Xidlhibaan Xaaji Maxamed oo la dilay, kadib markii Gaadhi ku socday Xamar Laga dejiyey iyo sida Wax u dhaceen

Muqdisho ( Kalshaale ) Warbixin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa  xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabelle oo maanta lagala dagay gaadhi uu la socday oo kusii jeeday magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu warramayo in lagu dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen Xaaji Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabelle kadib markii ay koox hubeysan ay saaka kala degeen gaadhigii  uu la socday .

Qaar ka mid ah Ehellada xildhibaan Maxamed ayaa xaqiijiyey in lagu dilay marxuumka deegaanka Yaaqle oo hoostaga Balcad..

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka tacsiyeeyey geerida xildhibaankaasi.

Gaadhiga lagala degey xildhibaanka ayaa ka kabaxay saaka magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho,waxayna dableyda wadada u gashay gaadhiga ay fasaxeen dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas oo noociisu ahaa Noah.

Ammaanka jidka dheer ee  Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liita, waxaana inta badan weeraro ka fulisa  Alshabaab, iyadoona weeraradaas qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamalka HirShabelle.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...