Xog+Warbixin: Kulan Xasaasi ah oo Muqdisho kud hexmaray Sh. Shariif, Mursal, Muudeey iyo Xasan Sheikh

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa magaalada Muqdisho kulan Xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud IyO Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Kulankan oo ka ka dhacaay Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa  looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana kulankan uu yahay mid ka dambeeyay dalab ka yimid labada Guddoomiye.

Wararka ayaa sheegaya in labada Guddoomiye ay farriin ka sidaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana kaloo jira warar sheegaya inay martiqaad kulan ka wadaan Madaxweyne Farmaajo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo arkayay muddooyinkii u dambeeyay inay u kala dabqaadeysay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore, iyadoo labo jeer oo hore uu kulan dhex maray Hoggaanka Madasha iyo Guddoonka Golaha Shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmaysa Madasha Xisbiyada Mucaaradka oo ku saabsan doorashada, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeysanayo doorashada hal qof iyo hal cod oo aan la isku raacsaneyn qaabka ay u dhaceyso shaki badan ka jiro.

Dhinaca kale  ilo wareedyo muhiim ah ii sheegay in Guddoomiye Mursal iyo Guddoomiye Muudey ay ku wargeliyeen Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran inay hakiyeen ka doodista Hannaanka doorashada ee ay soo bandhigtay Guddoomiye Xaliima Yarey, inta is faham laga gaadhayo doorasho heshiis lagu yahay.

Si kastaba ha ahaatee xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid marxalad cusub oo xasaasi ah galeysa, iyadoo muddo xileedka Madaxda hadda talada heysa ay ka dhiman tahay 8 bilood.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...