|

SAWIRRO : Galmudug oo lag Wareejiyey Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa Cadaado

Cadaado ( Kalshaale ) Wasaaradda amniga gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad saarnaa  kala wareegtay waxgaradka degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Waxgarad, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan laba gole ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay munaasada ciidanka iyo hubka lagula wareejinaayay wasaarada Amaanka Maamulka Galmudug oo mudooyinkaan dambe waday qorshe hubka deegaanadaasi yaala maamulka kula wareegayo.

Wasiirka amniga gudaha Axmed Macalin Fiqi oo goobta kula hadlay maleeshiyada ayaa sheegay in ay ka mid noqon doonaan askarta loo diyaarinaayo in ay noqdaan ciidamada Daraawiishta Galmudug, tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonan wixii maanta ka dambeeya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug ay wado qorshe ay ku dhisayso ciidanka Maamulkaasi isla markaana ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah Xoogga Al Shabaab oo Maamula deegaano iyo degmooyin ka tirsan Bartamaha Soomaaliya.

“Wasaaradda amniga gudaha waxaa ka go’an dhisidda ciidamo ku filan sugidda amniga Galmudug sidoo kalena ka shaqeeya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Amniga Galmudug.

Wasaaradda amniga gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa horay ula wareegtay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ku sugnaa Magaalooyinka Gaalkacyo, Hobyo, Galinsoor, Balanbal, Cadaado iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29447

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “SAWIRRO : Galmudug oo lag Wareejiyey Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo ku sugnaa Cadaado”

  1. Jabhad

    GOORMUU Governor Deni la wareegidoona makeeshiyada Cumar Maxamuud ee soo baneeyey Tukoraq, markuu Gaas wareejiyey HAGBADDA MAAMULKA MAXAMUUD SALEEMAAN.

    * PUNTLAND waa la wada degaa, ee lama wada laha.

  2. dabshid

    Waxan la yaba hubka hawiye haysto iyo amni la.ant

    Ka jirta dhulka hawiye war intaad hubka iyo cidanka

    Midaysan iska dhacsha UGUS

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented