|

Muqdisho : Ciidamada Dawladda oo Kala Eryay Banaanbax ay Mucaaridku soo Abaabuleen Saaka (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada Booliska ayaa goor dhowayd kala eryay dad isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Dahsoon oo dhigi lahaa banaan bax looga soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaan baxan oo qaban qaabadiisa la hadal hayay tan iyo xalay ayaa la sheegay inuu Qayb ka yahay banaan baxyo ay qorsheynayaan inay Muqdisho ka dhigaan Mucaaradka Xukuumadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dad aan sidaa u badneyn oo soo gaaray fagaaraha Daljirka Dahsoon ay ku dhawaaqayeen dooni meyno iyo erayo kale, sidoo kale waxaa ay wateen dadkaas boodhadh ay ku qoran tahay halku dhigyo looga soo horjeedo muddo kororsi ay dowladdu sameysato.

Ciidamada Booliska oo goobta yimid ayaa dadka isugu soo baxay kala eryay, waxayna u muuqataa inay kasoo horjeedaan dad sifo sharci darro ah Banaanbaxyo u dhiga, iyadoona mararka Qaar ay isku badalaan kuw Rabshado wata oo lagu burburiyo goobaha danta guud.

Fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo kala duwan, si ay uga hortagaan banaan baxyo iyo dhibaatooyin halkaasi ka dhaca.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29439

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Muqdisho : Ciidamada Dawladda oo Kala Eryay Banaanbax ay Mucaaridku soo Abaabuleen Saaka (Warbixin)”

  1. Kkkkkkkkkk.

    Kalshaale kuwa qoro. Malaha waa agoontii kacaanka.

  2. Tijaabadii Koowaad:

    Banaanbax kooban iyo Daljirka.
    Ciidamo ku kala eryay Dhashiike.

    Baroobada labaad ama sadaxaad haduu isku badalo kacdoon, Dowladdu ma waxey isticmaali doontaa Hoobiye iyo Qaraxyo…???

    Caqliga Farmaajo waa la miisaamay maanta.

  3. Garqaad

    Kkkk

    Ma waxaad leedahay aqlaaq xumadii Dowladdii Shuuciga ayaa ii muuqato.

    Wararka naga soo gaarahayo Xamar,ma qurux badna lkn waxaan u maleyn in lagu Cilmi qaatey kursi isku dhajin iney ku dambeyn Taariikh xun.

    Farmaajo ayaaba kursigii laga kicin la’ayahey waxey muujineysaa inaa dib dambe loogu aaminikarin Kursiga Villada REER CAD KAMA KACE.

    * Tartan ama Tanaasul ama Tahriib waaye Tubtay Jeexday USC.

  4. Inaan Layaalkii hadduuba sidaan yahey

    Maxaad ka filan TOLKIIS LAYAAL

    – Harta miyaad yaqaaniin MAXLAL (xaaraan iyo Xalaal waxey tahey waxaa noo sheegidoono @ Ali Zubeer)

    Ninbaa Naag uu aad u jeclaa si lama filaan ah u furey, kadib culumadii ayaa ku dhahey kuma laaban Kartid ilaa ninkale soo mehersado maahane

    Sidaas markuu Xaal marahayo, ayuu saaxiibkiis u tagey, wuxuu heshiis kula galey – Inuu Naagtiisi meherso qodobadaana fuliyo. Kharash iyo damaashadka Arooskana anigaa kaa dhiibi.

    1. Inuu mehersado
    2. Inuusan Taaban Nafteeda
    3. Inuu waqtigaas ku furo.

    Wuxuu u raaciyey haddaad shuruudahaas jebiso ama mid ka mid ah, seeftaa ku saaran.

    Ok ayaa lagu kala tagey

  5. Hadda Farmaajo waxaan ka keenay Buffalo America

    1. Kursi Maxlal ah ayaan siiney

    2. Guno iyo Guulwadeyn iney dhamaatey wuu ogaa

    3. 4 sano kadib inuu doorasho qabto wuu ogaa

    – Kharashkii iyo codkiina waxaa dhiibey reer Seedigiis.

    _ WAXAASE laga hilmaamey hadduu fulin waayo Shuruudaha inuu kubiiridoono List EXILE.

    ” naga hubiya inuu Kheyre qasbaayo inuu meesha joogo Horta.

  6. Oo dadku maxay doonayeen?
    Su’aasha ayaa ah;dadku maxay doonayeen?
    Banaanbax,Banaanbax,Banaanbax!!!

    Banaanbaxa ha laga daayo ciyaarta.

    Kuye dadbaa banaan baxay kkkkk
    U malaymaayo in kuwaasi dadyihiin.

    12 sano ayay alshabaab sida xoolaha u qalaysay,nolol xumo kasta iyo dil joogto aha ayay soo mareen.Maanta maalin ay ka fiicanyihiin lama arag 30-kii sano ee ina dhaafay.

    Isku soo wada duub oo kuwani waa shaqaalihii alshabaab iyo alshabaab qudheedii.

    maxay Muqdisho nabad u noqotay.camal.

    Dalmida

  7. “Duqii doona ducana ugu dara“ inuu Kuyimid ayaan uhaystey ,Sheeko kale ayaad nagu soo kordhisey
    Mr Dabshid sxb
    Meeshaas anaa joogey 1994-2008 ayadoo duudka ceel Macan 5 km biyaha juuniga burka madaxa lagu soo qaado, waa u xiisnay miyaa umalayn maa

  8. Wallee hawiye baantuu cabaad iyo indho-caddeys baa ka soo haray ,banaan baxaan waxaa soo abaabulay mooryaantii gurguurte iyo Shariff biijo maxaase ka raacay dhebigaa loo qoray waxaa laga dhigay mid Jaban iyo mid Jiis ah ishii buktaayay ku bikaacso mooryaan ha dhaqdhaqaaqin dable xoooggaa ku hayee. midda kale horaa waxaa looyiri habar dhliweyday aleelo ku waalatay mooryaantu habaar bay bilaabeen,laakiinse horaa loo yiri hays karaamo tirina habaar lagu Kari waaye.dameer aan saaranahay dhuusadiisa maxaa iiga gidhiisha.

  9. Dabshid.

    Banaanbax aan MADAXDA dowladda lagu tageereen lama qaban karo.

    Waxaa ku xigo xisbi siyaasadeed oon midka dowladda aheyn lama furi karo.

  10. Garqaad

    70% ayey ahaayeen Askartii Bah USC 91,

    Maanta oo Askari, shacab iyo shaqaale isku guri kasoo toosan majiro walwal iyo Jugtii 91.

    Markii la gaaro waqtigii Doorashada lagu balansanaa ayey taladu joogtaa reer Goof.

  11. Mursal

    waxan waxaa layidhaa Siyaasada qabiilka ku dhisan.Marka laga hadlayo siyaasada qabiilka ee aan lahayn wax kale,waxaa la yidhaa;dadku waa xaabo oo kale.

    Xaabada waxaa dabka saara ninka soo gurta,ee waliba soo qaata quraha aadka u shidma ee hore u sameeya ololka.

    Inkasta oo ay arintaasi ka dhamaatay aduunka kale,hadana waxaa ku dhaqma qaarada africa,Somalidu haba ugu sii darnaatee.

    Dadka waxaa soo kiciya ninka danta u socda.Kursida wadanka wadanka ugu sareeya,kaasi oo laga sameeyo dhaqaale aad kaga mid noqonayso Tijaarta aduunka.Lacag aan si kale lagu helinkarin ayaa la helaa marka madaxwayne la noqdo.saa wax kale oo qorshe ah kumad iman.waxaad ku timid qabiilkaaga oo aad soo kicisay si aad dantaada u gaadho.

    Ninka hogaaminaya siyaasada qbaiilku,Cadow ayuu u abuuraa dadkiisa.Cadowgaasi waa mid ku jira maanta dadka oo hore u fadhiyay masgaxdooda.Sawirkaasi cadowga ayay ka gadoodaan,cadiifada ayaay aad u shaqaysa.

    Bal u fiirso waxa ku dhacaya Ninkankii Oromo ee 10000 oo dhalinyaro ah kuwaayay sidii Oromo uga xoroobilahayd Abasiyanka (Qeero Movement).

    Ragii kacdoonkaasi hogaaminayay Abiye axmed ayaa daaqada uga soo galay kii oo sheeganaya inuu yahay nin Oromo ah oo u qalma xilkaasi.Yeelkeeda Oromo xilkii ayay saareen Mr Abiye Axmed.

    Maanta Oromo waxay noqdeen mid uu dilay,mid uu xidhay iyo mid baxsad ah.

    Taariikhda markii u horaysay ayaa diyaarado lagu garaacay dhulka Oromada tii oo la baacsanayo Jabhadii Olf ee Oromada.

    Dadkani aad arkaysaa ee maanta banaanbaxayaa waa Xaabo,waxa oo urursaday Xasan sheekh iyo shariif axmed.
    Hadii ay u banaan baxayaan wax dantooda ah,maanta waan ku farxilahaa,waan soo dhawaynlahayn,laakiin uma soo banaan bixin wax iyada dantooda ah.Saa Somalidu maba taqaano wax dantooda ah.Waa xaabo uu kolba nin shito dadka somaliyeed.

    isku soo wada duub oo Hawiye oo kaliya kuma koobna arinkani ay dadku xaabada yihiin e waa wax ay la qabto somali oo dhan.Iyaga waxaa sii shidaya kursigii ayaa yaala Muqdisho.

    Cali Mahdi,wuxuu soo laayay ugu yaraan 5000 oo qof.Si toos ah ama si dadban ha u dhintaane wuxuu soo laayay Ummada badan oo HAWIYE ah.Waakaasi ku raaxaysanaya aqlkiisa.Waxa kale oo dhuka ku aasay sun soo bixidoonta 60-ka sano ee soo socda ee dhibkeeda ay la kumldoonaan kuwa dhalndoonaa hadiiba uu aduunku sii jiro.

    Dadku waa xaabo,ninka soo gurta ayaa raashinka ku karsada.

    Dalmida

  12. Waayeel waa kee su yiri waa anagoon is yeel yeelayn! Farmaajo waxaan leeyahay Villada cayaarta ka daa……!!! Maantay shalay maaha shalayna bari noqon mayso.Malaha Farmaajo wuxuu is leeyahay saaxiibkiis Abiy Axmed baa meelaha ka agdhow oo kaasoo gaaraya laakiin waxaa u malaynayaa Farmaajo inuu Sanba war kahaynin in filimadaa Dadka reer Muqdisho hore u daawadeen. Waxaan xasuustaa Siyaas Barre iyo Mingistu in ay isku mar baxeen hadana tii oo kalaa ii muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo uu Nicolay jesesko iyo naagtiisii ayagoo mayd ah wadooyinka Buqureeste lagu jiid jiidayo…….. Nin cadaan Xamar ku jiid jiiday ma wuxuu u daahaa gaban yaroo kaligiis socda? Waxaan halkaa hambalyo uga dirayaa Walaalaha Kushitic Oromada Long Live Oromia warriors!

  13. Banaan baxu wuu socon hadii sharciga la raaci waayo waxaan arkaa laangaab dhulkiisa la haysto oo dad xora leh dad maha kolay lahaystayaasha way dhaamaan aw fiish xamar malab baa loogu daadshay yaa kaboshaagle ina koombe la wareege

  14. Aarka hargaysa

    Qori caradii moyee dhaqan kale ma yaqaan ninkani ee calaacalka nagadaaya hawiyow kalmadii waxaan codsanayaa = waxaa codsahoonaa ayaa khaati idinka taagan oo dacwad idinka gudbin doontaa Golaha amaanka hawiyow

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented