MUUQAAL: Mashaariic laga hirgeliyey Muqdisho iyo Wasaaraddo Xadhiga laga jaray (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysalwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guled Khadar ayaa Maanta Xariga ka Jaray dhowr Mashaariic oo laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xarumaha Xariga laga jaray waxaa ka mid ah Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Boostada iyo isgaadhsiinta ,Degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaaqshiid ,iyo wadooyin ay dowladuu dib udhis ku sameysay kuwaasi oo ay ka ah dhowr mashaariic oo ay dowladda Soomaaliya ugu talagashay xuska maalmaha Xorriyadda .

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar waxaa ku wehlinayay Guddiga todobaadka Xorriyadda oo ay ka yihiin Wasiiro ,Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliyeed ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimada Cumar Maxamed Maxamed Cumar (Filish) iyo Guddomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan dabaal dega Todobaadka xorriyadda u bedeshay mashaariic hormarineed oo laga fulinayo dalka iyo kuwa la dhisay sida Xarumihii lagu dhisay Barnaamijka isxilqaan iyo qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Dabshid says:

    Riinjiyeynii iyo ubax talaalkii ayaa loogu yimid Guddoomiyeyaashii degmooyinka iyo Duqii Banaadir state of MUQDISHAAWI.

    – Doorashana waan ku jirnaa oo Jiif nooma yaalo, ee yaan nalaga hilmaamin wixii SAB ah.

    * Kala Guurki waayoo Dadaalbaa la galayaa,
    Sawir in la qaadiyo cayaarbaa la tumayaa.




Madaxwayne Farmaajo oo Xadhiga ka Jaray Madxafka Qaranka (Sawirro)
- Jul 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ...
Xog ku saabsan dagaalka Dhuusamareeb ee Ciidamada Nabadsugida iyo Haramcad
- Jul 1, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa ...
1-da Luulyo: Madaxwayne Farmaajo oo Ubax dhigay Taallada DhagaxTuur
- Jul 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya ...
MUUQAAL: Khudbadii Siciid deni “Muqdisho waxaa la siiyey wixii ugu wacnaa oo ah Caasimad”
- Jul 1, 2020
Garoowe ( Kalshaale) Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay caawa ...
Daawo: C.raxmaan C.shakuur “Waxaan Cabsi ka qabaa in lay xidho, Hadii Mucaaridkii Itoobiya la xidhay”
- Jul 1, 2020
Muqdisho ( Kalshaale) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Xalay ka jeediyey Khudbad munaasibad Xisbigiisu ...