|

Dhegayso VOA: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka hadlay Colaada deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka mid ah Isimada dhaqanka ee magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu ku baaqay in si dhaqsa ah loo joojiyo colaad kasoo Cusboonaatay deegaanka Horufadhi ee hoostaga degmada Buuhoodle.

[DHEGAYSO WARAYSIGA]

“Colaad kasta Nabad ayaa ka dambayn doonta, waxaan leeyahay Caqligu ha shaqeeyo, Wiil yar oo Qori wata yaanu inoo talin, Dadku isku mid weeye, Alle ha laga Cabsado, Dagaalka iyo Xumaanta hala joojiyo, oo Waxgaradku ha qabteen dadka dhibaatada wada”. Ayuu yidhi Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

Isagoo ka hadlaya Colaada iyo Arimaha ay Salka ku hayso   ayuu yidhi  “Colaadu inta aan ogahay waxay u badan tahay oo salka ku haysaa, Aanooyin ah [Qof ayaa la diley ee Qof kale haloo dilo]  Odayaasha Labada dhinac si wanaagsan ayay Howsha u wadeen, Laakiin waxay Xakamayn kari waayeen Wiilyar oo dhibaatada Abuuraya”.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa sheegay in lagu Cimro Qaato oo Wax laga Barto dhibaatooyinkii horay uga dhacay deegaanadan.

Dadaalka Nabadeed ee soconaya ayaa Garaadku uga warramay wariyaha VOA ee  magaalada Laascaanood Cabdikariim Olol.

HALKAN KA DHEGAYSO WARAYSI GARAAD C.RISAAQ

Kalshaale.com Kala soco Wararkii ugu dambeeyay dal iyo dibad.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29472

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Dhegayso VOA: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ka hadlay Colaada deegaanka Horufadhi ee Buuhoodle”

  1. Somali galbeed

    HALAYS XASUUQO DABADEEDNA HALA HESHIIYO

    WAA SHEEKADA 30-KII SANO EE U DAMBEEYAY.

  2. Buhoodle Man 34

    Garadada waa kuwa dhulbahante jabiyay.kulaha nidam dawli baa loo bahanyahay. Maxad garad ku tahay hadaad cidan iyo garado kale wada shaqayn laa lahayn , weliba laa soo gaban karin dambilayashi. Hadan fahmay sida SSC uu noqday horgal-Land. Garad name is only for show and begging money. They are useless and incompetent. May allah save ssc people

  3. ASC.
    Walle GEDO LAND, Shaki igu beer Markuu yiri; “WAXAAN tuhunsanahay in Garqaad ay xoolo Islaameed ku maqanyihiin” Hadde waa Ninkii agagaarka Buqda Aqable ka qawlaysa jirey. ≈©≈War Garqaadow hadday arrintaa wax ka jiraan SHEEG aan intay Gori-goortahay wax kula qabane oo ka tawbad keen ILAAHEEN SWT waa Qafuru Danuube. WBT

  4. waa nasiib daro weyn in arrin sidan oo kala ah siyaasadeeyo. Hayaag iyo hagartoona faa iido in dhexdooda is dilaan Kuma jirto. Nabad baa naas la nuuga leh. weligey ma tagin dagaanadaa owowyaashay ma arag magacaan wadaagnaa markaan arko Dhulbahante dhexdiisa is dilaya waan ka xumadaa. war tolow waan idinku faanaaye is dilkan dhexdiina iska daaya. Odeyaasha mid maan odhan lahaa war caqli keena oo ka baxa maxan cunaa.

  5. Kuwa khayrkayo naga reebay bay wax waydiinayaan. Anagu ma is rabno, daris, ma rabno waanu wada qadhaab tagnay alow reerka qarka la laalaada caqli iyo xikmad sii

Leave a Reply to Mahad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented