaha doorashada.3 in nala siiyo ticgalin dheeraad ah.iwm

  5. Kalsame

    Kula yaabi maayoo mucaarad waxaad u taqaan adiga iyo caruurtii kacaanku qaran dumis mucaaradadu waa wax toosin ala og cida la dooranaayo mihiimku waa inuu waqtiga doorashada ku dhawaaqaaa shikshigow

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented