Xaalada Itoobiya oo Kacsan, Kadib Fanaan Oromo ah oo Xalay lagu toogtay Addis-Ababa

Hargeisa ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maanta banaan-baxyo rabshada wata ay ka bilowdeen dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogasho xalay loo geystay fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caanka ahaa wadankaasi.

Fanaanka oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada ayaa caan ku ahaa dibad-baxyadii Itobiya ka dhacay sanado ka hor, waxaana toogasho gaadma ah ku dilay rag hubeysan.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo hareeraheeda ayaa dab qabad-siiyey goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa ka tacsiiyey geerida fanaankaasi, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay dibad-baxayaasha inay is-dajiyaan, islamarkaana ay joojiyaan mudaharaadyada socda.

Sidoo kale wuxuu u sheegay dadweynaha inay ka war-sugaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa cadaaladda oo ku howlan baaritaanka dilka qorsheysan ee loo geystay fanaanka.

Dhankiisa Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromadam islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Abiy ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna shacabka dhigaya dibad-baxyada uu ka dalbaday inay guryahooda ku noqdaan, isna dajiyaan.

Xaaladda magaalada Addis Abab iyo sidoo kale deegaanka Oromada ayaa maanta aad u kacsan, iyadoona halkaasi lagu arkayo shacab badan oo ka cadheysay dilka fanaankaasi.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




MUUQAAL: Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka Soomaaliya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Faarax Macalimo oo Waraysi Uga hadlay Dagaalka Itoobiya iyo Doorashooyinka ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Weerar ku Qaaday Musharixiinta Ku shirsan Muqdisho
- Nov 25, 2020
Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan ...
Shariifo Cadow oo soo Bandhigtay Su’aal ay Horay Madaxwayne Farmaajo u waydiisay
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Maamo Shariifo Cadow oo ka mid ah dadkii sida weyn ...
Daawo Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo Xiisada Liibiya
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Gantaalaha cusub ee Imaaraatku u keeneen Khaliifa Xaftar iyo ...
AMISOM oo ka hadashay Xaalada Soomaaliya iyo Arinta Doorashada
- Nov 25, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxa ciidamada AMISOM, Amb Francisco Madeira oo sidoo kalena ah ...