|

Baarlamaanka Somaliland oo ku dhowaaqay Xil ka Qaadista Faysal Waraabe iyo Waxa lagu haysto !

Hargeisa ( Kalshaale ) Baarlamaanka Somaliland ayaa ku dhowaaqay inay  Inay kalsoonidii kala Noqdeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Waxayna ku eedeeyeen Kicin dad wayne iyo Hadalo uu dhowaan ku Weeraray Gudoomiyaha Baarlmaaanka Baashe Maxamed Faarax iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag.

Golaha  Wakiilada  Somaliland ayaa xeer ilaalinta ugu baaqay in ay eedo la xidhiidha kicin dadweyne ku soo oogto guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddida joogtada ah ee Golaha wakiillada ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen Faysal Cali Waraabe, oo aanu meteli doonin Xisbiga ucid, waxayna soo jeediyeen inaan wax wada shaqayn ah lala yeelan.

Eedaymaha loo jeediyey Faysal Cali Waraabe  Waxaa ka dhalan kara 6 bilood illaa 5 sano oo xadhig ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Faysal Cali Waraabe oo ku aadan eedaymaha loo jeediyey iyo Xil ka Xayuubinta Baarlamaanku ku sameeyay.

Faysal ayaa tan iyo markii uu Siyaasadda ku jiray ku caanbaxay Hadalada dhaliisha ah, waxaana sidoo kale dad badan ay ku tilmaamaan siyaasin aan la gaban aragtida uu qabo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29194

Posted by on Jun 30 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

16 Comments for “Baarlamaanka Somaliland oo ku dhowaaqay Xil ka Qaadista Faysal Waraabe iyo Waxa lagu haysto !”

  1. Faysal way uga dhamaatay meeshii Somaliland.Shaqo kalena ma yaqaane maxaa talo ah?

    Waar Odayga biilkiisa waa in loo qoraa sida ninmanka kale.

    Misgiin Faysal waa layska reebay.

    Talo ayaa u taala kkk
    Dalmida

  2. Feysal Waraabe hadduu Xamar yimaaado Shan maalmood oo damaashaad ah ayaan u sameynlaheyn

    Duqa Xamarna waan u dooran haleyn

    Sameecado ilaa Kaxda iyo Ceelasha Biyaha laga maqlo ayaan Xafiiska ugu xirilaheyn

    24 hours Shir jaraa’iid ayuu qaban lahaa.

    – Xamar waxey u baahantahey Feysal oo kale.

  3. Dadkaan waraaqda saxiixey magacyadooda

    Waa GABILEY IYO DUCAALE.

    labadaas magac waxaa la baxo HABAR-AWAL.

    Looma dhama saxiixa ee ku soo dara

    Ahmed Burco iyo Aadan Ceerigaabo

  4. Kol dhow Xamar ka eega isagoo double agent ah oo dadkuu waa Wanlawaynta/Huutuu-ga oran jiray baryaya una basaasaya…

    Ninkan waxaa laga raacay hadalkii ahaa iska soo cayriya Xamareey Farmaajo iyo kooxda Daarood ee idinla jooga, annana kuwa nala jooga waan soo jafaynaa… kkkk

  5. Faisal Cali Hussein nin aan xidid nahay weeye , si Fiican buu I Garanaya , marka ma rabo inuu hadal xun iga tago kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Tuuladii Daroor ee ciidagaluhu degaan baan Tageya insha allah Markaan Somaliya imaado .

  6. Anigu waxaan is leeyahay malaha Faysal waaba loo seeta dheereeyey ee odayga mar hore bay ahayd inuu isaga tago meesha.Reer Somaliland waa in ay dhalinyarada qayb wayn ka siiyaan dhanka siyaasada, odayaasha tii lixdinkii ahayd baa wali ku qufulan.

  7. Barlamaanku waa iska hadlay.

    Faysal cali waraabe. Waa hogaamiyaha kaliya ee ruuxiga ah ee Somaliland.

    Waa ninka kaliya ee marka xaalku xumaado banaan soo istaago ee isku haayo tiirarka somaliland.

    Alla maxaan usoo taagnaa isagoo xabadka u garacaayo. In somaliland lakala dhantaalo.

    Somalidu qofka hadalkiisa xun oo kaliya ayey qiimeyaan laakiin ma qimeyaan. Maalmaha uu nafta huro.

    Faysal cali waraabe. U malaynmaayo in uu xamar imanaayo isagoon somaliland wakiil ka aheyn.

    Haduusa xamar tago. Dee xamar farmaajaba waa joogaa maxaa faysal u didaayo. Ma nin wax kusoo kordhaayo ayaa awalba imaan jiray.

    Xaqiiqdu waxa weeye ninku haduuba DIR yahay waa milkiilayaasha labaad ee xamar.

    Dadka waa lakala bartaa. METELAADII banaadir state. Darood iyo raxabweyn waa diideen laakiin waxaa xaniinyaha saaray xildhibaanadii hawiye iyo dir.

    ALLA MEXEY XAMAR MUUFO BILAASH AH KU CUNAAN KUWA FAYSAL KASII NECEB

  8. Somali galbeed

    ODAYGANI MA KORNAYL KUFAY BUU KU QOSLAY ?

    MASE MEEL KALAA LOOGA YIMID ?..

  9. Fasal xamar ha yimaado
    Waa milkile muqdisho
    Cid aan asiga aheeyna waxba
    laga weeydin maayo mudisho
    Saa faroole iyo jurilaba
    Waa joogan o xaar un suuliyada
    Nooga buuxiyey

  10. Waxba ka socon maayaan.

  11. Dabshid
    Faysal Fariid oo kale waad haysataane Waydinaan qiimayn. Sanbalooshe ayaa ka mid ah.

  12. Barwaaqo

    KKK

    Sanbalooshe waa ninkii Xamar isugu keenay 700 oo elite Hawiye ah, kuna dhahey – Dalku waa Qabyo ee maxaa xoolihiina iyo dhulkiina ka dhigey shirko.

    – ilaa Qaran buuxo oo Koofur iyo Waqooyi ah laga helaayo – Dalka iyo Dadku shirko maahan.

    * Yaa warkaho meeshuu Faroole soo marahayo, mise Geedi majiree waa MILISH MILISHTII HORE canal.

  13. * Dhilqe gogosha kuugaloo mahadna kuu heynin, seedi kuu garabhoo KAA BUUFIYAA DHAAMO

  14. Magaalada Jimmaa ee ay ka soo jeedaan, Abby Ahmed iyo Max’ed Idir oo maanta ku soo biirtey KACDOONKA ETHIOPIA.

    Ethiopia oo Burburtey sida koob jabey ayaan ku riyoodey.

    Dalka Oromo
    Dalka Tigriya
    Dalka Somaligalbeed
    Dalka Ahmariya
    Dalka Eritrea oo horey u go’aday

    Canfar oo ku wada biirtey Jabuuti.

  15. Waa yaabe,Paralamantku ma maxkadbaa?

    Ma iyaga ayaa dadka loo dacwoodaa?

    Arimahan oo kale waxaa shaqo kule Policeka iyo maxkabadaha.Parlamanka iyo gudoomiye xisbi,maxaa ka dhexeeya?
    30 sano ayay soo jirtay,oo waxaa ku xidhaya parlamantka.

    shalayna,parlamantka puntland ayaa ka dooday dhismaha gobol kale oo somaliya ku yaala?
    Waxan somalia ka jiraa waa Fawdo.

    Dalmida

Leave a Reply to Kalsame

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented