|

Wafdi ka socday Puntland oo laga Celiyey Gobolka Sool, oo Shil Gaadhi jidka kusii galay (Warbixin)

Laascaanod ( Kalshaale ) Wafdi Wasiiro iyo masuuliyiin kale isugu jira oo ka socday  Puntland ayay Somaliland dib uga soo celisay Deegaano ka tirsan Gobolka Sool, gaar ahaana deegaanka Karin

Laba kamid ah baabuurta dagaalka ayaa gudoomiyaha gobalka Sool u diray deegaankaas, waxaana ay ku guuleysteen in ay halkaas ka celiyeen wafdiga Puntland oo ka kooban wasiiradda Caafimaadka, waxbarashada, Saraakil ciidan iyo Xildhibaano baarlamaan.

Intaasi kadib Wafdiga ka socday Puntland ee laga soo celiyey gobolka Sool ayaa shil ku galay jidka ay kusafrayeen, markii ay kasoo laabteen deegaankas oo ay Somaliland ciidan geysay.

Dhankiisa waxaa arintan ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sool  ee Somaliland, isagoo digniin dheeraad ah u diray Puntland.

“Waxaan ka saarnay deegaanka Karin-dabaylweyn ee gobolka Sool xubno ka tirsan maamulka Puntland  oo kala ahaa wasiirkooda caafimmaadka, wasiirka Waxbarashada  iyo xubin xildhibaan Barlamaan, ,   Waxayna  deg-deg  u  haleeleen halkay ka yimadeen, ka dib markay ka hawl galeen ciidamadu.

Gor-gortan marna kama galayno, in lagu soo xadgudbo xuduudaha Dastuuriga ah ee Somaliland ee ka tirsan ciidda gobolkan aan hoggaanka ka ahay ee Sool, isla markaana ajande siyaasadeed oo kan Somaliland ka baxsan, lalama imaan karo, kamana dhex shaqayn karo .

Waxaan uga digayaa maamulka Puntland inay ka waan toobaan qorshayaasha hagaaska ah ee dadkan iyo deegaannadan xilli hore ka tashaday, dantoodana gartay ay uga soo dul dhacayaan, iyagoo wax dan ah u ahayn. Waxaana hoosta ka xariiqayaa haddaysan joojin inay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo aysan mahadin. “ Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool ugu magacaaban Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29226

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Wafdi ka socday Puntland oo laga Celiyey Gobolka Sool, oo Shil Gaadhi jidka kusii galay (Warbixin)”

  1. PARLIAMENT DOWLADDA DALKA PUNTLAND ayaan ka sugeynaa JAWAABTII KU HABOONEYD

    – Caruurta oo dhan ayaa la murmo wiilka Caloosha weyn, oo qabow xitaa nacnaciisa iyo Bejiyahiisa iyo Shishimowgiisa WAA LALA CUNAA.

    – Xariifka Mitidkaa iska daa in nacnaciisa la haweystee, markuu BANOONIGA WATO lama jilaafeeyo.

    * Koofurbaa MUranku yaalaaye, Boowe Waqooyi lagu kala bax.

  2. Dadkii shirka ku dhintey Alle ha u nacariisto, kuwa dhaawacaana CAAFIYA.

  3. Kkkkkkk.

    Hadeey khaatumo soo xasuusateen.

    Horta yaa yiri majeerteenku siyaasadda Qatarbey ku yihiin.

    Anigu waxaan aaminsanahay. Magac aysan u qalmin ayaa iska raacay.

    Waxaan sidaas u leeyahay.

    Khaatumo oo ay shalay xaniinyaha saareen ayey maanta raadinayaan xitaa caruurta laba jirkaa waa fahmi karaa sababtey u raadinayaan.

    Barlamaankii somaliya ayaa ansixiyay metelaada banaadir state. Hadda mr farmaajo wuxuu watay qorshe ah in la siiyo 7 XUBNOOD gobalka weliba lagu qaybiyo 4.5. Xildhibaanadii mucaaradka ayaa halkaas jaanis ka helay oo 13 XUBNOOD meeshin ah barlamaankii geeyay waana marsiyeen. wey fahmi wayeen in ay isbiya raaciyaan. Madaama aysan wax ka qaban Karin.

    Mr farmaajo isagoon raali ka aheyn 13 xubnood. Hadana wuu iska gaabiyay hirka kacay. Hadda caawa dhankiisa ayuu uga faanayaa.

    Xaange iyo land. Saaxibayaal. Waxaad nagu wada kalifteen in aan farmaajo gadaal ka istaagno saa waxaad soo istaagteen. Hadaad wax hesheen waan kala tageynaa.

    Caku haduu kuu boxo magac aadan laheyn maalin unbaad fashilantaa

    • Hawiye huutu caqli xumaa!’ waxay ku waasheen
      Maqaam ! adeer kala saar muqdisho waa magaalo madax iyo unukaa leh. muqdisho intay magaalomadax tahay waa la wada leeyahay cid sidaas ka badali kartaana ma jirto. calalka villada fadhiya ee lahaystaha ku ah ee walhtigii ka dhamaaday isaga warkiisu wax ka soo qaad ma leh.

  4. Fadalkuuda ayaa geelu ka cabayaa haday soo galaan xadka jamhuriyada barakaysan ee Somaliland

  5. Garqaad

    KKK

    Eebow! waa Hadalkii INTA MADAX MADOW markii Idaha lagu daro.

    – MINGISKAA ku kacsan oo siyaasadda ka BURIYEY, waa iney soo weyso qaatan.

    xitaa haweenkooda aaminimahayaan markale

    * Xassan Qoslaaye iyo Farmaajo hurdaaye ayaa isu dabo marey.

    ABEED ABEED

  6. DASTUURKA MAAMULKA PUNTLAND

    QODOBKA 6AAD

    Maamulka PUNTLAND wuxuu ka koobanyahey gobolada, Bari, Sool, Nugaal, Waqooyi Mudug, Bari Sanaag (iyo magacyada cusub ee SOOMAALIDA CUSUB)

    Walaalow INTEY leeyahiin waan DIFAACEYNAA DASTUUR (ka dhaxeeyo MAAY IYO MAXAA) maxaa u diidey iney difaacan DASTUURKA DALKA PUNTLAND- Qodobkiisa 6AAD.

    – Waxaan kula talin lahaa Madaxda Villa Xamar, iney Dastuurkaan Cusub ee Koofurta DHIGTAAN BANK SOMALILAND EE HARGEYSA

    oo markey Murmaan la dhaho ORDA oo ka soo qaada BANK HARGEYSA aan ka dooney.

  7. Dabshid salaan sare imaam.

    Miyaad fahmi kartaa caradaan halkaan la joogo.

    Majeerteen iyo mudulood wexey wada lahayeen qorshe meesha looga saraayo wiilashaan qurbaha ka yimid een aduun iyo aakhiro midna la socon.

    Maanta majeerteen wexey nagu kalifeen in aan farmaajo gadaal ka istaagno oon aan ayagii cadow ka dhigano.

    Hadda ogoow farmaajo 7 XUBNOOD oo 4.5 lagu qaybinaayo in la siiyo gobalka banaadir ayuu gudiga doorashada u soo dhiibay.

    Laakiin niman xildhibaano ah oo ay ka mid yihiin xildhibaan mahad salaad. Caraboow iyo cabduqaadir cali codoble oo horay mooshin ay u keeneen hoos la geliyay ayaa jaanis halkaas ka helay. Wayna marsiisteen.

    Mr farmaajo halkaas ayaa waagu ugu baryay oo qorshihiisi waa la fashiliyay. Laakiin Markii xildhibaanadii pudland sida xun u hadleen. Odagu wuu isbiya raaciyay. Hadii kale hir kale ayaa lagu kicin lahaa.

    Hadda xamar jaalle farmaajo oo hoosta ka gubanaayo ayey u shidan tahay.

    Cali geedi oon laga marin majeerteen iyo pudland xitaa caawa wuxuu ku qasbanaaday in uu weerar ku qaado.

    Iga aamus isheey farta Naga wada geliyeen.

    Imaam dabshid. War reerkaan magac aysan u qalmin ayaa y yeeray.

    Magac iyo musiibo maalinbey ku racaan ayaan maqli jiray.

  8. aan ka doodnee

  9. Dabshid

    Allah baaa saas igaga sareeyeee 3 saac gudahood baaan tuuladan gadhowe ee idin wareerisay Ku qabsan karnaaa….wali miyaad aragtay anooo faanaya?!.

    IGA qor midhkaas.

    • ASC.
      KUYE; “3 saac gudahood baaan tuuladan gadhowe Ku qabsan karnaa” BEEN BADANA!!! WAR DENI iyo koox macaan jecela oo Garowe joogtaa kuu muuqate XAGGEED gayn Reer Mudugi Tooxtooxna iyo Sacad koodi DHIIG wadaagga AHAA?. WBT

  10. Mujaahid Darwiish#1

    Waxan hadeyan wax iska celin Karin maxay Soo dooneen?
    Laascaanood, caruurta guryaha shiida ee cararta waxaa loo yaqaan Puntland.kkkkkkkkk

  11. ASC.
    MAQUUNADI Hawiye Dabshid iyo asaagi Maanta waxay heleen Duul ka liita Markaasa biqleyntoodi Barxadda laga joogi làyahay.≈©≈WAR hooy jooga Adduunku gelimba waa cayne Beeshaan ay manta horboodayaan DENI iyo Faroole WAXAA ka dhashay C/Rashiid C. Sharmaàrke iyo C/LLaahi Yuusuf Nocoodina INSHÀALLAAH wey imaane. ≈©≈Mideeda kale haku Sirmina Mudane Jurille WAA laba midigle Qabiil iyo Qaranba waa xambaarsanyahay oo reerki ciduu ku halleeyo uma jeedo Somalinimana ma tuurikaro. ≈©≈Dabshid, tartiibso Gadaal ugu noqo taariikhda JURILLE iyo midkaan ay soortu qaaday ee FIQI Door weyn bey ku lahaayeen Doorashadi Farmaajo Sidoo kale; Cabdi Xaashi, Cabdi Cismacil Samatar, Bayle iyo akhyaar kalaba. ≈©≈RAGAASI waxay ahaayeen Kuwi ciyaarsiiyay Xasan Sheekh iyo xulafadiisii oo yiri Qolka codbixinta lalama gelikaro Qalin ee kan yaal isticmaala, warqadda codbixinta midabkeedu waa cayn aysan ku talagelin Xulafadi Xasan, iyo dhowr tallaabo oo kale oo aysan kooxdi Xasan ku tala gelin. TAF. WBT

  12. Mo says ok muqdisho hadii la wado leeyahay waan ogolahay unukaa lehna iga maqlimaysid maxaad ku soo kordhin dhulmahante tahee jeebabkaagii baa qiiqaayee horumar cid samaysaa nu rabnaa ma rabno nin iskaalshadiisu urayso shaqadiinu waa soo basaas tiina ma banaana ee gowaankaaga imaanso

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented