|

Halkee ayuu ku dambeeyay Shirkii Madaxwayne Farmaajo ku Baaqay ‘Puntland & JL oo Caqabad ku noqday’

Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaa markale uu dib u dhac ku yimid shirka amniga qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la filayey inuu si rasmi ah maanta oo Axad ah 5-ta July uu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho.

Shirkan  waxaa horey u iclaamiyey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), balse waxaa diiday oo gabi ahaan qaadacay madaxweynahayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntand.

Labadaan maamul ayaa tabasho ka muujiyey shirkaas iyo sida ay wax u wado dowladda, gaar ahaan hanaanka ay u wajaheyso doorashada 2020 illaa 2021-ka.

Sidoo kale Jubbaland iyo Puntland ayaa ku eedeeyey madaxweyme Farmaajo inuu fulin waayey qodobada shirkii dhanka Internet-ka ee ahaa in la joojiyo xeerarka doorashada ee  uu ka doodayo baarlamaanka, inta la’isaga imaanayo shirka amniga qaranka.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya oo ku aadan dib u dhaca shirkan oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta ka furmo gudaha caasimadda.

Waa markii 3-aad oo uu baaqanayo shir uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku casuumay maamul goboleedyada, iyadoo labo jeer oo hore madaxweynuhu ku baaqay shir, balse ay qaadaceen maamul goboleedyada.

Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada qaar kamid ah ayaa dib u sii dhigi kara dadaallada loogu jiro doorashada dalka ka dhaceyso dhamaadka sanadkan, taas oo aan weli la’isku raacin sida loo wajahayo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29427

Posted by on Jul 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Halkee ayuu ku dambeeyay Shirkii Madaxwayne Farmaajo ku Baaqay ‘Puntland & JL oo Caqabad ku noqday’”

  1. Markii horaba aragti ama xal raadis isaga ka timid maysan aheyn. Hadana isaga uma taal ee dadkii awalba shirkaas qabo ku dhahay ayaa go.aan ka garaayo.

    Dadbaa ku dodaayo waa dowlad adag malaha erayga adeega ayaan dadku isku si u aqoon.

    Madaxweyne farmaajo. Ma donaayo in uu doorasho qabto. Anna waxaan u balan qaaday in uu arko qasaarada ay leedahay. Kursi laysku dhejiyo.

    War dadkaan intaan xukunka loo dhiibin. Waa in la siyaa casharo.

  2. Awalba daacad kamuu ahayn shirku ee beesha caalamka ayaa cadaadis ku saadhay.
    Wuxuuna bilaabay in shirka ka hor uu baarlamaan ku sheegga u af duuban uu sharciyo aan dastuurka waafaqsanayn ka marsado isagoo taa ku qarinaya xil kordhin uu kasoo dhaadhiciyey Xaliima yarey oo aan faraheeda kala aqoon.
    Now waayeelka waxgaradka iyo siyasiyiinta ruugcaddaaga’ahi digniin iyo baaq bay dirayaan alarm bay bixinayaan.
    Balse hadii malag dhawaaqaayo miidaamo dhago miidaamo dhego maleh. Malaha waxaa idman sidii adeerkii af weyne in Villada loogu daato.
    Wiilashii Dhafoorqiiqa ahaa oo afeyne Daarood ahaanta ku badbaadiyey markii kuwii uu adeerka u ahaa ka carareen,tookadan ma joogaan Muqdisho.
    Shalay waxaa laga sharqaminayey manifest 2.
    Waxaa isna hadlay oo hadal u dhigma kii Ina Carta qaalib ee munaafaqada ahaa uu jeediyey 1991,jeediyey Mahad Maxamed Guuleed isagoo baalamaanku sheegga xilligoodii dhammmaaday ku boorinaya inay xilka kororsadaan si madaxa la isula galo.
    Farmaajo isago waa doqon oo hadalkaa wuxuu u qaadan doonaa mid isaga waxtar u ah laakiin ma oga inuu ninkaasa dadka ku sii dirayo.Farmaajo marka ma wuxuu doonayaa sidii Samuel K. Doe in video laga soo duubo isagoo la jarjarayo?

  3. ASC.
    KANNA LAGA TEG. WBT

  4. Daarood iyo kursi aragti baa ka dhaxaysa ! Car yaa ii sheegi kara nin irir ah oo ku dhagay kursi sidii kooladii ama xoog looga tuuray. Hadii Farmaajo uu isku dhajiyo kursiga oo xoog looga tuuro waxaa markaa imaanaysa in Soomaaliya ceeriinka lagu qaybsado Madaxweyne waxaa lahaan doona Hawiye Raysalwasaarana Daarood ama Dir Raysul Baarlamaana Raxanwayn sidaa buu arinku noqonayaa hadii kale wadanku fowdo iyo qalalaase ka dhamaan mahayo hadii kursiga lagu fadhiisiyo Madaxweyne Daarood ah.

  5. Awalba daacad kama ahayn waa nin aan afkiisa iyo qawlkiisu wada socon talow kabashaagle mee isagaa kabaha afka ugu sidi jirayee

  6. Kuwaan kursiga sidii shinni malab aragtay ku waashay ee Farmaajo oon asbuuc joogin ku qabsaday, kaba soo qaad hadday iyagu ku guulaystaan doorashada yaa la shaqaynaya soo sidoodii oo kale ligligga lagula dhagi mayo…

    Iiyaguse ma ku heshiinayaan… Waar nimankaa N&N ha idin kala cesheene daysta wayga talo…

    Haddii kale Faysal dhurwaa taladiisa qaata, waxaad ka heshaan baad leedihiine…

Leave a Reply to Ahmed Somali

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented