|

Madaxwayne Farmaajo oo Xadhiga ka Jaray Garoonka Muqdisho Stadium (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO GAROONKA

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29202

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Madaxwayne Farmaajo oo Xadhiga ka Jaray Garoonka Muqdisho Stadium (Daawo)”

  1. War ka qariya DHABAYACO IYO DAYUUS aaminsan dalka Farmaajo inuu kaligii leeyahay.
    Somalida waxaa ay dhahdaa mayd kaa ladii wado aa u danbeeyay.
    WAXBA MA QABAN NN IYO SIDAN.Isma qabato.
    Wixii wanaag ah waa la sheegaa,wixii xunna waa la sheegaa wixii u dhaxeeya CAQLI SOMALI U DAA.

  2. Minashiibiyo v horseed ayaa lagu furay mareexaan as garaada been ah xiran jiray wiilkaan daawada sade aka hiraab lixda bilood ee harsan habaashaalo kkkkk igaar laaciba faroole iyo gaas iyo deni baleejada banooniga kasoo qaybgala kkkkk

  3. Madaxweyne lional messi

  4. Garoonkaan Stadium Magadishu anoo yar oo East Africa Cup lagu qabtay xasuustaa.

    Somalia maalin ka fiicayd maxasuusto waagaas.
    Sow Dictator iyo mooryaan ma dumin..
    Sida wax u wadaan waa raadkaagi ku noqo.
    Caanaha laga dhamo ayan dax la iga siin.
    Farmaajo garoon xariga ka jaray cusub, yeysan China idin maqal oo Somali ugu deeqday…. Imbeeshi dhaha Turki noo dayac tirtay markii Mooryaan iyo aqli Ilkayar dumiyeen.
    Ha biqlaydo

  5. Mustafe Daacad

    Dhamaan wan idén salamy akhyata .Mw Farmaajo wax muuqda ayuu qabtay balse rer xamarku waxeyku leeyihin wazba maqaban o shariif iyo xassan aya qabtay ayagoo beel ahaan sas uleh kkkkkkkkkkkkkkk mw farmaajo Somalia Muqdisho bes ayaad uheysaty ilaa aad xilka heysay,iyagana wax walba siisay mantana iyaga kulen Magalda nooga bax unika lehekkkkkkk wana hubaa inad kahuleeli doontid adigoo aan wax waji ah kuheysan besha adkaso jedid adigo xitaa adan boqan iska dhaaf inad sandaqad udhistide adigo Reer xididka qancinaya ayadla kuftay xilkii somali kudhibatay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Mustafe Daacad

    Somalijecel
    Magacan waxad usoo qadatay ayaba kalsong la.aan ah anagu garoon ladactiray waxba uma aragno intaan heysano o aan xorta unahay ayaa naga badan alx malaha dadka sidada rer isku xoqa ama cidlada taagan ayaaka naxa dad kale waxey qabsadeen adigaka xun halka aan mareyno wayo qoraal intaad soqortid mj bes mesha makeenten cuqdada iska saar rer horaa waxba loga qaban wayey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. -Dhilqe gogosha kuu galoo mahadna kuu heynin, seedi kuu garabhoo KAA BUUFIYAA DHAAMO

  8. Cayaarta ugu horeyso waxaa ku dheelidoono Muuse Biixi iyo Farmaajo, Madaxweyne Geelana waa Reference.

    * Soo rog Caliyoow, soo Cul Caashooy

  9. Masha Allah ..waaa garoon qurxoon ..waxaan rajaynaaa Cayaartooyta Gobolka Maroodijeex Hargeisa oo iyagoo Passport ka Somaliland & Calanka Somaliland sitaaa ka degaan Xamar oo Cayaartooyta Banaadir State shan & eber kusoo dhuftaan!!

    Anyway Congratulations..walalahaa IRIR-SAMAALE!

    kkkkkkkkkkkkkk

  10. Somalilander

    Kkkk

    Ma waxaad cabsiineysaa @ Land of Punt

    Magaca NATO iyo IRIR waa koontoro-baan

    * Turkey Tolkeena waaye, inta kale Kutaan waaye

  11. Dabshid…

    Maya …cabsiin mahaa..waaa siday tahay oo Aynu Ku heshiinay shirkii ka dhacay Djibouti oo walaakeen Ismail Omar Gullena Goob-jooga ka ahaaa…

    Waaa maxay Land of Punt & wxn igula wareegaysaaa…..war hadeer waxn diyaarinay wareegii Labaad eee Caupyaarta..

    One week to go!!

    Kkkkkkkkkkkkkk

  12. Dabshid

    Miyaadan daawan qudabdii Xildhibaan INDHO-INDHO…waar bahashu intiii LAND OF PUNT yaqanaay …way dhaaftay…waaaa Ku sideeee !!

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkk

  13. Kkkk

    Indho Indho waa xariif

  14. Dabshid
    Goormaad korin..
    Somalilander waa munaafaq marka Bari iyo Koofur isla liitaan ayuu kaluumaystaa in Irir..
    Cid iga jecel ma jirto haddii Isaaq iyo Hawiye dooda siyaasadda Somalida kasoo wada qayb galaan laakiin munaafaq colaadooda citiraaf ka galay…
    Dabaal…Irir Kuye…😁

  15. Land of Punt

    Kkkkk

    Runtii aad u jeclahey Wiilasha Rwer Mudug waa sida adeerkood CIILTIRE Faroole

    Lkn saaxiibkey @ Jabhad waa MASKA CIIDA KU DHEX DHUUNTO.

    Reer Bari maxaa sir ah.

    Waa raggii waagii Cumar Maxamuud ka cararey SUUSACLEY, WAQTI XAQAA ah oo Baddu Kacsantahey KALUUN U DIREY.

    – Hirkii ayaa horey u qaadey reer Mudug Bad muxuu ka kasaa, YICIB AYUU DAANYEERTA LA GURAN JIRAYE.

  16. https://www.facebook.com/1003763429688936/posts/3166988896699701/

    Daawo yaa bilaabay dhismaha stadio muqdisho.

    Dadbaa aaminsan in dowladda hadda jirto wax walbo bilowday.

  17. War ninkii LOP baan arkaa,rag kala xadaarisan oo kala caqli badan.
    LOP dhiigkarkii shalay wuu ka dhuuntay,waanse kuu qirayaa dhabayaco badan in aad dhaanto iyo ilkayar guulwadayn ku jira.
    WIXII DALKA KA HALAABO WAA NAGA HALAABEEN WIXII LA HAGAAKIYANA WAA NOO HAGAAGEEN.

  18. Garqaad

    KKK waliba waxaa SAXIIXEY Safiirkii CHINESE ee WARSAME iyo Safiirkii la dilijirey ee Turkey.

    Mashaariicdii uu Shiikh Shariif saxiixeyba waxaa Furey oo CV ku qortey XASSAN SHIIKH

    STUDIO MUQDISHO WAA FUREY MADAXWEYNE FARMAAJO ( Fad ama ha fadin)

    * Ninkii beerta geed qaadey, iyo Ninkii Abuurey keebaa Tacbey.

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented