Shirkadda Xawilaada ee Worldremit oo Xadgudub Joogto ah ku haysa Soomaaliya
Nairobi ( Kalshaale ) Shirkada xawiladdaha lacagaha ee Worldremit ee uu leeyahay ganacsade Ismaaciil Ahmed oo reer Hargaysa ayaa markii labaad xadgudub ku samaysay qaranimada Soomaaliya.
Shirkadan markii hore liiska magaca Somalia iyo meelaha ay lacagaha u dirto marka ay timaado dhanka Appka kuma jirin, waxayna ku dartay Liiska Somaliland oo ay la sintay dalalka kale ee aduunka.
Haatan Shirkada ayaa liiskeda ku soo dartay Somalia, waxayna labada dhinacba ku dhejisay calanka maamulka Somaliland, Iyadoo Somalia ka dhigtay inay astaanta calankeedu tahay kan maamulka Somaliland.
Shirkadan ayaa xadgudubyada ay sameysay yihiin kuwa lagu dacweyn karayo ayadoo bangiyo ku kala yaala Ingiriiska iyo magaalada Denver ee gobolka Colardo cilaaqaad la leh, hadii sharciga lala tiigsadana labada xad guduba lagu heli karo, marka hore khalad ka ay gashay oo ahaa in Somaliland oo aan dal ahayn ay u aqoonsatay dalnimo, isla markaana kala jartay dalkii, markalena ay sameysay inay gef gaadhsiisay Soomaaliya oo calankii xaqirtay.
Ismaaciil Remit ayaa ah nin ay qaraabo dhaw yihiin madaxweynaha maamulka SL Muuse Biixi Abdi, kaasoo dhawr jeerna amaan kala duldhacay, lana Aaminsan yahay inuu qaraabo ahaan u Naasnuujiyo.
Dawladda Somalia, safiirka Washignton Dc iyo wasaarada arimaha debeda ayaa laga sugayaa inay talaabo deg deg ah arintan ka qaadaan.
Dhinacale Shirkadda Xawaalada ee Dahabshiil ayaa dhowaan si adag isaga Fogaysay Warar Been Abuur ah oo kasoo baxay Worldremit oo ay ku sheegtay inay dadka Lacagaha ku dirsada ka qaadan karaan Dahabshiil, Waxayna sheegtay inaysan wax Xidhiidh ah la lahayn shirkadaasi.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29443
ASC.
XAWAALADI MESHEEDA HA II JOOGTO.
*****************************************************-
KA TIMID BOG HORE.
GEDO LAND, waxaagu waa Awr dabar là, Tartiib MISE MJ baad foobiya ka qabtaa?. ≈©≈Mar 1947? lay keenay B/weyne si cad iga raaracay layga jaro ayyaan magaalada dibadeeda kusoo maray Nin koofi Pakistani gashan oo qiyaasti 8/10 dhallinyara gaardisiina Wuxuu ahaa AUNTE ADEN CABDULE CUTHMAAN, Marka adeerow xilligaa Mj oo isaguba gacan ku gabad ahaa Intuu ka keenay awoodaa uu cid meel ku geysto? Ciddaa doonto dhangedee LAAKIIN Aden Caddaa Cidi wadatay KAA DIIDAY Mideeda kale MJ awoodaa leh intuu joogay? soow ma ogid in AABIHI SYL YAASIIN X. CUSMAAN KEENADIID uu kamaryeeri ka ahaa Shiirkolaha Talyaaniga. ≈©≈Waa Sixid taariikh. WBT
Ahmed Somali
Kkkkk
Caruurta wali waxey heystaan Taariikh Faankii loogu sheegay CAKAARO (sorry Dhadhaab).
– Abwaan SANQOOLE ayaa markuu Kenya tagey, Dhahey ninkasto Wuu Imaan CAKAARO.
* Tartan ama Tanaasul ama Tahriib waaye Tubtay jeexday USC.
ASC.
XAANGE adeer, intaad ku mashquuli lahayd Waxaan macno lahayn iyo inaad Somali cadaw u raadiso FADLAN isku day inaad qorto Taariikhdii Aabihii Ummadda Somaliyeed Yaasiin Xaji Cusmaan Kenadiid oo xitaa ku dar Tooq iyo naashnaash loo dulqaado karo. ≈©≈Adeer run ahaanti waagaa ma jirin cid ka ilbaxsan reerka MISE adigu waxaad ahayd badawdi reer Mudug!!!. ZAG. WBT
Raga meesha ku jira wey mahadsan yihiin
Mida kle waxaan jeclaan lahaa in lasaxo qoraalka maxaa yeelay qaarkiin qoraalkooda lama aqrin karo dhinaca kale waxaa mudan in si fiican loo ogaado halgamaayashii hore waxaana idiin sheegayaa magaca saxa ah waa yaadiin xaaji cismaan sharmaarke ee maaha yaasiin xaaji cusmaan keenadiid
Waa mahadsan tihiin
Dee shirkad kasta oo wanaagsan beeshaasa leh, marka hore waa inla helaa wax lagula tartamo,
Anigu worldremit iyo Dahabshiil ban wax ku dirsadaa, wayo xawaaladihii kale oo dhami tuug bay noqdeen.
Marka yaan qabyaalad qalalan lala Soo taagnaane macno keena. Ninkaasi waan arkay inuu Somaliland wadan gaara kadhigay lkn waxba lagama qabannkaro hadaan lahayn wax lagaga maarmo.
Raga meesha ku jira wey mahadsan yihiin
Mida kle waxaan jeclaan lahaa in lasaxo qoraalka maxaa yeelay qaarkiin qoraalkooda lama aqrin karo dhinaca kale waxaa mudan in si fiican loo ogaado halgamaayashii hore waxaana idiin sheegayaa magaca saxa ah waa yaadiin xaaji cismaan sharmaarke ee maaha yaasiin xaaji cusmaan keenadiid
Waa mahadsan tihiin