|

Dagaal Beeleedka Waqooyiga Buuhoodle Iyo Doorkii Waxgaradka Labada dhinac oo Meesha ka maqan

Laascaanood ( Kalshaale ) Waxaa deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle  gaar ahaan Gocondhaalle, Ceegaag iyo Horufadhi Laga darmeeyaa Xaalad Colaadeed oo kasoo Cusboonaatay Taasi oo salka ku haysa  Aanooyin Qabiil iyo Dilal mudooyinkii dambe ka dhacay deegaanadaasi.

Dhowaan waxaa deegaanka Gocondhaalle lagu dilay Nin dhalinyaro ah, waxaana in muddo ah Waxgaradka deegaanada SSC iyo Odayaasha labada dhinac ay ku howlayeen sidii xal looga gaadhi lahaa Arintaasi, Inkastoo aysan muuqan Guul la taaban karo oo laga gaadhay, marka laga reebo in Maleeshiyaadkii la kala qaaday.

Balse  Waxaa la sheegaya in Ehelada ninkii horay loogu dilay deegaanka Gocondhaalle ay maalintii shalay dil aano ah, ugu gaysteen Gudaha Magaalada Buuhoodle Nin dhalinyaro ah oo aan waxba isagu horay u dilin, laakiin Naftiisa ku waayey Haybta iyo Qabiilka guud ee uu ka dhashay.

Arintaasi ayaa sidoo kale waxay sababtay in Xaaladii Colaadeed ay dib usoo Cusboonaato markale, waxaana lagu soo waramayaa maanta in iska Hor imaad Hubaysan uu Labada dhinac ku dhexmarayo deegaanka Horufadhi oo dhaca Waqooyiga magaalada Buuhoodle.

Colaada u dhaxaysa Labada Beelood  [Hagar iyo Hayaag] ayaa u Muuqata mid aan Xal Rasmi ah laga gaadhin, Sidoo kalana Doorkii Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee Colaada lagu dhamayn lahaa  ayaa meesha ka maqan, Kaba darane Waxaanba xil la iska saarin in Qofka dhagar qabaha lasoo qabto, si dadka aan waxba galabsan Naftooda loo kala badbaadiyo .!

Alle Qur’aankiisa wuxuu ku yidhi  “Qisaasta Nolol ayaa idiinku sugan “ Waana Xigmad wayn, oo dad aan waxba galabsan aano looma dileen, hadii lasoo qabto Qofka dhagar qabaha ah.

Dagaal Noockasta oo uu yahay Wiil ayaa ku dhinta  ee Wiil kuma dhasho, Ogoow Dadka maanta diida inay Nabad Qaataan, iyagoo Hanti iyo Ragba haysta, Waxay Nabadda qaataan iyagoo Hanti iyo Raggba waayey.

Colaad Sokeeye Iyo waxa laga dhaxlo waxaa Tusaalle ugu filan oo meel fog aan laga doonayn Colaadihii Ceel-Afwayn iyo Koonfurta Gobolka Sool, oo Cidna aysan guul ka gaadhin, Qof dhintayna aanu soo noqon, Lana heshiiyey markii kuwa badan laga daba geeyay oo Xabaalaha lagu dray.

CAQLIGU HA SHAQEEYO MAANTA OO AAD XOOG LEEDIHIIN.  

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29462

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Dagaal Beeleedka Waqooyiga Buuhoodle Iyo Doorkii Waxgaradka Labada dhinac oo Meesha ka maqan”

  1. Ilaahow kala qabooji waa dad walaalo ah oo shaydaan ka adeegtee

  2. Somalia oo dhan way is dilaan waa caadi waa qaniinyo qaniinyo kaafujiso!!

  3. markay dadka iska dhameeyaan,ayay heshiinayaan,beesha guuleed garaad ayaa awalba isku deyi jirtee maxay uga seexdeen dadkaa islaynaya

  4. wasax dad bilaa sabab lodilayo wa waxa laga shaxslay daagslki sokeye somaliya

  5. ASC dhamaantiin.
    Waxaan idiin sheegi in qabiilo kale iyo waliba wadammo kale eey ku lug leeyahiin baabi’nta iyo gumeeynta reerkaan Dhulbahante oo jambal loo tuuray oo la’isku dirrayo. Waxeey lamidyahay farsamadii qabiilada Koonfurta Somaliya dagan loo galay 25 sanno ilaa laha gaarsiiyay meeshii lala rabay. Waa same shit.
    Dalmida
    God bless Somalia

  6. Waar hoy ninkan Cadaado warkiisa yaan la yaraysan. Ninku waa falasuuf, dhibaatada Somalida ee caalamkii oo dhami xalkeeda heli waaya halkuu kasoo saaray xalka waataad ogeydeen, waa hablaha oo gudniinka laga daayo.Tanna mar haduu yidhi quwado sheesheeye ayaa gacanta kula jira sideeda ha loo qaato

Leave a Reply to xamdi

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented