|

Diyaarad laga leeyahay Kenya oo Maanta Shil ku gashay Baardheere

Baardheere  ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya degnada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in maanta halkaasi ku soo dhacday diyaarad nooceedu yahay 5Y-WFC ayna leedahay shirikada Buff Air ee laga leeyahay dalka Kenya.

Diyaaradan ayaa ku soo dhacday Garoonka degmada Baardheere ee gobolka Gedo mana jiraan wax khasaaro oo dhashay sida ay xaqiijiyeen Maamulka Garoonka Baardheere.

Diyaarada ayaa waxaa gaadhay bur bur sida ka muuqata sawiro laga soo qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere oo diyaaradaan maanta ku soo dhacday.

Diyaarada ayaa ka duushay maanta ka duushay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii maanta ay DFS si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada diyaarada ee gudaha Soomaaliya.

Diyaaradan ayaa ah tii labaad oo laga leeyahay dalka Kenya oo shil ku gasha dalka Soomaaliya waxaana diyaarad ay lahayd African Express ay ku burburtay meel ku dhow magaalada Bardaale bishii May afarteedii ee sanadkan, waxaana diyaaradaasi soo ridey sida la rumeysan yahay ciidamada Itoobiya waxaana ku dhintey lix ruux oo saarnaa diyaarada.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29452

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Diyaarad laga leeyahay Kenya oo Maanta Shil ku gashay Baardheere”

  1. Ethiopia wuxuu mid mid u soo ridahayaa diyaaradihii Kenya

    Gedo waxey noqotey KAASHMIIR

  2. ASC.
    KA TIMID BOG HORE.
    XAANGE adeer, intaad ku mashquuli lahayd Waxaan macno lahayn iyo inaad Somali cadaw u raadiso FADLAN isku day inaad qorto Taariikhdii Aabihii Ummadda Somaliyeed Yaasiin Xaji Cusmaan Kenadiid oo xitaa ku dar Tooq iyo naashnaash loo dulqaado karo. ≈©≈Adeer run ahaanti waagaa ma jirin cid ka ilbaxsan reerka MISE adigu waxaad ahayd badawdi reer Mudug!!!. ZAG. WBT

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented